| Home

WARBIXIN:- DUGSIGA SARE EE DEGMADA DHAHAR EE GOBOLKA SANAAG(DAAWOSAWIRADA)


Dhahar: Waxaan socdaal ku tagay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag socdaalkaas oo ka mid ah mid aan ku mari doono dhamaan degmooyinka Sanaag taasoo aan u kuur gali doono heerka waxbarasho iyo baahida waqtiga xaadirka loo qabo cilmiga heerarka kala duwan.


Waxaan bishaan gudaheeda idiin soo gudbin doonaa sawiro iyo wareysiyo ku saabsan waxbarashada degmooyinka Ceerigaabo, Badhan, Hadaaftimo, Xingalool, iyo Buraan. Kuwaasoo aan ku raja weynahay inaan dhawaan socdaal ugu dhaqaaqo.


Waxbarashada degmada Dhahar Sanadkaan ayaa waxay tahay waqtiga ay ugu fiicneyd tan iyo markii uu dagaalkii sokeeyey burburiyey dowladii dhexe. Dhahar waxaa ku yaala Dugsi Sare, Dhexe iyo Hoose. Sidoo kale waxaa kaloo ku yaala laba Iskuul oo Baraayfat ah, midna ah machad laga barto caafimaadka halkaasoo uu ka hirgaliyey Dr. Mooge Miicaad, iyo Iskool kale oo isna ah waxbarashada Haweenka Waaweyn oo suura galiyey hay’ada wadaniga ah ee Horn Relief and Development Organization.


Hadaba waxaan u malaynaya inaad sawirada indhihiina kaga bogan doontaan, oo aan ku bilaabo waxbarashada dugsiyada Sare, hoose dhexe.




















 


Kadib ayaa waxaan booqday iskoolka haweenka waaweyn (Adult School) kaasoo laga barto maadaayinka aasaaska ah. Iskoolkan waxaa suura galiyay hay’ada wadaniga ah ee Horn Relief oo ay madaxa ka tahay Faadumo Jaamac Jibriil. Mar aan Haweenka wax ka barta dugsigan aan su’aalo weydiiyey ayaa waxay ii sheegeen inay aad ugu mahad celinayaan Faadumo Jibriil iyo Hay’adeeda iyo sida ay isugu howleen inay iskoolkaan ka hirgaliyaan.


Sawirada Iskoolka Haweenka Waaweyn







 


Ugu Danbeyntii waxaan u kuur galay waxbarashada Machadka Caafimaadka ee uu maamulaha ka yahay Dr. Mooge Miicaad, iyadoo ay fursada iyo waqtiga igu yaraa safarkeyga ayaa waxaan su’aalo kooban waydiiyey ardey goobtaasi ka dhigata, aadbayna u amaaneen hanaanka wanaagsan iyo waxbarashada machadka caafimaadka ee degmada Dhahar. Waxayna ii sheegeen in ay lama huraantahay in machadka la weyneeyo dhismana lagu daro, waayo baahida loo qabo ayaa aad u badan waxbarashada ku salaysan caafimaadka.


Sawirada Ardeyda Machadka Fasalo ka tirsan.



 





 


Waxbarashada gobolka Sanaag ayaa ah mid ay dadweynaha reer Sanaag si aad ah isugu howleen mudadii sanadihii ugu dambeeyey, maadaama aysan wax mucaawina ah ka helin maamulada sheegta gobolka. Haseyeeshee, waxbarashada gobolka ayaa waxaa igu fiican degmada Buraan oo ay ka jiraan ilaa iyo Sadex Dugsi Sare iyo waxbarasha kale. Hadase  labada magaalo iigu xiga degmada Dhahar ayaa kala ah Badhan, Ceerigaabo, iyo Buraan.


 

Maxamed Axmed Ise

LaasqorayNet- Dhahar.com 

Daabaco
U dir saaxiibkaa


  NEWS IN ENGLISH

 

  ARABIC

Qaeda threat compounds woes of Yemen's Somali refugees
Kenya deports Jamaican cleric, again
Somalia's al Shabaab threatens Kenya attack By Abdiaziz Hassan and Njuwa Maina
Community leaders: Racial profiling could backfire
Somalia prepares for assault on al- Shabaab
Community leaders: Racial profiling could backfire
Obama rules out sending US troops to Yemen or Somalia
A Somali Pirate in Action Talks to IOL, By Abdulkarim Mohamed Jimale
Communal Groups Back Somali in Bid To Block Israel Lawsuits, By Nathan Guttman
 

نحو تجويد الأداء الإعلام الصومالى

مقتل 16 على الاقل جراء قصف بالعاصمة الصومالية

صوماليون في كينيا يخشون من ردة الفعل بعد أعمال شغب

المؤتمر تأسيس جامعة ماخر

مقتل ثلاثة وزراء على الأقل بانفجار في الصومال في الهجوم الانتحاري في مقديشو

طموحات القاعدة في الصومال والقرن الإفريقي

رابطة طلاب سناج الصوماليه في السودان تقيم حفلتها السنوي

مظاهرات في بوصاصو ومقتل مدني

الامم المتحدة: الصومال يمضي الى الامام ويحتاج مزيدا من المال

     

BARNAAMIJYO KHAAS AH

COMMUNITY LISTINGS


Warning: mysql_connect() [function.mysql-connect]: Access denied for user 'xeebdo1'@'localhost' (using password: YES) in /home/zack70/public_html/c_listings.php on line 4
Fadlan mar kale nasoo booqo