| Home

MAXAAD KA TAQAANAA MAGAALADA CEELAAYO IYO TAARIIKHDEEDA [DAAWO SAWIRO]


Ceelaayo- Ceelaayo waxay ka mid tahay degmooyinka ugu qadiimsan geyiga Soomaaliyeed iyadoo ay xitaa jirtey xiliyadii faraaciinta ay Somalia iman jireen iyadoo ka mid ahayd marsooyinkii qadiimka ahaa ee kulaalayey bada cas iyo gacanka Cadmeed isla markaana aad loo yaqaaney.

Ceelaayo waxay ka mid tahay magaalooyinka Xeebta Sanaag ee qadiimiga ah sida Waqderiya iyo Geelweyte oo iyaguna lagu tilmaamo iney yihiin abuurayaashii xadaarada Soomaalida

Ceelaayo

Hadaba; Ceelaayo waxaa la sheegaa iney ka facweyntahay magaalada Qadiimiga ah ee Laasqoray iyo weliba magaalada Ber bera oo iyaduna ka mid ah abuurayaasha xadaarada Somnalida iyadoo dadka qaarkood ay taas u daliishanayaan asaartii ay reebeen dadkii hore ee reer Ceelaayo sida taalooyinka iyo dhismayaal aad uga qadiimsan kuwa ku yaala Laasqoray.

Muuqaalka Xaafad ka mid ah Ceelaayo

Si kastaba ha ahaatee Ceelaayo waxay u dhexeysaa Durduri iyo Qow iyadoo markaas ku taala dhul taariikheed ay ka muuqdaan astaamihii ay reebeen dadkii hore ee degi jirey dhulka.

Raadkii ay reebeen dadkii Reer Ceelaayo

Ceelaayo waxaad ku arkeysaa Taalooyin aad u tiro badan iyadoo taalooyinka aan la garaneyn cida ka tagtey waxay aad ugu teedsan yihiin dhinaca buuraha iyadoo aad moodid in dhul lagu xardhey.

Dhismayaal uu wakhtigu cuney

Taariikhdu waxay dhigeysaa in magaalada Ceelaayo loo yiqiin Elayum isla markaana ay yimaadeen baxaariin reer Yunaan ah[Giriig ah] iyo baxaariintii reer Roma isla markaana ka faaloodey magaalada.

Waa xafad kale oo ku taal Ceelaayo

Taalooyinka oo Somalidu u taqaano Taala Gaala ayaa waxaa weheliya Qabuuro lagu tilmaamo Yahaabura ama cimlaaq oo ah qubuuro aad u waaweyn oo 4 dhagax oo bal balaaran ay afarta gees ka taagan yihiin[ Eeg Sawirka hoose]

Dhisme aad u bur burey

Ceelaayo waxay sidoo kale caan ku tahay haraagii dhismayaashii hore oo dhowr dabaq ah iyadoo tani ku tusineyso in magaaladani ay laheyd xadaarad soo jireen ah oo aad u fac weyn.

Waa guri wakhtigiisii soo qaatey

Hase yeeshee waxaa nasiib daro ah in Ceelaayo aysan dhismayaasheedaas dayac tiring sida kuwa Laasqoray oo aad moodid in dadka reer Ceelaayo ka kaaftoomeed kaydka xadaaradoodii hore.

Asaar ay reebeen dadkii hore iyo xabaalohoodii-Yahaabura

Tan iyo intii ka danbeysey Midowgii Dowlada Somalia ayaa magaalada Ceelaayo waxay noqotey meel ay dadkeedii ka haajireen iyadoo taas ay kala wadaagto mataanteeda Laasqoray.

Asaar ay reebeen dadkii hore iyo xabaalohoodii-Yahaabura

Waxaa xusid mudan manta Ceelaayo aysan aheyn sidii ay ahaan jirtey berisamaadkii iyadoo iskuuladeedii iyo goobaha wax barashadeedu aysan shaqeyneyn isla markaana looga baahan yahey dadka reer Ceelaayo ah iney isu taagaan sidii ay usoo nooleyn lahaayeen magaaladan faca weyn ee Ceelaayo.

Guri ka mid ahaa guryaha ugu waaweyn oo hada bur burey

Dhamaan dadka jecel iney ku nuur sadaan xadaaradii iyo bilicda geyigeena Soomaaaliyeed ayna ugu horeyso Deegaanka Reer Maakhir waxaanu ugu bishaareyneynaa inaan taxane soo bandhigi doono oo aan si gaar ah uga hadleeno deegaanada Qumbucul, Waqderiya, Geelweyta iyo Qow.

Bartamaha Ceelaayo

Waxaanuna sidoo kale soo dhooweyneynaa bandhiga Suugaaneed iyadoo aanu weliba ka codsaneyno hadii ay jirto cidii haysa gabayo iyo maah maahyo ku saabsan deegaanadaas ay noo soo gudbiyaan si aynu dhamaanteen u wadaagno.

Ma moodaa in laga guurey, waa sidaad fishey, inta badan magaaladu waa cidlo

Waxaanuna idin xusuusineynaa in ujeedada ugu weyn ay tahay in dhalinta iyo dadka kaleba ay bartaan geyigooda dabadeena ay u is taagaan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen nolosha deegaanadaas.

Dhisme kale oo qadiim ah oo ku yaala Ceelaayo

Dhisme kale oo bur bursan

Taalooyinka ku teedsan Ceelaayo

LaasqorayNET- Ceelaayo
FG-Fadlan xus isha Sawirada

Daabaco
U dir saaxiibkaa


  NEWS IN ENGLISH

 

  ARABIC

SOMALI GOVERNMENT READY FOR EID SPECTACULAR.
PRESIDENT WELCOMES IMMEDIATE RETURN VISIT BY UN SPECIAL REPRESENTATIVE
The need for Re-organization and Reform in Puntland-Ismail Geldoon
PRESS RELEASE 018/2010 -UN Under-Secretary-General visits President Sheikh Sharif in Mogadishu
ARTICLE-Galgala: Farole’s Waterloo, BY
Joint Statement Condemning Al-Shabab’s attacks against the people of Mogadishu
Somalia's once stable Puntland hit by insurgency - The Associated Press
Sanag And Haylan Elders Committee Spokes Person sends a message to the international Community.
Somali MPs killed in hotel suicide attack
 
زيارة وفد من مظلة التعليم الأهلى وجمعية التضامن الى السودان
الشباب تتبنى هجومي كامبالا وأوغندا مصرة على البقاء بالصومال

مؤتمر في اسطنبول لإرساء الإستقرار في الصومال

القوات الأثيوبية تعبر الحدود وتشتبك مع صوماليين

الحكومة الصومالية: اثنا عشر عنصرا بالقاعدة عبروا للصومال من اليمن

تقرير للامم المتحدة يصف القوات الحكومية الصومالية بالفاسدة وغير الفعالة

تحويل النقود عبر المحمول في الصومال يوفر الاموال وينقذ الارواح

المتمردون يحذرون الحكومة الصومالية الانتقالية من شن هجوم على مواقعهم في مقديشو

     

BARNAAMIJYO KHAAS AH

COMMUNITY LISTINGS

  SPORTS

 

  ISLAM

Dalka Masar oo qaaday Koobkii Africa
Manchester United performance caps their best 10 days since 1999
Spurs in form for United clash
Sanaag oo ku Dur-Durisay Gobolka Sool......Koobka Puntland Premeir Leage ee Dalka India ka socda
Kabtankii Kooxda ESpanyol ee Dalka Spain ayaa la sheegay inuu wadnuhu istaagay
 

أفضل وثيقة تأمين على وجه الأرض

Islaamka iyo reer Galbeedka Aragti Taariikheed / Shiikh Almis Yaxye

علامــــــــــــــات حســـــــــــــــن الخاتمـــــــــــــة

أحكام الأضحية

فضل الصلاة على المصطفى صلى الله عليه وسلم

     
     

  WARAYSIYO

 

  TACSI

 
Faduma Jibrell oo ka waramaysa meesha ay mnareyso Dekeda Laasqoray..5.9.07

Caasha Axmed Cabdalla oo taageertey Maakhir.. SBS 5.9.07

Mudane Moon oo ka waramaya Xaalada Waxbarasho ee Sanaag .. 4.9.07

War saxaafadeed, Gudoomiyaha Sanaag ee Maakhir. ... 3.9.07

Caaqil Warsame Adan Geesood ... 2.9.07

Wareysi: Xasan Badeed oo ka waramay Dekeda Laasqoray. 29.8.07

Wareysi:-Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Maakhir State. 26.8.07

Khudbad cusub oo jeediyey Col Jibriil,25.8.07

Khudbad Taariikhi ah. Col Jibriil Cali Salaad 18.07.2007

Xasan Somali, Gud. Jaaliyada Warsangeli ee UK 17.07.2007

Caawa iyo Sanaag 16.07.2007

Faduma Jibril_HR. 09.07.2007

Maakhir iyo 1da Luulyo. 01.07.2007

Dhegeyso wareysigii SALAAD FAATAX-SBC ee ku aadanaa Dhagaxa

Ciyoon iyo Sanaag

12.05.07

Caaqil Cabdulahi Cabdi Ibraahim 04.05.07

Wareysi:-Mustafe Godane iyo Ceerigaabo 22.04.07

Warbixin ku saabsan Maxamed Cali Ciise 20.04.07

Xaalada Sanaag iyo maanta 19.04.07

BAAQ DANWADAAG. 13.04.07

BAAQ BADHAN. 13.04.07

Dhahar iyo SL-PL 09.04.07

Xaalada Dagaal oo ka taagan Sanaag 08.04.07

Wasiiro ka hadlay Sanaag 31.03.07

Dowlad Goboleedka Danwadaag

Wareysi cusub oo ka waramaya Sanaag 22.01.07

Wareysi BBC Somali La yeelatey Amd Yusuf Xaji Sacid iyo Shirkii Buraan 26.08.06

Wareysi ku saabsan go'aanadii Shirka Buraan 26.08.06

Radio SSCayn:- Shirka London ee Beelaha Sool iyo Sanaag wada dega iyo Dekeda Laasqoray 19.07.06

Ceerigaabo:- Warsaxaafadeed Gudi booqanaya Ceerigaabo 12.07.06

Warbixin ku saabsan dhisida Dekeda Laasqoray iyo Shirkii Horn Relief ee London 28.06.06

BBC:- Xaalufinta iyo Macdanta Sanaag oo go'aano laga soo saarey. 27.06.06


Shirkii Badhan oo guul ku dhamaaday 03-06-06

Wareysiyadii ugu danbeeyey ee shirka Badhan 29-05-06

Wareysi:- M C Dabshid iyo Xasan Faarax 28-05-06

Warbixin iyo wareysiyo Cusub oo ku saabsan shirka Magaalada Badhan ee G Sanaag 27.05.06

Wareysi Cusub oo RL ay la yeelatay Maxamud Ciyoon 18-05-06

Warbixin ku saabsan shirka ka socda Badhan

Qurba Jooga Beesha iyo waxay ka qabaan Majiyahan 17.04.05



Wareysiyo Kale Halakan riix
 
Tacsi kasocota Jaaliyadda iyo Ardayda Reer Maakhir ee Waxkabarata Jaamacadaha Waddanka India ee Qaaradda Asia
Tacsi ku socoto General Ilka jiir, wasiirka arimahada gudaha Puntland
Tacsi ku socota Reer siciid Mohamed abdi majabir oo dhowaan ku geeryoodey Bosaaso
Geeri Naxdinleh Marxuun Cabdi Maxamuud Maxamed [Cabdi Nugaal]
TACSI TIIRAANYO LEH -MARYAN SALAX (DHOODI) oo Geeriyootey 10 December 2009 Wadanka KENYA
 

  HEALTH

 

  TECHNOLOGY

Warning for healthy aspirin users
Steaming hot tea linked to cancer
GUDNIINKA WAA MAXAY GUDNIIN? [Q 2aad, Gudniinka Dumarka]
GUDNIINKA WAA MAXAY GUDNIIN? [Q 1aad]
Dummy use link to ear infections-bbc
 
Debut for world's fastest camera
Prius 'to be part solar-powered'
Internet key to Obama victories-bbc
Casharo Kooban oo ku saabsan Computerka
Google warms to ad deal with Yahoo -FT