DOWLAD GOBOLEEDKA MAAKHIR STATE OF SOMALIA OO MAGCAWDEY WASIIRADEEDII
Badhan:- Dowlad Goboleedka Maakhir State of Somalia ayaa maanta waxay soo saartey wareegto ay ku magcawdey wasiirada(Xoghayaalo) Maamul Goboleedka Maakhir State of Somalia iyadoo ay tirada xoghayaasaashi ay gaarayaan ilaa iyo 7 xoghayn iyadoo ay ka mid yihiin rag si weyn looga yaqaano Gobolada Bari iyo Sanaag, aqoontooduna ay sareyso. Xoghayaashan (State Secretaries) ayaa waxaa ugu miisaan weyn Mr Axmed Faarax Cali (X.Bidar) oo ah Xoghayaha Maaliyadda & Xisaabaadka ee maamulka Maakhir State of Somalia. Waxaa intaa dheer in Golaha Wakiilada ee Maamul Goboleedku ay gaarayaan ilaa iyo 33 xildhibaan ay dhowaan kulan ku yeelan doonaan magaalada Badhan ee Xarunta Maamul Goboleedka Maakhir iyagoo ay kulanka ugu horeeya ku ansixin doonaan Xoghayaasha Maamulku uu soo magcaabey. Saxaafada Maakhir ayaa goor dhow soo bandhigi doonta wareysiyo ay la yeelate Mudanbe Axmed Guure oo ah Raysul baarlamaanka Maakhir oo hada ku mashquulsan hawlo shaqo ah. Dowlad Goboleedka Maakhir ayaa noqotey Wareegtadii oo dhan HOOS KA EEG.
|
|
|

Wersheda Kaluunka ee Laasqoray ayaa soo bandhigtey Wax soorkeeda Caalamiga ah[Warbixin iyo Sawiro]
[WARBIXIN] Xagee marayaa Machadka Iqra Institute for higher Education, kana qeyb qaado dhameystirkiisa
FADLAN- KA QEYB QAADO DHISIDA WADADA XIDID
Xagee marayaa Dhismaha Machadka Badhan ee Culuumta Sare [Iqra Institute for Higher Education]+SAWIRO
Damala Xagare ee Gobolka Sanaag ayaa la Amaanay Waxbarashadeeda[Daawo Sawiro]
Warshada Kaluunka ee Laasqoray ayaa Gaadhay Hormar Xawli ah[Daawo Sawiro Qurxoon]