| Waxaan fursad qaali ah u helay, Inaan wax ku barto laba caasimadood oo ku kala yaala wadamada Muslimka iyo Reer galbeedka, waa Cairo oon joogay 14 sanadoon, waxna ku bartay, lana kulmay waxna ka dhigtay badanaa intii hogaaminaysay Islaamka isbedel doonka ah, sida Sh Maxamed Alqazali, Sh Yuusuf Alqaradawi, Sh Maxamed Alshacraawi, Sh Ahmed Alzaki iyo in fara badan oo hormood ka ahayd baraaruga islaamaka.
Waxaan kaloo nasiib u helay inaan Helsinki caasimada wadanka Finlanad ku nolaado 14 sandood oo kale, kana shaqeeyay madaxa iyo Imaamka ururka muslimiinta ee ugu wayn Finlanad, Islamic Finnish Society. waxaa ii suurto gashay in aan aad u bartay qayb ka mid ah reer galbeedka, qaab nololeedkooda, siday u arkaan dunida inteeda kale, Islaamka iyo muslimiinta maxay ka aaminsanyihiin, waxaan fursad u helay inaan aqoonta reer galbeegka in badan ka akhristay , oo daaha iiga qaaday aragtida iyo fikirka reer galbeedka.
Waxaan goob jog u ahaa Muslimiinta oo markii ugu horaysay taariikhda ku noool Europe, lagana badan yahay laga dhaqan duwan yahay, aragti quudhsi leh lagu eegayo, intaas oo idil ayay hadana waxay muslimuuntu isku dayeen inay is bartaan reer galbeedka, oo ay soo bandhigaan qaabkay u noolyihiin, iyo aragtiyaha ay ka qabaan dunida inteeda kale, isla xiligaana ay ku dadalaan siday u ilaalin lahaayeen jiritaankooda, diintooda iyo dhaqankoodaba.
Waxaa ka socda dunida reer galbeedka arin taariikhi ah, Ilaahayna ii qadaray inaan arinkan in badan ka shaqeeyay, xogogaalna u ahay , waa Islaamka oo aad ugu faafaya Dunida reer galbeedka.
Waxaa qeexid inoo ga baahan, labadan eray- bixin maxaa looga jeedaa. Islam waa diinta Islaamlka, oo kulansanaysa aragti guud oo ku saabsan nolosha laamaheeda kala duwan. Reer Galbeed, waa EU, USA, Ausrtalia iyo Newzland.
Siday doontaba ha noqotee waxaynu u qaybin karnaa sooyaalka taariikheed ee muslimiinta iyo reer galbeedka Shan marxaladood.
Marxaladdii Koowaad:
Xilliguu nebigu (naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee) noolaa ayaa waxaa bilaabmatay xiriirka rer galbeedka iyo Islaamka, Quraanka Makiga ahna waxaa ku jirta suurad la magac baxday Al-Ruum Aayada 2-6:
(Waxaa lagaga adkaaday Ruum. Dhulkii dhawaa, intii laga adkaaday ka dibna way adkaan. dhawr sandood dhexdood, amarkana Ilaahay ayaa iska leh hor iyo dibba, maalintaasina Mu’miniitu way ku farxi doonaan. Hiilka Ilahay, wuxuu haleela ciduu Ilaahay doono…….)
Suuradaasi waxay ku furfurtay dhacdo taariikheed ama goob dagaal oo dhexmartay labadii xoog ee aduunka markaa isku haysatay, Rooma iyo Persia.
Quraankuna wuxuu u sheegay muslimiinta Makka joogtay ee cidhiidhiga ku jiray inay wacyigooda iyo aragtidoodaba kor u qaadaan oo ay la socdaan agagaarkooda waxa ka dhacaya. Waxaabad moodaa inay gaashaan buur, iyo dareen hiil lihiba ka muuqaday faraxa ay muslimiintu ku farxeen libta Room, oo markaa Ahlul kitaab ah, iyo jabka gaadhaya Persia o markaa dabka caabudi jiray.
Xilligaa oo ay dacwadda islaamku weli curdin ahayd ayay bilaabmatay cilaaqadani, si dadban ayaad moodaa inuu quraanku ina leeyahay duulkan reer Room cilaaqadiinu way sii qoto dheeraan doontaa.
Islaamka oo ina baraya qaabka loola noolaado dad kaa diin, dhaqan iyo midaba duwan, ayaa hadana wuxuu inoo sheegay aduunkan in is riix-riix, dano gaar ah, sedbursi, keli noolaadnimo(diktaatoorinimo) iyo dhul balaadhsi intaasiba inay dhici karaan.
( Suurat Alxujuraat)
Xilliguu Nebigu N.N.K.H Noolaa dagaaladii ugu horeeyay ee ay iskaga hor yimaadaan Nabiga iyo gaalada reer Room wuxuu ahaa Dagaalkii Mu’tah Sanadkii sideedaad(8aad) ee hijriyada. ka dibna waxa ku xigay goobtii Tabuuk ee sannadkii sagaalaad (9aad) ee hijriga .
Waxaa Ruum u muuqatay oo ay arkaysay, quwad cusub oo addunka ku soo biirtay, kana diin duwan, aadna u fidaysa, sidaa awgeed ayay waxay isku dayeen inay Diintan cusub curdinka ku goostaan.
Marxaladda Labaad:
Xilligii Abuubakar Al-Sadiiq iyo Cumar Al-Faruuq dagaalo isdaba jooga ayaa dhexmaray Muslimiinta iyo Roomaanka.
Waxay muslimiintu gacanta ku dhigeen dhul balaadhan oo ay Room u talin jirtay sida Syria, Egypt, iyo Jerusalem sanadku markuu ahaa 638.
650kiina waxaa muslimiinta u soo gacan galay dawladii balaadhnayd ee Persia ilaa ay gaadheen bartamaha Asia ilaa waqooyiga India.
Qarnigii 7aad waxay muslimiintu qabsadeen halbawlihii Imbiraadooriyaddii Byzantine ilaa ay gaadheen waqooyiga Africa,Spain iyo Sicily.
Waxaa aad u muujiyay mucjisada ay Islaamku waqti yar ay ku qabsadeen labadii Dawladood ee markaa aduunka ka talinayay, aqoon yahan fara badan oo reer galbeed ah sida:
Thore Astrope – Gostaph Lapon – Toinpi – Tomas Arnold
Waa meelaha uu reer galbeedku Islaamka ku duro, isagoo ula jeeda inuu Islaamku ku faafay xoog iyo boob, hase ahaatee arinkaa wax aad u faafiya Kaniisada iyo kooxdii horkac u ahaan jiray gumaystaha ee la magic baxday Orientals. waxaan isku dayi inan si gaar ah uga hadlo qodobkan, oo aan soo bandhigo aragtiyaha kala duwan ee laga qabo, maxaa sababay inuu Islamku xawaaraha intan leeg ku jaro waqti aad u gaban?
Marxaladdii Saddexaad.
Intii u dhaxaysay 750-1258 waa xilligii dahabiga ee ilbaxnimada islaamka, waa goortii la helay aqoontii Science(sayniska), waa xilligii la turjumay aqoontii Greece, India, Persian, waa wakhtigii uu qofka muslimka ahi adduunka macallinka ka ahaa, sababtoo ah waa markuu heshiis la ahaa naftiisa iyo Ilaahayba oo uu waxyigana dhuuxay kuna camal falay.
Xilligan islaamku iyo qofka muslimka ahiba qiimuu lahaa, oo aduunyadu arday ayay u ahayd muslimka, waxaa ardaynimo looga ahaa qaab nololeedka iyo aqoontaba.
Waa goortii ay caasimadaha Islaamku ahaayeen qiblada cilmiga, dhaqanka fiican , maamulka , aqoonta, cadaalada, nadaafada, sinaanta iyo ilbaxnimada sida Cairo, Zaytuna, Qarawiyiin, Bagdag, Qurduba, Harar, Zailac, Baraawe, Mugdisho.
Dib hadaynu u jaleecno maxaa kalifay inuu muslimku aduunka qiimahaa ku lahaado:
Waxaynu odhan karnaa inagoon dhana eegin, kalsooni buuxdana ku qabna, wuxuu muslimku u hogaansamay waxyigii Ilaahay, Wuxuu ku dhaqmay oo uu fahmay qawaaniinta kowkan “sunanka Ilaahay” oo ay ka mid tahay:
· Ciddii dedaashaa libta leh.
· Cilmigu wuxuu hagaa bulshada.
· Caddaalada waxaa lagu gaadhaa xukun waara.
· Sinaanta aadamah, wada tashiga wuxuu dhaliyaa xukun quruxsan.
· Hantida dadwaynaha si cad oo hufan ciddi ku maamusha ayaa leh eexdooda.
· Ilaahay cidna ma bedelo ilaa ayagu is bedelaan.
Soo rogaal celintii reer galbeedku, aadbay u qadhaadhayd, waa dagaaladii Saliibiyad (1245 –1094). Inkastoon odhan karno, Europe aad bay uga faa,iidaysatay Dagaaladaa, oo waxayba ahayd meeshay ka bilaabmeen kacaankoodii qarnigii 15aad.
Xiligay Europe ku jirtay mugdiga, laga bilaabo qarnigii 5aad ilaa qarnigii 15aad. Dhulka Muslimka Ilbaxnimo Iimaan ku dhisan ayaa ka talinaysay, balse qaybo kamida Europe iftiin ayaa kasiraadnaa waa Andulusia. Islaamku waxuu galay Andalus (92 – 95 H) (711 –714), halkaa ayay Europe ka heshay iftiinka aqooneed. Sideed qarni ayuu Islaamku ka talinayay ilaa laga qabsaday magaaladii ugu danbaysay ee Islaamku ka taliyo waa Garanade (1492).
Inkastoo Islaamku waayay Andalosia, hadana wuxuu ka qotomiyay Ilbaxnimo kale Africa, oo waxaa samaysmay Mamlikadii Mali, oo Tombukto ayaa noqotay Caasimad cilmi oo Africa oo idil iftiin u noqotay.
Sidaa ayay reer galbeedka iyo Islaamku marba midkood ula wareegayay saraynta iyo hagida aduunka intiisa kale.
Intii u dhaxaysay qarnigii 11aad ilaa qarnigii 13aad reer galbeedku way soo rogaal celiyeen iyagoo ku andacoonaya inay xoreeyaan Baytal Maqdis, xilligaa waxaa ku beegmay dagaaalkii qadhaadhaa ee reer galbeedka ula baxeen dagaalkii Saliibiyiinta muslimiintuna u yaqaaneen dagaalkii Faranjiga.
Sababtoo ah muslimiinta waxay u haysteen dagaalkaasi inaanu ahayn mid loogu hiilinayo diinta Masiixiyadda oo degenayd in ka amid ah carrada Muslimiinta, balse waxay qabeen muslimiintu dagaalkaasi inuu ahaa mid dhulbalaadhsi looga dan leeyahay oo reer galbeedka ka hayo hunguri dhaqaalaha Muslimiinta .
Waxaa kaloo ka dhacay dunida reer galbeedka weliba Spain xasuuqii ugu qadhaadhaa 1492 xasuuqaaa oo lagaga sifeeyay muslimiinta Andalusia.
Xilliyadaasi ay cadceeda islaamku ka sii dhacaysay galbeedka Yurub waxaa hanaqaadaysay khilaafadii islaamka ee Ottoman (1453kii-1923).
Waxaan is weydiiyay oo aan ilaa maanta aan jawaab u waayay dawladii muslimiinta ee Spain ka talinaysay xilligii la xasuuqay khilaafada Ottoman xoog ayay lahayd, wax gurmad ah oo aan ka akhriyay ama aan helayna ma jirto, tolow maxaa keenay inay ku daawato Ottomansku burburkii muslimiinta Spain iyo Portugal?
1453kii muslimiintu waxay ku faafeen bariga yurub waxay qabsadeen caasimadii Constantinople oo ahayd xuduntii Imbiraadooriyaddii Byzantine.
Waa waa cusub oo u baryay Muslimiinta iyo kiristaankaba, isla xilligaa waxaa xusid mudan inuu Islaamka ka dhaliyay Iran iyo India laba dawladood oo aad u xoog badan. Taariikh balaadhan iyo aqoon durugsana ka tagay, waa dawladdii Safawiyiinta ee Iran, taasoo ku faafisay ama ka dhigtay Iraan dawlad aaminsan Mad-habka Shiicada iyo tii Maquuliska ee India ka talisay qarniyo badan, iyadoo laga tiro badan yahay, ayay hadana Dawladaasi waxay karti iyo fikirba ku curisay, sidii loo wada noolaan lahaa iyadoo lakala diimo duwanyahay.
Marxaldii Afaraad:
Waa casrigii gumaysiga iyo dhul balaadhsiga, Napoleon wuxuu furtay ama qabsaday Maser taasoo soo noolaysay fool ka foolkii Musulimiinta iyo reer galbeedka.
§ 1792 Napelion Ponapart oo Egypt qabsaday
§ 1830 France oo qabsatay Algeria
§ 1857 England oo qabsatay India
§ 1869 Canal Suiz oo la furay
§ 1882 England oo qabsatay Egypt
§ 1917 Masjid Al—Aqsa oo gacanta England galay
§ 1918 England iyo France oo gacant ku dhigay
§ 1924 Khilaafadii Ottomanka ayaa dhacday
§ 1948 Dawldii Israel ayaa dhalatay
§ 2001 Dagaalkii 11/9
§ 2001 USA iyo Xulufadeeda oo qabsaday Afganistan
§ 2003 USA oo qabsatay Ciraaq
§ 2006 Ethiopia oo qabsatay Muqdisho
Weerarka laxaadka lihi wuxuu ku riday dunid Muslimka ah amakaag iyo fajac, hase ahaatee si deg deg ah ayay muslimiintu ula tacaaleen arinta.
§ 1830 Kacdoonkii Algeria
§ 1839 – 1897 dhaqdhaqaaqii dib u baraarujinta Muslimiinta (Afqani – Kawakibi)
§ 1831 Dhaqdhaqaaqii Alsannuni ee Libya
§ 1857 Kacdoonkii Musliniinta ee India
§ 1882 Kacdoonkii Curaabiyiinta ee Egypt
§ 1895 Kacdoonkii Madhrudida ee Iran
§ 1920 Kacdoonkii 20kii ee Iraq
§ 1924 Kacdoonkii Syria iyo Sudan
§ 1924 Kacdoonkii Khadaabi ee Moroco
§ 1928 Asaaskii Xarakada Ikhwaan Muslimiinka
§ 1930 Kacdoonkii Omer Al – Mukhtar ee Libya
§ 1935 Kacdoonkii Turkistan (Sheikh Shamil)
§ 1935 Kacdoonkii Falastin Alqassam
· 1895 Kacdoonkii Sayid M Cabdallah Somalia
§ 2000 Kacdoonkii Falastiin
· 2003 Iska Caabinta Ciraaq
· 2007 Iska Caabinta Muqdisho
Britain waxay Palestine qabsatay 1917 taasoo League of Nations ay u dhiibtay Britain inay sii hayso Palestine ilaa 1922.
Halkaa waxaa ka dhashay dawladii Israel oo uu dhagax dhig u ahaa baaqii Belfour 1917kii , halkaasoo lagu dhawaaqay dhalashadii qaranka iyo wadanka Yahuud oo noqday Palestine, dibna loo qabsaday dhulkii muslimiimta ilaa maantana keentay dagaalo is daba jooga.
20kii November 1947kii qaramada midoobay oo uu saameeyay dhacdadii (Holocoustiga), waa xasuuqii lagu qaaday shacabkii Yahuuda ee deganaa Germany, waxay u codeeyeen in Palestine loo qaybiyo laba dawladood.
1948-1979
Waxaa isla markiiba xoogaystay dareenka wadanimada (Nationalism) kuna faafay wadamada bariga dhexe. Fikirkii Hantiwadaaga ee Mosco ku xidhnaa yaa isna ku faafay dunida muslimka, oo loo arkayay markaa fakir lid ku ah reer galbeedkii gumaystay aduunka intiisa kale, hase ahaatee Fikirka Hantiwadaagu, marna ma ahyan mid ka fog aragtida reer galbeedka, balse waxaan odhan karnaa, labadii aragti ee aduunka markaa isku haystay, Hantigoosadka iyo Hantiwdaaguba waa mataano ay dhashay Cilmaaniyada reer galbeedku, labo inoo kla af qaboobaa may ahayn. 1948 waxaa wadada lagu toogtay Asaasihii Jamaacada Ikhwaan Almuslimiin Imaam Hasan Albanna, oo loo tiiriyo dilkaa maamulkii maser kajiray xiligaa iyo gumaystihii ingiriiska oo u dul qaadan waayay xawlgii ay ku socotay Jamaacada Ikhwaanku, gaar ahaan markuu Imaam Albanna uu u diray ciidan Ikhwaanka ka kooban oo ka qayb qaatay dagaalkii ay carabtu ku qaaday dawlada Israel, ee lagaga xoraynayay Falastiin.
1965 kii waxaa dil lagu xukumay Sayid Qudub iyo wadaadadii Ikhwaan Almuslimiin oo lagu laayay Masar, intii ka hadhayna waxaa lagu xereeyay Jeelaalkii Jamal Cabdi Naasir, halkaa oo ay kula kulmeen cadaab iyo jidh dil balaadhan, Taasi waxay keentay inay wadaado badani ka yaacaan Masar oo ay kala galaan wadamada Khaliijka iyo Yurub.
Waxaa saaqay caalamka Islaamka baraarugii caalamiha ahaa, eek u qotonaa Islaamka ayuu kun jiraa horumarka iyo sharaftuba, dhalaiyaro fara badan ayaa Masaajidadii gashay, oo dib u akhriday Qur’aankii, oo soo noolaysay astaantii Islaamka, Dumarkii waxay muujiyeen Xijaabkii iyo ku dhaqankii Islaamka, aqoon yari ha jirtee dareen sooma jeeste ah ayay dhaliyaruu ugu shaqeeyeen siday bulshada u baraarujin lahaayeen, dacwad islaamkan ay u faafin lahaayeen, markiiba waxay isku dhaceeen Dawladihii markaa jiray, oo badankoodu xambaarsanaa aragtio ka duwan diinta islaamka.
Wadan walba waxaa ka samaysmay dhalintaro aruurasan oo aamnisam isbedel ku dhisan Islaamka, waana arinka loogu magaca daray Baraaruga Islaamka. Dhaliyardaasi waxay aaminsanayd welina aaminsanthay inuu reer galbeedku gacan saar la leeyahay maamulada ka jiraa wadankooda ee diidan in shareecada lagu dhaqmo.
Guushii kacdoonkii Iraan 1979kii, waxay calaamad u tahay baraaruga islaamka oo ku rogaal celiyay gumaystihii reer galbeedka ee ka gacan sareeyay muslimiinta labadii qarni ee ugu danbeeyay .
1979kii waxaa dilaacay jihaadkii lagu qaaday Ruushka ee lagaga xoreynayay Afghanistan, Sudan iyo Algeria waxaana ka dhashay dhaqdhaqaaqyo Islaam doon ah.
Burburkii Soviet Union(midawgii soofiyeeti) ilaa 9/11(September 11keedii), wadamo fara badan oo muslim ah waxay waayeen taageeradii ay ka heli jireen Soviet Union, sida Iraq, Syria iyo Libya. isla xilgaana wadamadii cilaaqaada fiican la lahaa reer galbeedka way sii adkaatay sida Indonesia, Pakistan, Egypt iyo Saudi Arabia.
Marxaladii Shanaad: 11.9.2001
Dagaalkii lagu qaaday mareykanka 9/11 wuxuu noqday gogoldhig taariikheed oo cusub, wuxuu furay baal kale oo markan ku qoran maddiido dhiig ah.
Aqoonyahanka Maraykanku way ku kala jabeen arintan, in ka mid ahi waxay saadaaliyeen isku dhac weyn oo u dhaxeeya Islaamka iyo reer galbeedka, sida Samual Hantigton iyo Fokayama.
Waxaynu ku taariikhayn karnaa xidhiidhka mareykanku la leeyahay wadamada bariga dhexe iyo muslimiintaba, booqashadii madaxweynaha Mareykanka ee Roosevelt isagoo ka soo laabtay kulankii Yalta oo ku hakaday biyaha Canal Suiz ee Masar lana kulmay Abdul-aziz ibn Saud, Heyla Salaasa iyo boqor Faaruuq.
Heshiiskaa labada (Abdul Aziz ibn Saud iyo Roosvelt) wuxuu muujiyay baahida Mareykanku u qabo saliida boqortooyada iyo baahida boqortooyada ee ilaalinta iyo magan galinta.
Saliida bariga dhexe ku aasan waxay door laxaad leh ka qaadatay xidhiidhka reer galbeedka iyo wadamadaa, sababtoo ah dhaqaalihii adduunka ayaa ku salaysan Saliida.
Mareykankan waxaa la gudboonaatay inuu xidhiidh wacan la yeesho wadamada Saliida isla markaana uu ilaaliyo dawladda Israel.
Khasaarihii Soviet Union ka soo gaadhay Afghanistan wuxuu bilaw u ahaa dhamaadkii Soviet Unionka, Afghanistan iyo Muslimiintii la jireyba iyo reer galbeedka waxaa kulmiyay dan, taasoo ahayd in la jabiyo Soviet Union.
Reer galbeedku waxay is weydiiyaan, dhacdadii 11/9 ka dib maxay Muslimiintu noo necebyihiin?
Si sahlan ayay iskaga dhaadhiciyeen “muslimiintu way ina xaasidayaan” deganaanshaha siyaasadeed awgeed, ka dhaqaalaha iyo hormarka cilmiyeed.
Muslimiintuna iyagaa is dhigay halkay maanta joogaan.
Muslimiintu waxay u fasireen nacaybka ay reer galbeedku u hayaan muslimiinta inuu yahay mid uu ka danbeeyo naca ay faafiyeen yuhuuddu. Qaar ka mid ah muslimiintu waxay qabaan in reer galbeedku wali yahay kuwii faafinayay kiristaanka islaamkana burburinayay.
Laga yaabaa intaasoo dhani inay dhab tahay, hase ahaatee ma fasiri karayso colaaddan ka aloosan labadan dhan.
Waxaynu odhan karnaa inay jirto qodobo ka qayb qaadan kara inay xidhiidhkani sii xumaado, isla xilligaa kuwa kaloo soo dhawayn kara wada hadal iyo iskaashiba inay jiraan.
Samayskani ilbaxnimada Islaamku waxay salka ku haysaa ku faafitaanka uu islaamku ku faafay inbadan dunidii kiristaanka sidoo kale barwaaqo sooranka reer galbeedku wuxuu ku salaysanyahay dhaca iyo boobka wadamadda muslimiinta laga soo bilaabo qarnigii 16aad.
Waxaan qabaa arrimaha sii kordhinaya warwarka inay tahay Muslimiinta degan reer galbeedka. waana markii ugu horeysay taariikhda in tiro intaa leeg oo muslimiin ahi ay la dagaan reer galbeedka siiba xilli ay sii yaraanayso dhalmada reer galbeedku. Muslimiintuna way nidaamsan yihiin waxaanay muujiyaan calaamadaha islaamka, arinkani waa factor cusub oo baqdi wayn ku haya maanta siyaasiyiinta reer Yurub, hadii la dhayalsadana keeni kara qarax aad u wayn.
Qaab fikirka reer Galbeedka:
Si aynu u fahanno reer galbeedka waa inaynu eegnaa qaabka iyo fikirka uu ku eegayo maanta reer galbeedku dunida, si kooban waxaynu oran-dhihi karnaa aragtida ku dhex jirta qofka reer galbeedka ihi ( inta badan) waa aragti maadi ahi, adduunkana u haysata maada, jiritaanka aadamaha u haysata inuu kobciyo oo qudha (manfacada iyo ladada) una qaba horumarka hadba intuu yahay wax soo saarka iyo (istihlaaka).
Xadaaradda maadiga ahi maaha oo kaliya inay cilmiga iyo caqliga iyo tiknoolajiyadda isticmaasho, balse intaaba waxay isticmaalaysaaba iyadoo ka qayaxan oo ka qaawan oo ka aradan wax kastoo akhlaaq ah (value-free).
Adduunkan haddii laga xayuubiyo qiyamka iyo akhlaaqda(value) wax walba way sinnaanayaan, aad baanay u adkaanaysa in xukun la saaro dhacdooyinka, balse wanaagii iyo xumihii, cadaaladdii iyo dulmigii ayaan la kala sooci karayn kama danbayna aadamihii iyo dabeecadii, aadamihii iyo maadadii qudheeda ayaa sinmaya.
Mar haday arin halkaa gaadhana, waxa kaliya ee lagu kala guri karaa khilaafka aadamaha kala soo galena waa xoog.
Halkan ayay ka dhalatay inuu reer galbeedku isku arko inuu yahay xaruntii kawnkan, isaguna yahay cida kaliya ee mudan oo loola noqdo wixii xal u baahan, inta kalana wuxuu u arkaa inay yihiin kooxo lahaan kara danno gaar ah, iyo himilo wax ku ool ah, balse wuxuu u arkaa maada mudan in loo isticmaalo siduu galbeedku ku sii jiri lahaa, waana ubucda fikirka gumaystaha.
Taasina waa ta keentay Europe xiligii Gumaystaha inay ciidamadeeda aduuka u kala dirto, hantida aduunkana sidaa ku qaybsato, kadibna ka dhigato aduunkoo idil suuq ay u iib keento waxay soo saarto.
Marnaba ma aqbali karo reer galbeedku inay musliimiintu is habeeyaan oo ay ka maarmaan, taasina waata manta keentay in uu aduunkii halis u yahay degenaan la’aan iyo cabsi joogta ah. Waxaan xasuustaa Safiirka Finland ee Australia 1999 ayaan ku kulanay casho, waxay doodii nala gashay himilada dhalinyarada muslimka, waxaan u sheegay inaan ku riyoono maalinta muslimiintu ay lahaan doonaa Musalim United Nation, oo ay iskaga baxaan tan manta maqaar saarka ah, oo sida ay u tashadeen aadmaha kale ee aduunka ku nool inay muslumiintuna danahooda si gaar ah oo madax bananaan uga tashadaan, intu aad ii eegay ayuu igu yidhi cabsi ayaad i gelisay, oo ma sidaa ayaad adigu ku fikirtaa, intaan qoslay ayaan ku idhi weliba riyo kelya nagama ahee waa goal aan u socono.
Dagaalkaasi mid dhamaanaya maaha, waxaanan odhan karnaa collaadani maaha mid Islaamkoo idil lagula jiro, balse waxaa la diidan yahay oo kaliya Islaamka lawlanka ku jira. ( Hadraawi, Dabahuwan)
Reer galbeedku wuxuu ku celceliyaa in lawada hadlo oo aragtiyaha lays waydaarsado, Su’aashuse waxay tahay sidee dood iyo wada hadal loo furi karaa? Hadduu xoog yahay ka loo xukunsanayo?
Sidaa awgeed waxaan arkaa in wada hadalku qaadan karo saddex waji:
· Dood dad siman dhexmarta: waana marka labada doodayaa is ictiraafsan yihiin, danta doodaasina waa sidii loo xalin lahaa khilaafka.
· Dood naqdin ah: waa marka labada darafi ayna is qadarinayn, xuquuqna isku ogolayn, markaa darafka xaqiisa loo diiday waa inuu muujiyaa galdaloolada uu leeyay kan hore, waa sida Markaynu ula doodayno EU da.
· Dood hubaysan: waa marka dhan diido jiritaanka dhanka kale, kuna muquuriyo xoog, dhulkiisa iyo hantidiisaba la wareego, waa waxa ka socda Falastiin, Ciraaq iyo Muqdisho.
Doodu waa inay sii socotaa, intaas oo qaab iyadoo leh, Dood lala galo qof aan aaminsanayn waxaan xoog ahayn, midho ma keenayso, isla xiligana dood hubaysan oo keli ahina wado xidhan ayay inoo horseedaysaa. Vitnam duruus wax ku ool ah ayay uga tagtay dunida iyagoo gacana ku doodaya ayay ta kalena ku dagaalamayeen, waan arinka keenay in miisaka dooda lala soo fadhiisto, Xamaas iyaduna waxay gaadhi in miis lala soo fadhiisto.
Ilaahay ayaa mahad leh
Almis Yahye Ibrahim
Hargaisa |