Qoramada Maanta:- Hadaaftimo waa magaalo qadiimi ah waxaa dhowr jeer waxyeelo u geysteen duufaano ka dhacay 1970 kii iyada iyo Laasqorayba saamayn ku yeeshay magaaladii Xubeerana daadka ku daray. Duufaantaasi khasaare iyo raadayn weyn ayey ku yeesheen magaalada Hadaaftimo waa maagaalo ku taal dhul buuralay ah gaar ahaan halka ay ka bilaabanto bohosha bohol gebi waa magaalo ay deganaan jireen dad maal qabeen ah waxaan in badan maqlay dadka reer Hadaaftimo raashinka kayd ahaan bay u dhigtaan istoodhe loo sameeyey waxay keli soo iibsan karaan qudaarta oo keliya waa magaalo laga dhisay khaliijka intii burburka waxaa magaalada soo gaadhay dhawr dhacdo oo naxdin leh
1- Tan kowaad waxay weerarkii bahalnimo ee ku soo qaadeen qaylasato ka soo duushay ceerigaabo iyadoo lagu jiro waqti ramadaan ah isla markaa dadka loo sheegay in heshiis dhacay oo colaadii meel layska dhigay ayey goor loo diyaar yahay afuradii soonka weerar bahalnimo ah qabad siiyeen magaalada halkaan waxaa ka dhacay khasaaro maal iyo nafba leh waxayna magaaladii u gacan gashay cadawgii soo weeraray iyagoon wax iska caabin xooggan ah kala kulmin ayey gacantooda gashay magaaladii halkaas oo ay bililiqo xooggan ka geysteen markii danbena iyadoo aan xoog lagaga saarin ayey iskood uga bexeen taasina raadayn iyo mahadho ayey ku reebtay Hadaaftimo waayo cidiba diyaar uma ahayn colaad taasoo ay sabab u ahayd shirar heshiisyo lagu sheegay oo kala dhacay berbera iyo burco ayey dadku run u qaateen taasoo sababtay in difaaca magaaladu diciifo oo kala tago iyadoo cadawgii u arkeen inay jibaaxi karaan meel kasta oo xero wersengeli ah oo dani ka gasho
Iyagoo guushii dhabarka ku sita ayey damac kale ku himiyeen inay sidii oo kale sameeyaan waxayna soo abaareen magaalada damala xagare oo ay filayeen inay kala kulmi karaan faa’iido la mid ah tii Hadaaftimo waxayse la kulmeen iska caabbin xooggan oo ay kala kulmeen jab iyo khasaare lixaad leh iyadoo maxaabiis fara badan laga qabtay iyagoo nool kuwaas o badnaa nimankii weerarka bahalnimo ku soo qaaday Hadaaftimo halkaasna waxaa laga reebay guushii ay dhabarka ku sitteen oo waxaa dhabarka loo saaray guuldarro iyo khasaare iyo jab iyo halaag ayey kaga go’een isku day dagaal danbe maalmaha maalin adigaa leh maalina saaxiibkaa halkaas waxaa ka cad in Hadaaftimo tahay magaalo karaamo leh oo cidda dhib u geysataa aanay ka fa’iidayn.
2- Dhacdadii labaad waxay ka dhacday marsada Berbera iyadoo waqtigaa lagu jiray ramadaan bishii saddexaad 12/3/1992 taasoo ahayd dhacdo la yaab leh waxaa cariga imaaraatka ka soo shiraaqday dooni u raran magaalada Hadaaftimo markay badweyn maraysay ayaa dabaylo ku keceen todobaad bay baaxaa degaysay badweynta habeenkii danbe ayey ku soo baxday laydhkii Berbera oo weli raadadkii dawladii hore ku danbeeyaan sida laydhadhka solarka ah oo habeenkii bixi jiray maalintiina cadceeda qaadan jiray oo raasiga iyo baddaba ku teedsanaa waxaa jira raasi dekeda ka shisheeya oo marka dekeda lagu soo socdo halis ah inuu isu kaa madoobeeyo oo markaa khatar gelin kara doonyaha iyo maraakiibta raasigaas dekeda ka sokeeya oo dhamaan laydhadhkii laga furtay ayey doontii caasha saartay oo halkaas ku caariday .
Intaa kadib waxay isku dayeen nimankii doonta watay inay qaylo dhaan u dirsadaan dekeda oo aan waxba u jirin intaa kadib waxay yimaadeen dekedii oo ay markaas ka arimyaan niman dayday ah oo waxay xumeeyaan mooyeen aanay jirin waxay hagaajiyaan oo wata laash yar oo isla maalmahaas ay kala degeen markab jayna ah oo macaawimo ku rogay dekeda kuwii baa soo raacay iyana soo raaceen markay doontii u yimaadeen ayey ka qaateen waxay ka qaadan kariyeen intay ka qaateen iskaga noqdeen nimankii doontu rarnayd talo ayaa ku cadaatay waxay soo qabteen magaalada waxay u yimaadeen nin gaadhi sabaaxa wata waxay kula hesheen bal in alaabta wixii fudud uu u soo qaado markay doontii u yimaadeen oo dhawr shay laga soo rogay ayaa waxaa u yimi nimankii daydayga ahaa isla markaana warkii magaalada gaadhsiiyey iyo bililiqadii ay doonta ka qaateen.
Waxaa weerar culus soo qaaday magaaladii oo dhan waxaa laysa soo tubay xeebtii doontu ku caariday nin ka mid ah daydayga ayaa ku yidhi nimankii doontu u rarayd waxaa dad halkaas tuban haddii qof kaga dhinto badda waa idinka dushiina waayo waxay rabbaan inay soo gurtaan doonta alaabta saaran inay la soo degaan nimankii way yaabeen waxayna talo ku goosteen inay naftooda badbaadiyaan ilay magaaladii dhan ayaa weerar ku soo qaadee ciidii baa madoobaatay dad dartiis mar keliya ayey alaabtii fara ku hayeen faraha kala bexeen oo lafahooda kala soo carareen meeshii .Waxayna u tageen doon uu lahaa ismaaciil maxamuud cali bayr oo xeebta taagnayd isla markiiba gacanta ayaa la saaray doontii dadkiina badda ayey soo galeen siday u dhamaayeen badduna marna way soo buuxisaa marka way caaridaa doonta waxaa iska leh niman hindi ah oo muslim ah dadkii markay badda gudaha u soo galeen maxaa dhacay dadkii waxay noqdeen waxay badu liqdo wax hafta nimankii hindida ahaa way yaabeen waxay arkeen weerarka lagu soo qaaday waxay arkeen dad baddu liqday oo gargaar u baahan qaarka mid ah hindidii ayaa badda u soo booday oo dad badan soo badbaashay oo ka soo saaray biyaha iyagoo il daran hindidii waxay ku waasheen ashahaad iyo inay marba calan kor u taageen mar calanka qarqoonka, marna calanka islaamka , mar calanka nabadgheyada yaa ka dhegeysanaya sidii ay sidaas u ahaayeen ayaa loogu soo koray halkay joogeen oo gacanta la mariyey iyagii iyo waxay siteenba iyana waxay isku dayeyeen inay dadka soo weeraray ka badbaadiyaan qarqoonka ay iyagu gacantooda ku keensadeen waxaa dhacday dad badan baa alaab fara badan inta isku xidhxidheen badda u soo booday intay doonta ka soo booddeen iyagii alaabtay sideenba waa degeen intaa kadib waxaa magaaladii ka bilaabantay rasaas fara badan.
Waxaa oogsamay sawaxan iyo buuq waxaa is dhex maraya dad tuurta wax ku sita waxaa samaysmay jid gooye loo galay dadkii sitay alaabta boobka ah oo niman qoryo sitaan ay ka ridanayaan dadka alaabta boobka sita mar qudha ayaanu ku war helay magaalada tuurta wax ku wada sidata iyo rasaas xooggan in yar kadib baanu ogaanay arrinka meesha ka dhacay tallo waxay noqotay in loo soo badbaadsho hindida.
Intaa kadib nimankii hindida ahaa iyo qoladii doontu u raraydba waxay isugu tageen doontii wersengeli ee ismaaciil waxayna u dhoofeen jabuuti halkiina waxaa ka sii socday boobkii doonta wixii saaraa iyadoo dad badani ku qaraqmeen kuna dhinteen waxaan maali maalmaha ka mid ah oo todobaad laga joogo boobkii doonta tegay dekedda anagoo dekedda taagan ayaa waxaa badda ka soo muuqday walax madaw oo badda dul sabaynaysa waxaa dadkii dekedda joogay is waydiiyey waxaasi waxay yihiin waxaa dekedda ka dhaqaaqay nimankii daydayga ahaa oo wata laashkoodii waxay u tageen walaxdii madoobayd intay eegeen bay dhaafeen oo markab badda taagan u tageen markay dantoodii ka soo dhamaysteen bay soo noqdeen markay dekeddii yimaadeen baanu waydiinay walaxda madoobi waxay tahay waxay noo sheegeen inuu yahay nin meyd ah oo baddu liqday oo ka mid ahaa dadkii doonta wax ka boobayey dekedda ayuu ku soo xidhanaayaa oo waa la sugayaa markuu soo gaadhay halkii dekedda ayaa la damcay in laga soo saaro meesha la qabtaaba waa ruqdaa markii danbe shebeg baa lagu soo saaray meydkii maalmo danbe ayey dadku ka soo caaryeyeen badda waxaa dhamaatay wixii alaab ahaa ee doonta guudkeeda saaraa waxaa la gaadhay looxii doonta wixii la fujin karayey halkaas waxaa ku dhamaadatay doontii iyo wixii saaraa intaa kadib maxaa dhacay waxaa dhib dhacaysa cid ka hadshay may jirin oo dadka uga digta khatar uu leeyahay maalqaraqa iyo dadka qaraqmayba waxaan maqli jiray todoba ma gaadho oo macnaheedu yahay cuquuubadaa inkaarteeda todoba ma gaadho maalin malmaha ka mid ah nin cod baahiye la soo dhex maray magaalada isagoo dadka u sheegay in ictiraafkii soo socdo oo maxamed saxnuun ayaa ka soo degayo garoonka goor dhow markaa dadku hubka ha iska dhigaan oo yaan la arkin cid qoryo sidata maalintii oo dhan ayuu ninkaasi magaalada kula wareegayey mikiroof markii la gaadhay labadii maalinimo ayaan maqalay rasaas goosgoos ah oo ka dhacaysa dhinaca dekedda wax yar kadibna waxaa xoogaystay rasaastii magaaladiina waxaa ka qarxay dagaal xooggan magaaladii camiraydna waxay isu bedeshay gegi cidla ah dadkiina waa kala yaaceen dekediina waxaa qabsaday dab iyo holoc dabkaasi wuxuu noqday markab dagaal oo xabashidu lahayd oo beri hore la soo qabtay oo taagnaa dekeda oo rasaastii haleeshay kadibna halkaas buu ku shuf beelay laakiin khasaare uma geysan dekedda shantii galabnimo ayuu istaagay dagaalkii iyadoo qolo laga taag roonaaday dagalkii socday intaa kadib ayaa dadkii intii aan ogayn waxa dagaalku yahay iyo cidda u dhexeeyo waxay guda galeen inay ogaadaan halkuu salka ku hayo dagaalku si kastaba ha ahaateen waxaa la ogaaday dagaalku inuu u dhexeeyo laba qabiil oo isku haya awoodda magaalada ciise muuse iyo habaryoonis.
Waxaana laga awood roonaaday ciise muuse oo magaalada laga saaray magaaladiina waxay isu rogtay magaalo colaadeed waxaan ka bilaamay qax xooggan iyadoo loo qaxayo dhinac Bari ee magaalada dadka qaarna waxay u qaxeen hargeysa halka wadada burco la jaray buurta sheekh isla habeenkiiba dhagaxaan ayaa lagu ooday dhamaan wadada buurta sheekh magaaladii camirayd ee doonta boobaysay waxay isu rogtay lama degaan guryihiina waxaa ku soo hadhay ey iyo bisado anigu waxaan ku jiray dadkii aan ka qixin magaalada waxaa dhamaan magaalada laga jaray biyihii oo ka iman jiray buuraha koonfureed ee magaalada kuwaas oo ahaa durdur tuunbooyin afka loo saaray oo sidaas biyaha ku soo gaadhsiiya magaalada naqshadaas waxaa dhigay oo samaynteeda lahaa dawladii cismaaniyada intaanay burburin waxay nagu kaliftay markaan biyo waynay inaan biyaha bada cabno oo badda xeeligeeda laga qoto laasas biyo ah ka macaan kuwa badda marka loo eego kuwa badda laakiin ah dani ku batay waxaanu waynay raashinkii daruuriga ahaa waxay dadkii u yaaceen hay’ada laanqayrta cas oo markaa gacanta ku haysay isbitaal casri ah oo ay iyadu dhistay 1989kii intii burburka ka hor oo ahaa isbitaal qaliinka u gaar ah oo qalabkiisu u dhan yahay laanqayrta cas ayaa raashin u qaybin jirtay dadka magaalada ku hadhay waayo magaalada waxba ma soo geli jirin waxaan magaalada ku noolaa bisado iyo ey keliya iyagiina markii danbe way dhamaadeen markay waxay cunaan waayeen ciidankii qabsaday aad bay ula yaabeen magaaladii ay qabsadeen waayo xagaa kulul baa helay ciidankii waxaana laga maqli jiray cadaab baanu qabsanay nimankiina qabawgii iyo macaankii baanu saaray maalinba sidii qaar u baxsanayeen ayaan ciidankii furfurmay bishii sideedaad ayey weerar culus soo qaadeen qoladii laga saaray magaalada sidaas bay gacantooda ugu soo noqotay magaaladii qoladii laga saaray hase yeeshee magaaladii ma soo noqon camirnaan jirtay maalintii doonta la boobay baa ugu danbaysay welina waa sidii markaan aragnay inaanay ka soo raynayn muddo badana aanu samiray ayaa la soo saaray lacagta laanta ah1995 oo kun boqol kun yahay shanta boqolna konton kun waxaana magaaladii ka kacay sicir barar daran lacagtii laantana waxaa loo bixiyey ha igu dhixin oo isla markaba doolar ayaa loo bedeli jiray dadkiina jahawareer baa ku dhacay waxaana soo baxay hadalo lagu tiraabo oo ah ha yabaaline ama yurub ama yuroowe yuroowe oo markaa uu ka socday ganacsi xooggan oo lacagteedu fadhiday ganacsiga xooluhuna xawli u socday markaa kadib ayaa baaqigii dadkii ku hadhay ka guureen berbera oo kala guureen yuroowe iyo hargeysa berberana weli waa sidii oo waxaa ku dhacay karaamadii Hadaaftimo markaa Hadaaftimo waa magaalo karaamo leh waa in loo hiiliyaa waayo labada jeerba kuwii dhibay kama faa’iidin .waxaan ku soo koobayaa qoraalkayga in Hadaaftimo hiil iyo hooba la siiyo way haboontahay
Xasan Ibraahin Axmed