| Home

CASHARO KOOBAN OO KU SAABSAN COMPUTERKA


Waa Maxay Processor?

Processor-ku waa . Magacyada kale ee processorka loo yaqaano waxaa ka mid ah Microprocessor iyo CPU (Central Processing Unit). Processor-ku wuxuu ka mid yahay qaybaha ugu muhiimsan kumbiyuutarka waana halka laga cabbiro xawaaraha kumbiyuuutarka, wuxuuna inta badan tilmaan u maskaxda ama matoorka kala socodsiiya hawlaha kumbiyuutarkanoqdaa kumbiyuutarka oo dhan. Waxaa laga yaabaa inaad maqasho qof leh "Kumbiyuutarkaygu waa Pentuim II 450" iwm. Taas micneheedu waa in nooca processor-ka kumbiyuutarkaasi uu yahay Pentium II, xawaarihiisuna uu yahay 450 Mhz. Noocayada processor-ka dib ayaan uga hadli doonnaa hadduu rabbi idmo.
 
Processor uu noociisu yahay Pentium MMX oo marna hoos laga sawiray (sawirka bidixe) marna dusha laga sawiray (sawirka midige).

Xawaaraha processor-ka waxaa lagu cabbiraa inta wareeg ee uu sameeyo halkii ilbiriqsi (seken) waxaana lagu sheegaa waxa loo yaqaan megahertz (Mhz) oo u taagan ilbiriqsigiiba hal milyan oo wareeg. Haddii lagu yiraahdo processor ayuu xawaarihiisu yahay 450 Mhz, waxaa looga jeegdaa in processor-kaasi uu halkii ilbiriqsi sameeyo 450 milyan oo wareeg. Hal wareeg waa cabbirka ugu yar ee wakhtiga processor-ka. Hawl kasta oo uu processor-ku qabtaa waxay ku qaadan kartaa ugu yaraan hal wareeg, laakiin caadi ahaan waxay hawl kastaa qaadataa wareegyo fara badan.

Si uu processor-ku u fuliyo hawl gaar ah wuxuu raacaa oo uu mid mid u fuliyaa waxa loo yaqaan Instructions oo ah tilmaamo ku saabsan tillaabooyinka ay hawshaasi ka kooban tahay. Inta wareeg ee ay processor-ka ku qaadato inuu fuliyo hal instruction ayaa lagu cabbiraa xawaaraha dhabta ah ee processor-ka. Taasina waxay ku xiran tahay nooca processor-ka. Tusaale ahaan processor-radii ugu horreeyay (8086 iyo 8088) wuxuu halkii instruction ku qaadan jiray celcelis ahaan 12 (laba iyo toban) wareeg. Halka maanta processor-rada carsiga ah (Pentium II iyo wixii ka dambeeyay) ay hal wareeg ku fulin karaan saddex instructions iyo wax ka badan. Taasi waxay keenaysaa in laba processor oo uu xawaarahoodu yahay 200 Mhz laakiin uu noocoodu kala duwan yahay ay aad u kala dheereeyaan iyadoo ay ku xiran tahay inta instruction ee uu processor walbaa fulin karo halkii wareeg. Processor walbaa processor-kii uu ka dambeeyay wuu ka dheereeyaa maadaama ay had iyo jeer sii yaraanaysay tirada wareegyada ay processor-ka ku qaadanayso fulinta halkii instruction.
la soco qaybta danbe 

Waxaa jira dhawr arrimood oo saamayn ku leh xawaaraha processor-ka. Arrimahaas kuwa ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:

1. Xawaaraha Motherboard-ka

Xawaaraha Motherboard-ku saamayn weyn ayuu ku leeyahay xawaaraha processor-ka . Sidaan ku soo aragnay Casharka 7-aad (qeybta Bus Slots) Motherboard-yada maanta la isticmaalo wuxuu xawaarahoodu u dhexeeyaa 66 Mhz ilaa 100 Mhz. Halka uu xawaaraha Processor-rada maanta la isticmaalaa u dhexeeyo 100 Mhz ilaa 800 Mhz iyo ka badan. Taasi waxay keenaysaa in si kasta oo uu Processor-ku u dheereeyo uu mar kasta ku khasban yahay inuu sugo Motherboard-ka. Waayo marka uu Processor-ku dhammeeyo hawsha loo diray wuxuu si uu natiijada hawsha ugu gudbiyo qaybaha kale ee kumbiyuutarka isticmaalaa Buses-ka Motherboard-ka. Sidoo kale si uu akhbaarta hawsha loo diray u soo akhristo wuxuu isticmaalaa Buses-kaas. Processor-ku wuxuu markaa ku khasban yahay inuu akhbaarta ku diro ama ku soo akhristo xawaare la mid ah xawaaraha Bus-ka uu akhbaarta ku diraayo ama ka soo akhrinaayo.

2. Data Bus

Data Bus-ku waa waddada ay marto akhbaarta ka timaadda iyo tan u socota processor-ka labadaba. Waxaa xawaaraha processor-ka saamayn weyn ku leh ballaca Data Bus-ka. Waayo taasi waxay goynaysaa xaddiga akhbaarta uu Processor-ku Bus-kaas ku diri karo halkii marba. 

Akhbaarta kumbiyuutarku uu diro waxaa lagu diraa nidaamka loo yaqaan Digital. Nidaamkaasi wuxuu akhbaarta u qaybiyaa xaraf xaraf. Xaraf kasta waxaa inta badan loo sii kala qeybiyaa siddeed qaybood oo yar yar oo loo yaqaan bits. Halkii bit wuxuu noqon karaa 1 (hal) ama 0 (eber). Data Bus-ka iyo dhammaan Buses-ka Kumbiyuutarka ee ay akhbaartu marto waxay ka kooban yihiin fiilooyin yar yar oo si saf ballaaran ah isu garab socda. Halkii fiilo waxay halkii marba qaadi kartaa hal bit oo noqon karta 1 (hal) ama 0 (eber). Si 1 iyo 0 loogu sheego koronto ahaan waxaa halkii fiilo ay markiiba qaaddaa koronto uu xooggeedu yahay 5v (shan Volt) ama 0v (eber). 5v waxay u taagan tahay 1(hal). Halka ay 0v u taagan tahay 0. Si hal xaraf loo diro waxaa loo baahan yahay siddeed fiilo oo lagu kala diro siddeeda bit ee uu xarafkaasi ka kooban yahay. 

Haddii ballaarka Data Bus-ku uu yahay 8 fiilo (8-bit) waxa markaa halkii marba lagu diri karaa hal xaraf. Haddiise uu ballaarkiisu yahay 16 fiilo (16-bit) waxaa halkii marba lagu diri karaa laba xaraf. Haduu ballaarkiisu yahay 32 fiilo (32-bit) waxaa halkii marba lagu diri karaa afar xaraf. Mar kasta oo uu ballaarka Data Bus-ku sii bataba waxaa sii badanaya xaddiga akhbaarta lagu diri karo taasoo yaraynaysa wakhtiga ay qaadanayso in akhbaartaas la diro.

Processor-rada casriga ah sida taxanaha loo yaqaan Pentium waxay leeyihiin Data Bus uu ballaarkiisu yahay 64-bit taasoo keenaysa inay halkii marba diri karaan ama soo akhrisan karaan 64-bit ama 8 xaraf. Haddii uu xawaaraha Motherboard-ku yahay 66 Mhz waxay Processor-radaasi halkii ilbiriqsi Memory-da u diri karaan ama ay ka soo akhrisan karaan 8 x 66 miljan oo xaraf (528 milyan). Haddiise uu xawaaraha Motherboard-ku yahay 100 Mhz waxay halkii ilbiriqsi Memory-da u diri karaan ama ay ka soo akhrisan karaan 8 x 100 milyan oo xaraf (800 oo milyan).

3. Address Bus

Address Bus-ku waa halka ay marto akhbaarta Processor-ka u sheegaysa address-ka Memory-da ee akhbaarta laga soo akhrinayo ama loo dirayo. Address Bus-ku wuxuu sida Data Bus-ka ka kooban yahay fiilooyin si saf ballaan ah isu garab socda. Mar kasta oo uu ballaarkiisu sii batana waxa badata akhbaarta lagu diri karo. Inta address ee uu Bus-kaasi halkii mar qaadi karaa waxay ku xiran tahay inta uu Ballaarkiisu dhan yahay. Address Bus-ku wuu ka madax bannaan yahay Data Bus-ka sidaa darteed ballaarkiisu wuu ka duwan yahay kan Data Bus-ka. Maadaama uusan Address Bus-ku qaadayn akhbaarta lafteeda ee uu qaadayo tilmaan ku saabsan halka akhbaarta laga heli karo ama la geynayo wuu ka ballaar yar yahay Data Bus-ka. Laakiin inta badan markuu ballaarka Data Bus-ku sii weynaadaba waxaa isna sii weynaada ballaarka Address Bus-ka.

4. Internal Cache (L1)

Hawlaha Processor-ka iyo guud ahaanba kumbiyuutarku uu qabto waxay u badan yihiin kuwo isku mid ah oo soo noqnoqda. Tusaale ahaan mar kasta oo aad rabto inaad wax qorato waxaad horta soo furtaa program-ka loogu tala galay qoraalka sida Word iwm. Soo furidda program-kaasi waa hawl soo noqnoqota oo mar kasta si isku mid ah loo sameeyo. Si uu Processor-ku Program-kaas u soo furo wuxuu akhbaar ku saabsan sida program-kaas loo soo furaayo iyo halka uu yaallo labadaba ka soo akhriyaa Memory-da oo xawaare ahaan aad uga gaabisa Processor-ka. Taasi waxay keentaa inuu processor-ku xawaarihiisa ka dhigo mid la mid ah Memory-da si uu u soo akhriyo akhbaartaas. Halkaana waxaa ku luma wakhti uu Processor-ku hawlo kale ku qaban lahaa. Si loo yareeyo wakhtiga arrintaas ku baxa ayaa waxa la soo saaray farsamo loo yaqaan Caching. Farsamadaasi waxay u shaqaysaa sidaan:

Haddaan sii daba soconno tusaalihii wax qorashada, marka ugu horraysa ee aad program-ka qoraalka (sida Word) soo furto wuxuu Processor-ku kaydinayaa akhbaarta ku saabsan sida program-kaas loo soo furo iyo halka uu yaallo. Akhbaartaas wuxuu Processor-ku intii muddo ah ku kaydiyaa Memory gaar ah oo processor-ka ku dhex dhisan oo la yiraahdo Internal Cache loona soo gaabiyo L1.

Marka dambe ee aad u baahato inaad soo furto program-ka Word wuxuu processor-ku akhbaarta program-kaas ka soo akhrinayaa Internal Cache-ka oo uu xawaaraheedu la mid yahay kan processor-ka.

Halkaana waxaa ku baaqanaya wakhtigii ku bixi lahaa soo akhrinta akhbaartaas. Sidaa iyo si la mid ah ayaa loo kaydiyaa akhbaarta hawlaha soo noqnoqda, si marka dambe ee hawshaas loo baahdo akhbaarteeda looga soo akhriyo Internal Cache-ka. Haddaba mar kasta oo baaxadda Internal Cache-ka Processor-ku ay sii badataba waxaa badanaya akhbaarta halkaas lagu kaydin karo. Taasina waxay keenaysaa in hawlo badan oo soo noqnoqda uu Processor-ku u qabto si aad u dhakhso badan.

Xigasho- Variouse Sources

Daabaco
U dir saaxiibkaa


  NEWS IN ENGLISH

 

  ARABIC

SOMALI GOVERNMENT READY FOR EID SPECTACULAR.
PRESIDENT WELCOMES IMMEDIATE RETURN VISIT BY UN SPECIAL REPRESENTATIVE
The need for Re-organization and Reform in Puntland-Ismail Geldoon
PRESS RELEASE 018/2010 -UN Under-Secretary-General visits President Sheikh Sharif in Mogadishu
ARTICLE-Galgala: Farole’s Waterloo, BY
Joint Statement Condemning Al-Shabab’s attacks against the people of Mogadishu
Somalia's once stable Puntland hit by insurgency - The Associated Press
Sanag And Haylan Elders Committee Spokes Person sends a message to the international Community.
Somali MPs killed in hotel suicide attack
 
زيارة وفد من مظلة التعليم الأهلى وجمعية التضامن الى السودان
الشباب تتبنى هجومي كامبالا وأوغندا مصرة على البقاء بالصومال

مؤتمر في اسطنبول لإرساء الإستقرار في الصومال

القوات الأثيوبية تعبر الحدود وتشتبك مع صوماليين

الحكومة الصومالية: اثنا عشر عنصرا بالقاعدة عبروا للصومال من اليمن

تقرير للامم المتحدة يصف القوات الحكومية الصومالية بالفاسدة وغير الفعالة

تحويل النقود عبر المحمول في الصومال يوفر الاموال وينقذ الارواح

المتمردون يحذرون الحكومة الصومالية الانتقالية من شن هجوم على مواقعهم في مقديشو

     

BARNAAMIJYO KHAAS AH

COMMUNITY LISTINGS

  SPORTS

 

  ISLAM

Dalka Masar oo qaaday Koobkii Africa
Manchester United performance caps their best 10 days since 1999
Spurs in form for United clash
Sanaag oo ku Dur-Durisay Gobolka Sool......Koobka Puntland Premeir Leage ee Dalka India ka socda
Kabtankii Kooxda ESpanyol ee Dalka Spain ayaa la sheegay inuu wadnuhu istaagay
 

أفضل وثيقة تأمين على وجه الأرض

Islaamka iyo reer Galbeedka Aragti Taariikheed / Shiikh Almis Yaxye

علامــــــــــــــات حســـــــــــــــن الخاتمـــــــــــــة

أحكام الأضحية

فضل الصلاة على المصطفى صلى الله عليه وسلم

     
     

  WARAYSIYO

 

  TACSI

 
Faduma Jibrell oo ka waramaysa meesha ay mnareyso Dekeda Laasqoray..5.9.07

Caasha Axmed Cabdalla oo taageertey Maakhir.. SBS 5.9.07

Mudane Moon oo ka waramaya Xaalada Waxbarasho ee Sanaag .. 4.9.07

War saxaafadeed, Gudoomiyaha Sanaag ee Maakhir. ... 3.9.07

Caaqil Warsame Adan Geesood ... 2.9.07

Wareysi: Xasan Badeed oo ka waramay Dekeda Laasqoray. 29.8.07

Wareysi:-Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Maakhir State. 26.8.07

Khudbad cusub oo jeediyey Col Jibriil,25.8.07

Khudbad Taariikhi ah. Col Jibriil Cali Salaad 18.07.2007

Xasan Somali, Gud. Jaaliyada Warsangeli ee UK 17.07.2007

Caawa iyo Sanaag 16.07.2007

Faduma Jibril_HR. 09.07.2007

Maakhir iyo 1da Luulyo. 01.07.2007

Dhegeyso wareysigii SALAAD FAATAX-SBC ee ku aadanaa Dhagaxa

Ciyoon iyo Sanaag

12.05.07

Caaqil Cabdulahi Cabdi Ibraahim 04.05.07

Wareysi:-Mustafe Godane iyo Ceerigaabo 22.04.07

Warbixin ku saabsan Maxamed Cali Ciise 20.04.07

Xaalada Sanaag iyo maanta 19.04.07

BAAQ DANWADAAG. 13.04.07

BAAQ BADHAN. 13.04.07

Dhahar iyo SL-PL 09.04.07

Xaalada Dagaal oo ka taagan Sanaag 08.04.07

Wasiiro ka hadlay Sanaag 31.03.07

Dowlad Goboleedka Danwadaag

Wareysi cusub oo ka waramaya Sanaag 22.01.07

Wareysi BBC Somali La yeelatey Amd Yusuf Xaji Sacid iyo Shirkii Buraan 26.08.06

Wareysi ku saabsan go'aanadii Shirka Buraan 26.08.06

Radio SSCayn:- Shirka London ee Beelaha Sool iyo Sanaag wada dega iyo Dekeda Laasqoray 19.07.06

Ceerigaabo:- Warsaxaafadeed Gudi booqanaya Ceerigaabo 12.07.06

Warbixin ku saabsan dhisida Dekeda Laasqoray iyo Shirkii Horn Relief ee London 28.06.06

BBC:- Xaalufinta iyo Macdanta Sanaag oo go'aano laga soo saarey. 27.06.06


Shirkii Badhan oo guul ku dhamaaday 03-06-06

Wareysiyadii ugu danbeeyey ee shirka Badhan 29-05-06

Wareysi:- M C Dabshid iyo Xasan Faarax 28-05-06

Warbixin iyo wareysiyo Cusub oo ku saabsan shirka Magaalada Badhan ee G Sanaag 27.05.06

Wareysi Cusub oo RL ay la yeelatay Maxamud Ciyoon 18-05-06

Warbixin ku saabsan shirka ka socda Badhan

Qurba Jooga Beesha iyo waxay ka qabaan Majiyahan 17.04.05



Wareysiyo Kale Halakan riix
 
Tacsi kasocota Jaaliyadda iyo Ardayda Reer Maakhir ee Waxkabarata Jaamacadaha Waddanka India ee Qaaradda Asia
Tacsi ku socoto General Ilka jiir, wasiirka arimahada gudaha Puntland
Tacsi ku socota Reer siciid Mohamed abdi majabir oo dhowaan ku geeryoodey Bosaaso
Geeri Naxdinleh Marxuun Cabdi Maxamuud Maxamed [Cabdi Nugaal]
TACSI TIIRAANYO LEH -MARYAN SALAX (DHOODI) oo Geeriyootey 10 December 2009 Wadanka KENYA
 

  HEALTH

 

  TECHNOLOGY

Warning for healthy aspirin users
Steaming hot tea linked to cancer
GUDNIINKA WAA MAXAY GUDNIIN? [Q 2aad, Gudniinka Dumarka]
GUDNIINKA WAA MAXAY GUDNIIN? [Q 1aad]
Dummy use link to ear infections-bbc
 
Debut for world's fastest camera
Prius 'to be part solar-powered'
Internet key to Obama victories-bbc
Casharo Kooban oo ku saabsan Computerka
Google warms to ad deal with Yahoo -FT