SOOMAALIYEEY: MAXAA HARAY OO LEYSKU HAYSTAA ???
|
Hogaamiyaha Xisbiga isbahaysiga dib u xoreynta soomaaliya Muddane Sheikh Shariif Sheikh Ahmed oo ku guuleystey inuu hogaanka u qabto maamulka cusub ee dawldda federaalka soomaaliyeed, hase yeeshee dadweynaha soomaaliyeed oo muujiyey rayi kala duwan, kuwa oo si xoog leh u taageersan iyo kuwa ka soo horjeedda, sida dabeecaddy tahay ma alla markii dawladda la soo dhiso maxaa loo diidayaa mase waxaa la damacsan yahay in ebed ay soomaaliya dawlad helin..??? Mase waxay ku tashadeen kuwa dawladd diidka ah in ay soomaaliya weligeed in ay ku jirto jaha wareer iyo dulmi si ay u gaaraan danahooddah foosha xun oo ah in ay dhiiga dhallinyaradda soomaaliyeed oo ay ku bedeshaan lacag . Waxaa yaab leh oo isweydiin muddan marka hore maxaa laysku heystaa ama la isku diidan yaay in ay dib u soo noqoto qaranimaddii iyo sharafii dadka iyo dalka soomnaaliyeed oo uu lahaan jiray . Laakiin waxaa jira dad qaarkood iyagu qabaan fikrado kale oo ah in madaxweynahani cusub uusan waxba soo kordhin Karin uu marin doon meeshii ay mareen kuwii asiga ka horeeyey , in kastoo Sheekh Shariif lagu bartay lixdii bilood uu hogaanka u haayyey maxaakiinta islaamiga uu xasiliyey Muqdishu ee caasimadda soomaliy balse yaan la deg degin waxaa la arki doonaa sidii uu u maareyn lahaa maamulkiisa cusub in kastoo ay cadaalad daro tahay qaabkii loo qaybsadday xubnaha barlamaanka cusub oo asigana lagu dhisay 4.5 , hase yeeshee waxaan ilaahay ka rejeyneynaa inuu noqdo kii dalka uu ku xasili lahaa . Iyadoo 19 sano ka soo wareegtay burburkii dawladdii dhexe ee soomaaliya ka jirtay ka dib waxaa soomaaliya ka dhac arrtimo fool xun oo xadgudubyo aad iyo aad u fara badan oo aan lagu soo koobi karin qoraal kaliya ilaa iyo maanta ay weli ka jiraan xadgudbayaasi koonfurta soomaaliya oo dhawaan lagu qaarijiyey wariyihii Horn Afrik , waxaana lagu na tuntay wax alla wixii xuquuqul insaan ahaa waxaan loo baahan yahay in maxkaddad caalimiga la soo saaro kuwa dhibkaasi geystay maxaa yeelay taariikh waxay ka galeyn bog madow waxaan haboon in kuwaasi mujtamaca soomaaliyeed laga qabto . Dagaaladda soomaaliya ka dhacay waxaad moodaa in ay ka dambeyso far gelin shisheeye (isticmaarka cusub) siyaasadaasoo ah mid salka ku hayso colaad loo qabo dadka iyo dalka soomaaliyeed la na burburiyey qaranimaddii dalka ka jirtay oo la ogyahay in lagu keenay dhigii ummadda soomaaliyeed , hase yeeshee waxaa nasiib daro ah kuwa waxmagaro oo loo adeegsaday in dalkaani gacantood lagu burburiyey isla markaasina uu noqdo qashin qub iyagoo ku bedeshay wax aan micno lahayd oo ah xool adduun ah oo ay hubaal tahay in ay berito ka dhiman doonaan ilaahayna la xisaabtami doono runtii kuwaasi waxay damabi ka galeyn dalka iyo dadka soomaaliyeed Taasi waxaa daliil u ah kuwa maanta nabadda ka soo horjeedda oo aan marna ba ogoleyn in ay dib u soo noqto haybaddii iyo sharaftii uu lahaa shacabka soomaaliyeed . Shacabaka soomaaliyeed wuxu dhibaato soo mara ba maanta waxaa moodaa inuu ka soo gudbay oo ay u muuqdaan ifafaalo nabadeed , hase yeeshee waxaa maanta loo baahan yahay in leys cafiyo oo gacmaha la is qabto si looga gudbo marxaladdaha adag oo u baahan hawl aad iyo aad u adag oo looga gudbi karo si wada jir ah, hogaanka cusub ee isbeyheysiga dib u xoreynta soomaalilya waxay shacabka ay ka filaayaan inuu soo afjaro colaadii iyo is qabqabashaddii jirtay isla markaasina uu istaago inuu ka shaqeeyo isku keenidda shacabka soomaaliyeed waxaana loo baahan yahay inuu heshiib la galo kuwa mucaaradka ah oo maanta ku midoway ururka la baxa Xisbul Islaam maxaa yeelay haddii aan la helin dib u heshiisiin dhab ah aan horumar iyo nabad galyaba la heli karin, kooxaha mucaaradka ahna waxaa looga baahan yahay iyagoo fiirinaayo danta guud oo ah in la baajiyo dhiiga maanta daadanaayo in ay oggolaadaan in la wada hadlo oo aan dhiig la daadinin. Waxaa maanta nasiib darro ah kooxihii diinta iyo jihaadka ka waday in dalka laga saaro Xabashidda isla markaasi na dalka iyo dadka lagu dhaqo shareecadda islaamka, maadaama ay shalay isku hadaf ahaayeen markii la doortay hogaamiyaha isbaheysiga dib u xoreynta soomaaliya ee garabka Djabouti meeshii laga doonaanyey in ay taageeraan si dalka loo xasiliyo ay kala hor yimaadeen diidmo iyo xabad waxayna ay ku dhawaaqeeyn in ay ku mideysan yihiin isbahaysi cusub oo looga soo horjeedo Mudddane Sheekh Shariif oo ay ku tilmaameen inuu ka leeday wadadiid toosneyd isla markaasi na camiil u yahay isticmaarka haddaba kooxhaasi ujeeddooyinkoodd maxay tahay haddii ay diidaan dawlada kasta oo la soo dhiso maadaama ay ahaayeen kooxihii shalay markii dalka Xabashidu gacanta u gashay in ujeeddooyinkooda ugu weyn ay ahayd in cadowga ummadda soomaaliyeed oo ku soo xadgudbay in dalka laga saaro Dalka na lagu dhaqo kibaabka Alle , hase yeeshee markii hogaamiyahay cusub Sheekh Shariif oo caddeyey inuu dalka ku dhaqi doono kitaabka Alle , maxaa ku kalifay in ay isbahaysiga isku biirsaday magac Xisbul Islaam in ay ka hor yimaadaan … taasi maxaa lagu tilmaami karaa … ma xukun doonbaa…. mase in dhiig la daadiyo … mase in la burburiyo jiritaanka soomaaliya …mase ku dhaqida shareecadda islaamka !!! Haddaba waxaa leenahay soomaaliyeey maxaa haray oo leysku haystaa ??? Waxaa shacabka soomaaliyeed ku filin dhibaatooyinkii uu soo maray iyo xannuunaddii faraha badanaa oo ay la kulmeen dadka dan yarta ah, runtii waxaa la soo maray dagaal sokeeye oo la is gumaaday dad wada dhashay ayaa is dilay ujeeddada loo dagaalamayna aysan cidna ogeyn wax loo dhimanaayana aan la ogeyn balse waxaa loo dhintay qabiil iyo qabyaalad oo ah aniga ayaa ka reer weyn iyo aniga ayaa ka awood badan aniga ayaana ku xakumi doonaa, taasi ayaa maanta halkani na dhigtay . Dagaaladaasi qabyaladeed oo aan uujeedo lahayn waxay dhalisay burbur iyo dhimasho aan xad lahayn haddii aan tusaale ahaan u soo qaadano dhibaatooyinkii dalka ka dhacay ma ah mid halkaani lagu soo koobi karo , burburka gaaray wax lagu qiyaasi karo ma leh dhimashada na waxay kor u dhaaftay hal malyan iyo bar sidaasi darteed dadka iyo dalka ba waxaa soo gaaray khasaaro naf iyo maalba leh oo dhinca walba leh, intaasi waxaa kaloo la yaab leh sida xad dhaafka ah oo dalka looga qaxay, taasi waxay sharaftii uu lahaa dadweynaha soomaaliyeed in ay noqotay mid aan qiimo lahayn meel kasta oo logu dilna aysan helin dawlad awood leh uu u dooda ama u soo dhicisa xuquuqda dadkeedda. Waxaa kaloo nasiib darro ah hiddihii iyo dhaqankii iyo xeerarkii Ummadda Somaliiyeed dhaxalka u lahyd ayaa si tar tiib ah u dabar go’i rabaa ,taasina waxay sababtay in dhaqamo kale oo aan asal u lahyn ayaa ku dheehmay bulshadeenna, dhibaatadaasi oo idil waxaa dambigeedda xambaari doonaa kuwa nabad diidka ah maxaa yeelay haddii shacabka soomaaliyeed helo nabad waxaa dhab ah in ay dib ugu soo noqon doonaan dalkoodda hooyo. Haddii aan u leexdo dhinaca diinta Islamka oo shacabka Soomaliyeed caqiido ahaan weligeed waxay rumeysnaayeen diinta Islaamka ,hase yeeshee burburkii kaddib waxay noqotay in diintii islamka aan lagu camal falin maxaa yeelay diinta islaamka ma qabto in naf la gooyo hase yeeshee waxaa la baneystay in si sahal loo gooyo nafta sharafta leh ee muslimka ah taasoo ah dulmi wuxuu dalka la degi la’yahay waa dulmigaas oo loo geystay dadka tabarta yar, waxaan leeyahay shacabka soomaaliyeed waa islaam looma baahna in maanta la iska hor keeno dad muslimiin ah sidaasi darteed waxaan kula dardaarmanyaa dawladda cusub ee hogaanka u hayo muddane Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu uu ku dadaalo sidii loo baajin lahaa inuu dhiig muslin daato, isla markaasi na u dadaal u galo sidii la isku keeni lahaa kuwa maanta ka soo hor jeedda dawladda oo isku bahaystay Xisbiga la magac baxay Xisbul Islaam, kuwa Isbahaysiga mucaaradka ahna waxaaynu ka rajayneynaa in ay dagaal kale oo diimeyd in ay ummadda u horseedin , maadaama aynu nahay dad islaam ah. Taasoo aan jawaabteedda u daayey aqoon yahanadda iyo culumaaudiinka soomaaliyeed in ay u soo bandhigaa shacabka soomaaliyeed sida nabad dib loogu soo celin lahaa isla markaasi na dadweynaha loo wacyi gelin lahaa. Runtii dalkii waa burburay, dadkiina guddaha iyo dibadda ba waa lagu dhibaateesan yahay sidii loo badbaadin lahaa waxay waajib ku tahay dhamaan inta damiirka leh oo u damqanaya ummaddaasi masaakiinta ah . Waxaan qoraalkeygii ku soo gabagabeynayaa soomaaliya waxay maanta u baahan tahay badbaaddo .. badbaado… iyo in dib loo soo dhiso lana xooji xoogagii amniga sii loo ilaaliyo xuquuqda muwaadinka soomaaliyeed. Wabilaahi towfiiq |
|
|
Wersheda Kaluunka ee Laasqoray ayaa soo bandhigtey Wax soorkeeda Caalamiga ah[Warbixin iyo Sawiro]
[WARBIXIN] Xagee marayaa Machadka Iqra Institute for higher Education, kana qeyb qaado dhameystirkiisa
FADLAN- KA QEYB QAADO DHISIDA WADADA XIDID
Xagee marayaa Dhismaha Machadka Badhan ee Culuumta Sare [Iqra Institute for Higher Education]+SAWIRO
Damala Xagare ee Gobolka Sanaag ayaa la Amaanay Waxbarashadeeda[Daawo Sawiro]
Warshada Kaluunka ee Laasqoray ayaa Gaadhay Hormar Xawli ah[Daawo Sawiro Qurxoon]