| Home

GUDNIINKA WAA MAXAY GUDNIIN? [Q 1AAD]


Ereryga Gudniin waxa loola jeedaa Goyn, waana ta birta geedaha lagu gooyo lagu magacaabo Gudin. Haddaba marka laga eego xagga Sharciga Islaamka, gudniinka inanku (Circumcision) waxa weeye in laga gooyo Qolofta(Prepuce) oo iyadu ah maqaarka ku dahaaran Dhalfada (Balanus) oo ah madaxa xubinta taranka (Penus).

Gudniinka Inantu (Clitorydectomy) waxa weeye in gabal laga jaro qolofta ku dahaaran Kintirka (Clitoris) oo isagu ah xubin kamid ah xubnaha taranka kuna dhacda dusha sare ee godka Cambarka. Kintirku waxa uu leeyahay shaqo aad muhiim u ah, isaga oo keena dareenka macaansi iyo biyabbax (Orgasm) ee haweeneyda xilliga galmada. Ha yeeshee, shucuubta xitaa kuwa hablohooda sunno gudeeya (siday dadka qaar ku magacaabaan), lama gooyo qolfada oo qura balse waxa lala jaraa Kintirka oo idil, halka gudniinka Fircooniga ah laga dabarjaro Kintirkii iyo dhammaamba faruuryihii Cambarka, sida aynu gadaal ka sharxi doonno.

Mowduuca gudniinku waxa uu kamid yahay mowduucyada aan wax badan laga qorin, aadna mooddo inay dadku ka hadalkiisa kaba xishoonayaan. Culimada Islaamka badankoodu ugama aanay hadal gudniinka sida ay uga hadleen waxyaabo badan oo ka ahmiyad yar sida; Cadaysiga. Tusaale ahaan, Imaam Xaamid Al-Gasaali silsiladdiisii kutubbada ee uu ugu magac daray (Soo noolaynta Culuumta Diinta), shan sadar oo qura ayuu kaga soo hadal qaaday gudniinka.  Arrimaha sababay inay culimada iyo dadka caamada ah labaduba ka gaabsadaan ka hadalka gudniinka, waxa ugu horreeya Qur'aanka kariimka oo isagu ah darka sharci dejinta Islaamka oon si toos ah iyo si dadban toona uga hadal mowduucaasi.

 Ma jirto hal Aayad oo - xitaa - laga dhadhasan karo jiritaanka gudniinku. Sidoo kale waxa la waayey hal xadiis oo saxiix ah oo waajibinaya amaba sunno ka dhigaya gudniinku.  GUDNIINKA RAGGA   Gudniinka raggu waxa weeye in gabal laga jaro maqaarka ku daboolan dhalfada geedka ninka, sidaas buuna jirku uga takhallusayaa wixii wasakh, jeermis, nijaaso iyo ur ku hoos jiray maqaarkaasi la jaray. 

Daraasado badan oo ay sameeyeen culimada caafimaadku waxay ku caddeeyeen in cudurrada kaadi mareenka raggu (yar iyo weyn) ay ku badan yihiin kuwooda aan gudnayn. Waxa kale oo la caddeeyey in cudurrada galmada laysku qaadsiiyo sida Jabtida iyo Aydhisku ay aad ugu badan yihiin ragga aan gudnayn. Waxa weliba intaa dheer, lana ogaaday waqti fog in gudniinka raggu uu yareeyo cudurka Kansarka ee ku dhaca xubnaha taranka ragga iyo kan ku dhaca luqunta Ilma-galeenka dumarkooda.

Waxa dalalka Yurub iyo Mareykanka jira dad badan oo isu guda si ay cudurradaasi uga badbaadaan. Gudniinka ragga sida ay culimadu leeyihiin, waxa looga dayday Nabi Ibraahim (CS). Nabi Ibraahim (CS) oo isaga loogu yeero Nabiyada Aabbohood, waxa uu Eebbe ina farayaa inaynu qaadanno diintiisii, oo wixii isaga la faray waa inaynu qaadanno wixii laga reebayna aynu ka fogaanno.

Aayadaha Qur'aanka ah ee caddeynaya sida ay waajib inoogu tahay inaynu raacno Nabi Ibraahim (CS) way badan yihiin, waxana kamid ah:  (Ku dayasho wanaagsan baa idiinka sugnaatay Ibraahim iyo intii la joogtay). (Markaas baan kuu waxyoonnay "Nabiyoow" in aad raacdid diinta "Nabi" Ibraahim ee toosan, kamana uusan mid ahayn "Ibraahim" Mushrikiinta). (Yaa nacaya diinta "Nabi" Ibraahim ruux naftiisa xumeeyey mooyee, adduunkana "Ibraahim" waynu ku doorannay, Aakhirana wuxuu kamid noqonayaa kuwa suusuubban).  Su'aashu waxa weeye xaggee yaase guday Nabi Ibraahim (CS)?. Si aynu su'aashaasi uga jawaabno aynu mar labaad dib ugu noqonno Qur'aanka kariimka ah. Eebbe waxa uu Aayaddiisa ku leeyahay: (Xusuusta markii "Nabi" Ibraahim Eebbihiis ku ibtileeyey ereyo, uuna dhammaystiray.

Waxa uu "Eebbe" yiri: Dadka ayaan Imaam kaaga dhigayaa. Wuxu "Ibraahim" markaa yiri: Dhashaydana "ka dhig". Waxa uu "Eebbe" yiri: Ballanqaadkayga waxba kuma laha dulmilowyaashu).  Ereyada Nabi Ibraahim (CS) lagu ibtileeyey, waxa uu ibnu Cabbaas (RC) ku fasiray inay ka koobnaayeen; Shan madaxa khuseeya kalana ah; Shaarib gaabinta, Luqluqashada, San daarsiga, Cadaysiga iyo Sheexaysiga, iyo Shan khuseeya Jirka kalana ah; Ciddiyo jarista, Bisaq xiirista, Gudniinka, Kilkilo rifista iyo Istinjada (Saxaro iyo Kaadi iska dhaqista).

Tafsiirka Qur'aanka (Jawaamicil-Jaamic) ee uu qoray Ad-Dhabariy waxa uu leeyahay: (Ereyada waxa la yiri waxa weeye: Shan madaxa ah; Sheexeysiga, Shaarib jarista, Cadaysiga, Luqluqashada iyo San daarsiga iyo Shan jirka ah; Gudniinka, Bir ku xiirashada, Istinjada, Ciddiyo iska jarista iyo Kilkilo iska rifidda). Nabi Ibraahim inuu isguday waxa caddeynaya Xadiis saxiis ah oo uu weriyey Abuu Hurayrah, uuna Rasuulku "SCW" ku yiri: (Ibraahim "CS" waxa uu isku guday Qadduum isagoo siddeetan jir ah). Micnaha Qadduum culimadu qaarba si bay ku macneeyeen.

Qaar baa ku fasiray meel ka tirsan Shaam, halka qaar kale yiraahdeen waa aaladdii uu Nabi Ibraahim (CS) isku guday, waxana loo badan yahay inay ahayd Faas ama Gudin. Culimadu waxay sheegaan in Nabi Ibraahim (CS) uu ahaa qofkii ugu horreeyey ee: Isguda, Ciddiyaha iska jara, Surwaal gashada, Shaaribka gaabiya, Kaba kabsada, Seef ku dagaallama, iyo weliba qofkii ugu horreeyey ee ay Madaxiisa Cirro kasoo baxdo. Haddaba kol haddii Nabi Ibraahim la faray inuu isgudo, waajib bay ahayd taasi la saaray. Saa darteed waxa annagana haddaynu Muslimiin nahay ina saaran isla waajibaas Aabbeheen Nabi Ibraahin (CS) uu Eebbe saaray. 

 Nabigeennii suubbanaa Muxammad (SCW) waxa la weriyey inuu dhashay isagoo gudan. Ibnu Cabbaas (RC) waxa uu yiri: (Nabigu "SCW" waxa uu dhashay isagoo gudan xudduntiisuna go'antahay, markuu awoowihiis Cabdul-Muddalib umuurtaas arkayna waxa uu yiri: Wiilkeygani waxa uu noqon doonaa mid meel sare gaara). Xadiis kale oo uu weriyey Anas ibnu Maalik waxa uu ku sheegay in Nabigu (SCW) yiri: (Karaamooyinka Eebbe igu karaameeyey waxa kamid ah in aan dhashay anigoo gudan iyo in aan cawradeyda cidi weligeed arag). 

GUDNIINKA RAGGA IYO RA'YIGA CULIMADA

Intaynaan arrintaas u gelin, bal marka hore aynu dib ugu laabanno Carabtii hore iyo Casrul-Jaahiligii. Carabtii hore ninka buuryo qabka ah ee aan gudnayn way caayi jireen, waxana taas lagu xaqiijiyey gabayadii la tiriyey xilligaas.

Buuryo qabku waxa uu ahaa qof dhiman oo la liido, waxana uu tusaale iyo bar tilmaameed u noqon jiray gabyaa kasta oo cid jab iyo caay la maaggan.  Gudniinku haddaba Islaamka ka hor waxa uu ahaa caado fac-ka-fac layska dhaxlay, waxana intaa dheerayd iyada oo kolka gaban la gudayo loo samayan jiray xaflad iyo waliimo gaar ah oo dadku isugu yimaado.

Haddaba kolkuu Islaamku yimid, gudniinka raggu waxa uu kamid noqday caadooyinkii la ansixiyey, ha yeeshee culimada diintu ilaa iyo iminkadan la joogo, inkastoo dhammaan ku qanacsan yihiin in wixii Nabi Ibraahim (CS) la faray ay annagana ina saaran yihiin, misana kuma aanay heshiin in gudniinku waajib yahay iyo inuu sunno yahay midnaba. 

 Ibnu Xajar, isagoo ka hadlaya ra'yiga culimada Islaamku ay ka qabaan gudniinka, waxa uu usoo koobay sidatan: (Gudniinka waxa waajibiyey Shaafici iyo dadkii raacay badankooda, waxayna qaarkood gaarsiiyeen heer ay yiraahdeen ninka qaangaarka ah Islaannimadiisu taam ma aha ilaa laga gudo. Imaam Axmed iyo Maalikiyada qaar waxay yiraahdeen waa waajib, halka Abuu Xaniifah ka yiri waa sunno). 

Ibnul-Qayyim waxa uu yiri: (Fuqahadu way isku khilaafeen arrinka. Culimo badan ooy kamid yihiin Shaafici, Maalik iyo Axmed way waajibiyeen, isagoo weliba Imaam Maalik uu aad u adkeeyey oo yiri: Ninkaan la gudini Imaam ma noqon karo, maragna ma geli karo oo dhaartiisa lama aqbalo. Xasan Al-Basri iyo Abuu Xaniifah waxay iyagu yiraahdeen waa sunno ee waajib ma aha.

Ibnul-Qudaama isna waxa uu sheegay in gudniinku ragga waajib ku yahay, waxanu intaa raaciyey "Hadduu nin da' ahi Islaamo oo naftiisa uga baqo gudniinka waa laga deynayaa". Sheekhul-Islaam ibnu Teymiyah kolkii la su'aalay: (Ka warran qof Muslin ah, Qaan gaar ah, Caqli leh, Sooma, Salaaddana tukada, ha yeeshee aan gudnayn oon daahir ahayn, ma bannaan tahay taasi?. Qofkii guditaanka iska daayase muxuu xukunkiisu yahay?).

Waxa uu ku jawaabay: ( Haddaanay dhibaato ka soo gaarayn waa la gudayaa, maxaa yeelay waa mashruuc Islaami ah ooy culumada Islaamku isku raaceen, Shaafici iyo Axmed way waajibiyeen, Ibraahiim (CS) siddeetan jir kedib ayuu isguday, dhibaatada ka imaanaysana waxa lagala tashanayaa dhakhaatiirta, oo hadduu masalan "xilliga" Xagaaga dhibayo waxa dib loogu dhigayaa waqti kale, Ilaah baana garanaya).  Xasan Al-Basri waxa uu leeyahay: (Rasuulka (SCW) waxa ku ag islaamay Caddaan, Madoow, Roomaan, Faarisi iyo Xabashi, midkoodna weligii ma aanu feteshin "si uu u hubiyo inu gudan yahay iyo in kale"). 

Ibul-Jowziyah baase ka jawaabay hadalka Xasan Al-Basri isagoo leh: (Looma baahnayn in la fetesho, maxaa yeelay Carabtii islaamtayna waabay gudnaayeen oo waxay ahayd caadadooda, Yuhuudduna way gudnaayeen, Nasaaraduna waxay u qaybsanaayeen qaar gudan iyo qaar aan gudnayn, kuwaan gudnaynna waxay ogaayeen in halkudhigga Islaamku yahay gudniin, saa daraadeed iyagaaba iskood isu gudi jiray kolkay Islaamaan siday u qubaysan jireen, qofkii da' ah oo ay dhib ku tahayna cafis ayuu ahaa). 

SIDEE GOORMAASE INANKA LA GUDAYAA? 

Waxa Qolfada laga gooyaa qayb goynteedu ay suurtagal ka dhigi kartyo in dhalfada oo dhan amaba inteeda badani ay qaawanaato. Inamada qaar baa qolfo la'aan ku dhasha (iyagoo gudan), haddaba ubadka caynkaas ahi gudniin uma baahna haddii ay qolfadoodu intii loo baahnaa ka go'antahay, haddiise aanay wada go'nayn waa la dhammaystirayaa. 

Gudniinku waxa uu leeyahay laba waqti oo kala ah: Waqti uu waajib yahay kaasi oo ah waqtiga qaan gaarka iyo waqti uu sunno yahay oo ah intaanu qofku qaan gaarin. Waxa sunno ah bay culimadu leeyihiin in ilmaha la gudo waqi u dhexeeya marka uu dhasho ilaa iyo toddoba jirkiisa, waqtigaasi oo u naxariis badan, dhaawacuna bogsoon ogyahay.

Culimada badankoodu waxay isku raaceen inay wanaagsan tahay in la gudo maalinta toddobaad ee dhalashadiisa, in uu taag daranyahay mooyee, markaasi oo dib loogu dhigayo. Xadiis ay Xaakim iyo Beyhaqi soo wada saareen waxay Caa'ishah (RC) ku tiri: (Nabigu "SCW" waxa uu Xasan iyo Xuseen guday maalintii toddobaad ee dhalashadooda).

Imaam Nawawi waxa uu kitaabkiisii (Ar-Rowdah) ku qoray sidatan: (Gudniinku waxa uu waajibayaa waqtiga uu qofku qaan gaarayo, waase sunno in toddobo lagu gudo, in uu taag daran yahay oo aanu xammili karin mooyee, markaasi oo ay tahay in dib loo dhigo). 

La soco qeybta 2aad.

Waxaa soo ururiyey Cabdullahi Jaamac

Daabaco
U dir saaxiibkaa


  NEWS IN ENGLISH

 

  ARABIC

The need for Re-organization and Reform in Puntland-Ismail Geldoon
PRESS RELEASE 018/2010 -UN Under-Secretary-General visits President Sheikh Sharif in Mogadishu
ARTICLE-Galgala: Farole’s Waterloo, BY
Joint Statement Condemning Al-Shabab’s attacks against the people of Mogadishu
Somalia's once stable Puntland hit by insurgency - The Associated Press
Sanag And Haylan Elders Committee Spokes Person sends a message to the international Community.
Somali MPs killed in hotel suicide attack
Somalia at 50: From heaven to hell
The Galgala Conflict and its Long-term security Implication on the Region
 
زيارة وفد من مظلة التعليم الأهلى وجمعية التضامن الى السودان
الشباب تتبنى هجومي كامبالا وأوغندا مصرة على البقاء بالصومال

مؤتمر في اسطنبول لإرساء الإستقرار في الصومال

القوات الأثيوبية تعبر الحدود وتشتبك مع صوماليين

الحكومة الصومالية: اثنا عشر عنصرا بالقاعدة عبروا للصومال من اليمن

تقرير للامم المتحدة يصف القوات الحكومية الصومالية بالفاسدة وغير الفعالة

تحويل النقود عبر المحمول في الصومال يوفر الاموال وينقذ الارواح

المتمردون يحذرون الحكومة الصومالية الانتقالية من شن هجوم على مواقعهم في مقديشو

     

BARNAAMIJYO KHAAS AH

COMMUNITY LISTINGS

  SPORTS

 

  ISLAM

Dalka Masar oo qaaday Koobkii Africa
Manchester United performance caps their best 10 days since 1999
Spurs in form for United clash
Sanaag oo ku Dur-Durisay Gobolka Sool......Koobka Puntland Premeir Leage ee Dalka India ka socda
Kabtankii Kooxda ESpanyol ee Dalka Spain ayaa la sheegay inuu wadnuhu istaagay
 

أفضل وثيقة تأمين على وجه الأرض

Islaamka iyo reer Galbeedka Aragti Taariikheed / Shiikh Almis Yaxye

علامــــــــــــــات حســـــــــــــــن الخاتمـــــــــــــة

أحكام الأضحية

فضل الصلاة على المصطفى صلى الله عليه وسلم

     
     

  WARAYSIYO

 

  TACSI

 
Faduma Jibrell oo ka waramaysa meesha ay mnareyso Dekeda Laasqoray..5.9.07

Caasha Axmed Cabdalla oo taageertey Maakhir.. SBS 5.9.07

Mudane Moon oo ka waramaya Xaalada Waxbarasho ee Sanaag .. 4.9.07

War saxaafadeed, Gudoomiyaha Sanaag ee Maakhir. ... 3.9.07

Caaqil Warsame Adan Geesood ... 2.9.07

Wareysi: Xasan Badeed oo ka waramay Dekeda Laasqoray. 29.8.07

Wareysi:-Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Maakhir State. 26.8.07

Khudbad cusub oo jeediyey Col Jibriil,25.8.07

Khudbad Taariikhi ah. Col Jibriil Cali Salaad 18.07.2007

Xasan Somali, Gud. Jaaliyada Warsangeli ee UK 17.07.2007

Caawa iyo Sanaag 16.07.2007

Faduma Jibril_HR. 09.07.2007

Maakhir iyo 1da Luulyo. 01.07.2007

Dhegeyso wareysigii SALAAD FAATAX-SBC ee ku aadanaa Dhagaxa

Ciyoon iyo Sanaag

12.05.07

Caaqil Cabdulahi Cabdi Ibraahim 04.05.07

Wareysi:-Mustafe Godane iyo Ceerigaabo 22.04.07

Warbixin ku saabsan Maxamed Cali Ciise 20.04.07

Xaalada Sanaag iyo maanta 19.04.07

BAAQ DANWADAAG. 13.04.07

BAAQ BADHAN. 13.04.07

Dhahar iyo SL-PL 09.04.07

Xaalada Dagaal oo ka taagan Sanaag 08.04.07

Wasiiro ka hadlay Sanaag 31.03.07

Dowlad Goboleedka Danwadaag

Wareysi cusub oo ka waramaya Sanaag 22.01.07

Wareysi BBC Somali La yeelatey Amd Yusuf Xaji Sacid iyo Shirkii Buraan 26.08.06

Wareysi ku saabsan go'aanadii Shirka Buraan 26.08.06

Radio SSCayn:- Shirka London ee Beelaha Sool iyo Sanaag wada dega iyo Dekeda Laasqoray 19.07.06

Ceerigaabo:- Warsaxaafadeed Gudi booqanaya Ceerigaabo 12.07.06

Warbixin ku saabsan dhisida Dekeda Laasqoray iyo Shirkii Horn Relief ee London 28.06.06

BBC:- Xaalufinta iyo Macdanta Sanaag oo go'aano laga soo saarey. 27.06.06


Shirkii Badhan oo guul ku dhamaaday 03-06-06

Wareysiyadii ugu danbeeyey ee shirka Badhan 29-05-06

Wareysi:- M C Dabshid iyo Xasan Faarax 28-05-06

Warbixin iyo wareysiyo Cusub oo ku saabsan shirka Magaalada Badhan ee G Sanaag 27.05.06

Wareysi Cusub oo RL ay la yeelatay Maxamud Ciyoon 18-05-06

Warbixin ku saabsan shirka ka socda Badhan

Qurba Jooga Beesha iyo waxay ka qabaan Majiyahan 17.04.05



Wareysiyo Kale Halakan riix
 
Tacsi kasocota Jaaliyadda iyo Ardayda Reer Maakhir ee Waxkabarata Jaamacadaha Waddanka India ee Qaaradda Asia
Tacsi ku socoto General Ilka jiir, wasiirka arimahada gudaha Puntland
Tacsi ku socota Reer siciid Mohamed abdi majabir oo dhowaan ku geeryoodey Bosaaso
Geeri Naxdinleh Marxuun Cabdi Maxamuud Maxamed [Cabdi Nugaal]
TACSI TIIRAANYO LEH -MARYAN SALAX (DHOODI) oo Geeriyootey 10 December 2009 Wadanka KENYA
 

  HEALTH

 

  TECHNOLOGY

Warning for healthy aspirin users
Steaming hot tea linked to cancer
GUDNIINKA WAA MAXAY GUDNIIN? [Q 2aad, Gudniinka Dumarka]
GUDNIINKA WAA MAXAY GUDNIIN? [Q 1aad]
Dummy use link to ear infections-bbc
 
Debut for world's fastest camera
Prius 'to be part solar-powered'
Internet key to Obama victories-bbc
Casharo Kooban oo ku saabsan Computerka
Google warms to ad deal with Yahoo -FT