[SHEEKO] XURMODARAN- MAXAA MALLAG MIDHO U BISLAADEY
|
Rag waa raggii hore haddalna waa intuu yidhi. Waa Murti Soomaaliyeed oo dulucdeedu tahay car iyo wir, ragga haatan jooggaa wax ha ku darsadeen murtidii awowayaashoodii ay ka dhaxleen. Waxaannu tusaale fiican u soo qaadan karnaa sheeko dhex martay Wiil iyo Aabbihii, waxaynu sheekada ka dheehan karnaa qiimaha ay haweenku ku leeyihiin bulshadda dhexdeeda markay noqoto Murtida Soomaaliyeed. Waxay sheekadani innoo iftiiminaysaa inay guusha qofka bidi'aadamka ahi innay ku jirto innuu tallaabo kasta oo uu qaadayo kala tashado Waalidkiisa ama qof kale oo uu u arko innuu tallaabadan uu qaadayaa uu wax ku soo kordhin karo. Sida, Indheer-garadka, Waayo-arraga, Waayeelka, Aqoonyahanka, Culimadda, IWM. Waxayna sheekadani ku bilaaban tahay sidan hoos ku qoran. Wiil iyo Aabbihii ayaa barri wada socdaalay. Wiilkii inta uu socodkii hakiyey ayuu tin iyo cidhib ka eeggay Aabbihii oo ka horreeyey. Waxaa uu u fiirsaday tallaabada Aabbihii oo turrunturo la mooddo, wiiqyada tifmay, tarraha wajiga, teel-teelka timaha, dhabarka toox-may, xodnaanta indhaha iyo taggoogaha gotay. Wuxuu Wiilku la yaabay xirribaha Aabbihii oo xayga u ekaaday, Wiilku muuqaalka Aabbihii markii uu qiimeyey wuxuu niyadda iska yidhi Aabbahaa tag, tii alle uun buu sugayaa. Wiilku isaga oo kaftan sarbeeb ah u qarrinaya Aabbihii ayuu Aabbihii ku tuurrey. Aabbow maxaa mallag midho u bislaaday!. Garray, Odaygii arrinka uu Wiilku u duur-xulayo in uu gabowgiisu darran yahay. Aah !, Aah !, haddii geeri ku dayso gabow ayaan ku daynayn ayuu Odaygii la taahay oo intuu uu qoslay ayuu Wiilkii ugu jawaabay. "Haddee maandhe mallagu curdinkaba wuu cunnaa". Durbadiiba isna Wiilkii garray Aabbihii innaan haddal lagu xaddi Karin illeyn Nin wayni wadkii waa yaqaanaaye. Wiilka iyo Aabbihii waxay soo luuddaanba waxay soo gaadheen xilli ay ammintu ku dhowdahay Labadii duhurnimo goob nabad iyo barwaaqo casaaw-jaluhu ku mannaystay taas oo ay ka muuqdaan dhammaan ifafaalaha lagu garran karo deegaan qurrux baddan. Cirka waxa hadheeyey darruuro farra baddan taas oo dhulku dhammaantiis ahaa gal xarreed ah oo biyo xarfanayaan, fallaadhaha cadceeduna waxay ku qarsoomeen darruuraha dhexdooda, tigaad iyo naq awgeed ayaa sababtay in dooga ugu dheer ee meeshaas ku yaalay ay dhaafaan jooga Ninka ugu dheer, laammaha galoolka oo laydhu luxayso, foodhida ka baxaysa iyo cidda shimbiraha ayaa la heesayey barwaaqo awgeed. Dhulka meel walba waxa wadhnaa saxansaxo roobaab iyo neecow udgoon baddan oo sanku-neefle dhammaantii sanka la raacayey aadna loogu wadda riyaaqay galabnimadaas. Qof kasta oo caqli lihina waxa ka suulaya war-war iyo gocosho xaal adduun…….!!! Xooluhu kama fogaan jirrin kambalka agtooda, caannuhuna waxay ahaayeen tog-rogmanaya taas oo runtii la kowsatay horraantii gu'ga. Dadkuna waxay ahaayeen dad is-jecel, isu-gargaara, kala guursada, isuna hiiliya. Colaad laysku qabbayna ma ayna jirrin waxaan ka ahayn habar-dugaag inta dadka u cadow ah. Wiilka iyo Aabbihii goobtii ayey ku nasteen. Korkooda waxa qaboojiyey biyihii xarreeda ahaa, markay oon baxeen ee ay busheeradii buuxsadeen ayaa waxay is-legdeen geed damal ah hadhii. Waxay qorshaysteen casar-liiga markay qoraxdu qabowdo innay carraabaan si ay ugu hoydaan gurigoodii oo geeddi-socod u jirra. Wiilka oo hadba dhinnac jeedaalinaya wuxuu u bogay barwaaqada meel kastaba ceegaagta. "Maansha-alaah- Waa gu' horraantii". Raggu Naago Jecelaa Dumarkuna U-Roonnaa!. Wiilku waxaa uu xasuustay gabadhii yarradka looga bixiyey, ballantu waxay ahayd in gu'ga loo dhiso. Wuxuuna is-waydiiyey mar haddii raggu dumarka yaso waxa gabadha Aabbihii afartan geel ah, farras iyo qorri macdiin ah uga bixiyey. Wuxuu tirrikoobay murti baddan oo haweenka liidda ama la xidhiidha gashayna dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed. Inta uu is-hayn kari waayey ayuu Odaygii waydiiyey bal in ay jirto wax ammaan ah oo dumarka Soomaaliyeed ku soo arrooray. Odaygii rug-caddaaga ahaa inta uu soo fadhiisatay ayuu haddalkiisii ku bilaabay maah-maahyadan dhowrka ah. "Ninka rag ah naag ka adag, nacasna naag ka adag". Odaygu waxa uu si fiican u qeexay yasmada iyo liidashada lagu xanto dumarka innuu yahay haddal ka soo duullay afka nacaska. Wuxuu Odaygu muujiyey ninka raga ahi innuu yahay ninka xaaskiisa isu-dhiiba una-dabacsan halka doqonkuna yahay mid haweenka la ficil-tima sida uu wax rabbana u muquuniya. "Naagi nin aannay kaga oohini, kama ilmo dhalo". Odaygii oo haddalkiisa sii anba-qaaddaya wuxuu Wiilkii xasuusiyey haddalkiisii sarbeeta ahaa oo dulucdiisu ahayd in Odaygu geeri qarka u saarran yahay. Maahmaadu waxay ahayd: "Cilmi dumar nin diiddaa isna ku carruur la'a". odaygu wuxuu Wiilka u sheegay "Naag ka samir ama ka samir". odaygii wuxuu Wiilka u caddeeyey haddaanu hooyaddii u samrin in Wiilku aannu dhasheen isaga oo u mallagsaday maah-maahda ah "Naani nin aannay kaga oohini, kama ilmo dhalo." Wiilkii oo dhabannada haysta waxa ku dagey Murtidii ka qarsoonayd oo tixbaaxaysa waxtarka Haweenka Soomaaliyeed. Isaga oo xigmadda Aabbihii ee gaaxatay maallaya ayuu Wiilku la soo boodday. Oo maxaa loo lahaa haweenka waa carruur cag-weyn!?. Maxayse haweenku ka tarraan xaajadda raga?. Odaygii oo cadho darteed is-hayn kari waayey ayaa wuxuu Wiilkiisii u darraariyey dhow maah-maahood oo dhaxal-gal noqday. Ø Col naago ku jirraan lama jabsho. Qalbiga ninka waxaa loo sii marraa calooshiisa (Odhaahda ugu dambaysa waa murti, Odayguna waxaa uu ula jeeddaa. Dadkii hore markasta oo uu nin rag ahi uu in baddan ka cunno haweenay raashin baddan karrisay, waxaa ku abuurmi jirray innuu haweenaydaa doon-doono oo dabadeedna dhici jirtayba innuu guursado. Waa waayo-waayo ninkii hellaa nasiib leh…). Wiilk jidhkiisa waxa dhammaan wadda saaqay jidhiidhico laxaad leh, waxaannu xasuustay Murtidii Soomaaliyeed ee dhaxgalka noqday "Waayeel wuxuu cunnaa waa dhuunni, wxuuu dhahaana waa dar-daarran.!". wuxuu aabbihii waydiiyey aabbo maxaan sahay ka dhigtaa gu'gan aan ku jirno arroos baan ahaye?. Odaygii rug-caddaaga ahaa wuxuu Wiilkiisii uga war-celiyey. Aabbo haddaan igu bannaan tahay waxaad sahay ka dhigataa maah-maahyadan soo socda:- Ø Raggu waa nin naag guursaday iyo nin naakiro guursaday. B) Nin kaa farras fiican maalintaa ma gaadhid. Waxaa soo ururiyey,C/laahi ciyoon, WAANA Qalinkii: Khaliif Ismaaciil Raage. |
|
|
Wersheda Kaluunka ee Laasqoray ayaa soo bandhigtey Wax soorkeeda Caalamiga ah[Warbixin iyo Sawiro]
[WARBIXIN] Xagee marayaa Machadka Iqra Institute for higher Education, kana qeyb qaado dhameystirkiisa
FADLAN- KA QEYB QAADO DHISIDA WADADA XIDID
Xagee marayaa Dhismaha Machadka Badhan ee Culuumta Sare [Iqra Institute for Higher Education]+SAWIRO
Damala Xagare ee Gobolka Sanaag ayaa la Amaanay Waxbarashadeeda[Daawo Sawiro]
Warshada Kaluunka ee Laasqoray ayaa Gaadhay Hormar Xawli ah[Daawo Sawiro Qurxoon]