| Home

GABAY: JANANKAA ILKA JIIR BY MAXAMED HIIRAD


Waxa aan tixdan yar ee gaaban u tiriyay Janaraal Cabdillaahi Axmed Jaamac (Ilka Jiir). Runtii waxaan jeclaan lahaa in aan inta aan ka aqaan jenanka in ka badan  ka aqaanno. Taas oo ii sahli lahayd in aan wax intaa ka badan ka sheegi karo.  Laakiin intan waxaan ugu abaal gudayaa sidii sharafta iyo quruxda lahayd ee uu jenaraal Cabdillaahi uga qayb qaatay doorashadii madaxtinimada Puntland ee dhawaan la soo gabagabeeyay.
 
Aniga oo ka mid ahaa dadkii taageerada u hayay Jeneraal Ilka jiir, waxa aan aad uga mabsuuday hadaladii qiimaha lahaa ee uu ka jeediyay madasha markii lagaga guulaystay tartankii doorashada. Waxa sidoo kale I farax geliyay markii uu ogolaaday in uu maamulka cusub ka qayb galo, ka dib markii u dhageystay talooyinkii taageerayaashiisa iyo guurtidaba.  Kuwaas oo qabay sidayda oo kale in ay qabashada xilkaas ay dani ugu jirto shacabka reer Puntland oo dhan. Tixdii yaraydna waa tan:

Inkastaan jeclayn jiirta sare, inuu ka soo jeesto
Ilka jiir jagada uu aqbalay, talada loo jeedshey
Dadka debedda joogiyo kuwaa, jira dalkii hooyo
Jiilaal abaar kulul nafluhu.jilicsanyoo liito
Jirka guga sidii roob curtaa, loogu jeel qabaye
 
Waa janan jiriida ah colkana, jabiya goobtiiye
Waa caalim jeer hore ka baxay, jaamacaad sare e
Mar waa oday jaxaafa ah gartiyo, geedka joogsada e
Marna waa hoggaanshaha jundiga jiidha nacabkiiye
Jirri iyo midkii xeer jabshana, jiidh u naxahayne
Jifidiisa hoosiyo qabiil jiidan ma hayaane
Ma jujuubo shacabkiisa iyo qaar la jaalla ahe
Ma jidhjidho dhaqaalaha dadkoo, jeeb ma buuxsado e
Uma joojo jaar baan nihiyo,  jabaqda Iidoore
 
Jaahiisa nuur iyo buruud, johorad moodayso
Fulihii jalleecaaba waa, jeedlanahayaaye
Isagaan jawaab adagba bixin jaahilkii cararye
Jidhaamaha sanaaggba ka baxe, jaad cunkii yimide
Jilba joog rag baa ugu ridoo, boholo jeexeene
 
U jarmaad Cagaariyo Cadaad, jeexdimaha Hawde
Allow jananku joogoo cimrigii, laba jibaar gaadho
Allahayow firdowsada jannada jaasadii noqoto
 
Kelmed shacabku jeedshana, bal aan jiinka ka higaadsho
Xukun jilicsan baa nooga daran, jaa’ir geesiyahe
mid carruurta jaliyaana waa, garawrac lagu jiidye
 
Raggii joogay Goobtanee in badan, jala butaynaayey
Jirjiroolayaashii bahdood jare ku naafeeyey
Kuwii gobol ay joogeen dadkiis, la dul jibaaxaayeey
 
Oo qaxoonti soo jabay is tubay, jabad agtoodiiya
Oo cadaw arlada soo juq yidhi, jilif ku tuuraynin
Oo aan jiscimahayn kuwii jiidda hore joogay
Oo qaar la jiifaa xanuun, daawo jirinaynin
Hadday naga jiciirteen maruun waw jac iyo hooge
Abaalkoodu waa jahanamoo, lagu jaseeyaaye
Jamaacada haddeertana bal suga, halkay u jaan qaado

Maxamed Hirad
 xagar2000@sbcglobal.net

Daabaco
U dir saaxiibkaa


  NEWS IN ENGLISH

 

  ARABIC

SOMALI GOVERNMENT READY FOR EID SPECTACULAR.
PRESIDENT WELCOMES IMMEDIATE RETURN VISIT BY UN SPECIAL REPRESENTATIVE
The need for Re-organization and Reform in Puntland-Ismail Geldoon
PRESS RELEASE 018/2010 -UN Under-Secretary-General visits President Sheikh Sharif in Mogadishu
ARTICLE-Galgala: Farole’s Waterloo, BY
Joint Statement Condemning Al-Shabab’s attacks against the people of Mogadishu
Somalia's once stable Puntland hit by insurgency - The Associated Press
Sanag And Haylan Elders Committee Spokes Person sends a message to the international Community.
Somali MPs killed in hotel suicide attack
 
زيارة وفد من مظلة التعليم الأهلى وجمعية التضامن الى السودان
الشباب تتبنى هجومي كامبالا وأوغندا مصرة على البقاء بالصومال

مؤتمر في اسطنبول لإرساء الإستقرار في الصومال

القوات الأثيوبية تعبر الحدود وتشتبك مع صوماليين

الحكومة الصومالية: اثنا عشر عنصرا بالقاعدة عبروا للصومال من اليمن

تقرير للامم المتحدة يصف القوات الحكومية الصومالية بالفاسدة وغير الفعالة

تحويل النقود عبر المحمول في الصومال يوفر الاموال وينقذ الارواح

المتمردون يحذرون الحكومة الصومالية الانتقالية من شن هجوم على مواقعهم في مقديشو

     

BARNAAMIJYO KHAAS AH

COMMUNITY LISTINGS

  SPORTS

 

  ISLAM

Dalka Masar oo qaaday Koobkii Africa
Manchester United performance caps their best 10 days since 1999
Spurs in form for United clash
Sanaag oo ku Dur-Durisay Gobolka Sool......Koobka Puntland Premeir Leage ee Dalka India ka socda
Kabtankii Kooxda ESpanyol ee Dalka Spain ayaa la sheegay inuu wadnuhu istaagay
 

أفضل وثيقة تأمين على وجه الأرض

Islaamka iyo reer Galbeedka Aragti Taariikheed / Shiikh Almis Yaxye

علامــــــــــــــات حســـــــــــــــن الخاتمـــــــــــــة

أحكام الأضحية

فضل الصلاة على المصطفى صلى الله عليه وسلم

     
     

  WARAYSIYO

 

  TACSI

 
Faduma Jibrell oo ka waramaysa meesha ay mnareyso Dekeda Laasqoray..5.9.07

Caasha Axmed Cabdalla oo taageertey Maakhir.. SBS 5.9.07

Mudane Moon oo ka waramaya Xaalada Waxbarasho ee Sanaag .. 4.9.07

War saxaafadeed, Gudoomiyaha Sanaag ee Maakhir. ... 3.9.07

Caaqil Warsame Adan Geesood ... 2.9.07

Wareysi: Xasan Badeed oo ka waramay Dekeda Laasqoray. 29.8.07

Wareysi:-Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Maakhir State. 26.8.07

Khudbad cusub oo jeediyey Col Jibriil,25.8.07

Khudbad Taariikhi ah. Col Jibriil Cali Salaad 18.07.2007

Xasan Somali, Gud. Jaaliyada Warsangeli ee UK 17.07.2007

Caawa iyo Sanaag 16.07.2007

Faduma Jibril_HR. 09.07.2007

Maakhir iyo 1da Luulyo. 01.07.2007

Dhegeyso wareysigii SALAAD FAATAX-SBC ee ku aadanaa Dhagaxa

Ciyoon iyo Sanaag

12.05.07

Caaqil Cabdulahi Cabdi Ibraahim 04.05.07

Wareysi:-Mustafe Godane iyo Ceerigaabo 22.04.07

Warbixin ku saabsan Maxamed Cali Ciise 20.04.07

Xaalada Sanaag iyo maanta 19.04.07

BAAQ DANWADAAG. 13.04.07

BAAQ BADHAN. 13.04.07

Dhahar iyo SL-PL 09.04.07

Xaalada Dagaal oo ka taagan Sanaag 08.04.07

Wasiiro ka hadlay Sanaag 31.03.07

Dowlad Goboleedka Danwadaag

Wareysi cusub oo ka waramaya Sanaag 22.01.07

Wareysi BBC Somali La yeelatey Amd Yusuf Xaji Sacid iyo Shirkii Buraan 26.08.06

Wareysi ku saabsan go'aanadii Shirka Buraan 26.08.06

Radio SSCayn:- Shirka London ee Beelaha Sool iyo Sanaag wada dega iyo Dekeda Laasqoray 19.07.06

Ceerigaabo:- Warsaxaafadeed Gudi booqanaya Ceerigaabo 12.07.06

Warbixin ku saabsan dhisida Dekeda Laasqoray iyo Shirkii Horn Relief ee London 28.06.06

BBC:- Xaalufinta iyo Macdanta Sanaag oo go'aano laga soo saarey. 27.06.06


Shirkii Badhan oo guul ku dhamaaday 03-06-06

Wareysiyadii ugu danbeeyey ee shirka Badhan 29-05-06

Wareysi:- M C Dabshid iyo Xasan Faarax 28-05-06

Warbixin iyo wareysiyo Cusub oo ku saabsan shirka Magaalada Badhan ee G Sanaag 27.05.06

Wareysi Cusub oo RL ay la yeelatay Maxamud Ciyoon 18-05-06

Warbixin ku saabsan shirka ka socda Badhan

Qurba Jooga Beesha iyo waxay ka qabaan Majiyahan 17.04.05



Wareysiyo Kale Halakan riix
 
Tacsi kasocota Jaaliyadda iyo Ardayda Reer Maakhir ee Waxkabarata Jaamacadaha Waddanka India ee Qaaradda Asia
Tacsi ku socoto General Ilka jiir, wasiirka arimahada gudaha Puntland
Tacsi ku socota Reer siciid Mohamed abdi majabir oo dhowaan ku geeryoodey Bosaaso
Geeri Naxdinleh Marxuun Cabdi Maxamuud Maxamed [Cabdi Nugaal]
TACSI TIIRAANYO LEH -MARYAN SALAX (DHOODI) oo Geeriyootey 10 December 2009 Wadanka KENYA
 

  HEALTH

 

  TECHNOLOGY

Warning for healthy aspirin users
Steaming hot tea linked to cancer
GUDNIINKA WAA MAXAY GUDNIIN? [Q 2aad, Gudniinka Dumarka]
GUDNIINKA WAA MAXAY GUDNIIN? [Q 1aad]
Dummy use link to ear infections-bbc
 
Debut for world's fastest camera
Prius 'to be part solar-powered'
Internet key to Obama victories-bbc
Casharo Kooban oo ku saabsan Computerka
Google warms to ad deal with Yahoo -FT