| Home

MAAMUL GOBOLEEDKA MAAKHIR EE SOOMAALIYEED OO DHAMAYSTIRAY AGAASIMAYAASHA MAAMULKA IYO XOGHAYAYAASHABA


Badhan:- Wareegto cusub oo kasoo baxday xarunta madaxtooyada ee Maamul goboleedka Maakhir ee Soomaaliyeed ayaa lagu magcaabay masuuliyiin kala duwan oo isugu jira Agaasimayaal guud iyo Xoghayayaal qaarkood ay cusub yihiin, taasoo madaxweynuhu ku tilmaamay iney tahay dhammaystirka maamulka Maakhir, wixii hadda ka danbeeyana masuul kasta lagu dabo gelayo xilkiisa. 

Wareegtadaas ayaa waxa lagu magcaabay :

1.   Mukhtaar Maxamuud Faarax: Xoghayaha Ganacsiga iyo Wershedaha ee MSS, waxana lagu bedeley xoghayihii hore Cali Siciid Cismaan .

2.   Cismaan Cabdi Shabeele : Xoghayaha Waxbarashada & Barbaarinta ee MSS.

3.   Maxamuud Maxamed Ciise oo hore ugu magcownaa xoghayaha arimaha bulshada waxa loo magcaabay xoghayaha Caafimaadka ee MSS.

Sida qoraalka ka muuqata waxa la kala qaaday arimaha bulshada oo amrkii hore isku wasaarad ahayd, taasoo look ala qaaday waxbarashada iyo caafimaadka.

Sidoo kale waxa la magcaabay masuuliyiinta kala ah :

1.  Waxa Dib magaciisa loo Saxay Xoghayaha Beeraha ee MSS waana  Maxamuud Cali Mire.

2.   C/xakiim Maxamed Liibaan: waxa loo magcaabay Agaasimaha Guud ee Dalxiiska ee MSS.

3.  Maxamed Aadan Cashuur: Waxa loo magcaabay Agaasimaha guud ee Waxbarashada Iyo Barbaarinta ee MSS

4.  Ismaaciil Maxamed Saalax: Waxa loo magcaabay Agaasimaha guud ee Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee MSS.

5.   Cabdi Xasan Cali-maax: Waxa loo magcaabay Taliyaha Ciidanka Boliska ee  Gobolka Madar ee Maamul Goboleedka Maakhir ee Soomaaliyeed.

6.   Daahir Cali Axmed: Waxa Loo magcaabay Isuduwaha Dawladaha Hoose ee Gobolka Booxaaro ee MSS.

Dhanka kalena Madaxweyanah Dawlad Goboleedka Maakhir Col. Jibriil Cali Salaad wuxu warbaahinta u sheegay in dhowaan la dhamaystiri doono magcowga gobolada Maamul goboleedka iyo masuuliyoontooda , sida ilo xog ogaal ah aan ka hellayna waxa goboladaasi noqon doonaan gobolka Booxaaro oo ay magaalo madax u tahay magaalada Dhahar, Gobolka SANAAG oo ay magaalo madax u tahay Ceerigaabo, iyo Gobolka Madar oo ay magaalo madax u tahay magaalada Badhan, inta la ogyahay.

Gobolada Kala ah Booxaaro iyo Madar ayaa hore loo magcaabay masuuliyiintooda , kuwaas oo kala ah sidan :

1. Gobolka BOOXAARO oo ay caasimad u tahay  magaalada Dhahar:  waxana loo magcaabay masuuliyiinta kala ah :

A. C/risaaq Cismaan Aadan: Guddoomiyaha Gobolka Booxaaro.

B. Axmed C/laahi Xasan: Gudd/xigeenka Gobolka Booxaaro.

C. Siciid Muuse Axmed: Xoghayaha Maamulka Gobolka Booxaaro.

2. Gobolka MADAR oo ay magaalo madax u tahay magaalada Badhan, waxana loo magcaabay masuuliyiinta kala ah :

A. C/risaaq Faarax Bile: Guddoomiyaha Gobolka Madar.

B. Maxamed C/qaadir Muuse: Gudd/xigeenka Gobolka Madar.

C. Cawed Cali Jaamac(xiirey): Isuduwaha Dawladaha Hoose ee G/Madar.

D. Bashiir Muuse Jaamac: Xogahayaha maamulka Gobolka Madar.

Waxana xusid mudan in Isuduwaha Dowladaha hoose ee gobolka Booxaaro uu ku jiro masuuliyiinta maanta la magcaabay.


Maabkan sare wuxuu muujinayaa sida maamuladii hore ee Waqooyi Galbeed (EX-Somaliland) iyo Waqooyi Bari (EX-Puntland) ay degaanka Maakhir aduunka ugu faafiyeen inuu yahay dhul la isku haysto ( Disputed Area). Waaga beryey wuxu soo af-jarayaa dhibaatadaas mudada 17 sano ah haysatey reer Maakhir.

Dhahar.com + LaasqorayNet.

Daabaco
U dir saaxiibkaa


  NEWS IN ENGLISH

 

  ARABIC

Qaeda threat compounds woes of Yemen's Somali refugees
Kenya deports Jamaican cleric, again
Somalia's al Shabaab threatens Kenya attack By Abdiaziz Hassan and Njuwa Maina
Community leaders: Racial profiling could backfire
Somalia prepares for assault on al- Shabaab
Community leaders: Racial profiling could backfire
Obama rules out sending US troops to Yemen or Somalia
A Somali Pirate in Action Talks to IOL, By Abdulkarim Mohamed Jimale
Communal Groups Back Somali in Bid To Block Israel Lawsuits, By Nathan Guttman
 

نحو تجويد الأداء الإعلام الصومالى

مقتل 16 على الاقل جراء قصف بالعاصمة الصومالية

صوماليون في كينيا يخشون من ردة الفعل بعد أعمال شغب

المؤتمر تأسيس جامعة ماخر

مقتل ثلاثة وزراء على الأقل بانفجار في الصومال في الهجوم الانتحاري في مقديشو

طموحات القاعدة في الصومال والقرن الإفريقي

رابطة طلاب سناج الصوماليه في السودان تقيم حفلتها السنوي

مظاهرات في بوصاصو ومقتل مدني

الامم المتحدة: الصومال يمضي الى الامام ويحتاج مزيدا من المال

     

BARNAAMIJYO KHAAS AH

COMMUNITY LISTINGS


Warning: mysql_connect() [function.mysql-connect]: Access denied for user 'xeebdo1'@'localhost' (using password: YES) in /home/zack70/public_html/c_listings.php on line 4
Fadlan mar kale nasoo booqo