MAQAAL:- JAMACADAHA SOMALILAND WAXAY KU FASHILMEEN IN AY AASAASAAN KULIYADDA LUUQADAHA...!!!
|
Somaliland,kuliyadda luuqadaha...oo dad badan oo anigu ka mid ahay baahi wayn u qabno,wali waxaan la yaabanahay kun ka aqoonyahan ee jaamiciga ahi u garan waayeen baahidaas luqadadeed ee ka jirta Somaliland,maxa waxay ka tahay halmaan mise waxay ka tahay iyaga oon danayneey,waxaad arkaysaa jaamacadaha oo xayesiisiinaaya kuliyadaha,maamulka iyo ganacsiga iyo ITgan imika wadanka qabsaday... Hadaba bal aan waydiiyo kunkaas jaamici ee jamacadaha mayal ka u haya,dhamaan idinku markii aad ardayda ahaydeen maydaan luuqadda u baahnayn in aad aqoon fiican u yeelataaan si ay idiinku noqoto marin aad u siii martaan waxaad doonaysaa in aad ku takhasustaan.waxa kaloo jirta luuqadaha mayna ahayn jidka lagu gaadho yoolkaaga aqooneed ee aad hiigsanaysid..luuqadaha mayna ahayn tii ay u baahnaayeen in wasiirada mustaqbal ka..safiirada mustaqbalka madaxweynayaasha mustaqbalka iyo shirkadaha ajanabiga ee imanaaya wadan iyo hay'adaha caalamiga ah luugu shaqo tagi lahaa mayna ahayn luuqaduhu baahi aasaasiya oo ruux waliba u baahan yahay...maanta waxa jira raggan jaamacahada wax ka dhiga ama maamulayaasha jaamacadaha ahoow..arday aad ku dhigtaa ganacsiga iyo ITga oo aan qori karayn codsi ku qoran af/carabi ama af/ingriisi ama aan diyaarin karin warbixin ku saabsan waxa uu dhigto...sida runta waa arrin lagawaxa wax lalayaabo ah,in maanta oo somaliland jamacadaheegu faraha ka bateen adan ka soo helayn hadii aad tagto mid ka mid ah jaamcadaha murugoodi in aad aragto arday jaamacadda dhigta oo haddii uu ku hadal isyidhaado af/carabi ama af/ingiriisi kun qalad ka galaaya markiiba..faransiiskana iska daa hadalkiisaba....masuuliyaddaas qalad ee ardayda jaamaacadaha somaliland dhigtaa ku sugan yihiin waxa dusha ay ka saarantahay nimankan isku sheegaaaya in ay ardayda wax barayaan ee aan ka dhisin ama ka caawin ama aan fursad u siin in ay helaan meel lagu lafo guro luuqadaha shisheeye....ku qasaaya data da It ga iyo ganacsiga ..... Bal waxaad akhriste u fiirsata arday jaamacadii ka qalin jabiyey oo aan wareysi sii karin TV calamiya sida al/jasiira ama BBcda af/ingiriisiga ....oo aan ka warami karayn wadankiisa waxa ka jira iyo waxa uu hiigsanaaayo... Waxa kale oo uuna u qorankayren hay'ad ajanabiya waraaq sax ah oo af/carabiya ama ingiriisiya...waa wax laga naxo akhriste hadii aad aragto ardaygaas leh jaamacad ayaan ka baxay ee hadana jajabinaaya luuqadaha....waxaan waydiinayaa nimankan jaamacadaha maamula kuliyadda luuqadahu may ka culustahay wax la asaasi karo may ka lacag yartahay kuliyadaha kale oo meesha ganacsi baad u joogtaan oo cid wadan muraayad u noqota maa safiiro ama madaxweynayaal luuqaddaha ku hadli kara in ay soo baxaan waxba idin kamay galin..????maalin dhaweyd aniga oo doonaaya kuliyadda luuqadda ingriisiga oo ay soo xayeysiisay jaamacadda hargeysa ayaa markii aan tagay waxaan arkay in ayna kuliyadaasi ahayn mid la diyaariyey bilaabmaysa markii aan wareystay masuuliyiinta jaamacadda hargeysa imaysiin wax aan ku qanco...... Hadaba ugu dambeyntii waxaan kula talin lahaa wasaaraddda waxbarashada Somaliland in ay amar degdeg ah soo saarto oo ay jaamacadaha Somaliland kaga codsaneyso in ay bilaabaan oo ay aasaasaan Kuliyadda_luuqadaha ....si aan u helno wadan ubax muraayad u noqda oo caalamka wax la soo qaybsada..oo ayna ardaydu ku khaldamin hiwaayooyinkooda oo ayna iska galin ganacsi iyo IT uuna wadanku baahi sidaas ah ba u qabin inagu ma warshadu iyo shirkaddu aynu ku daalayno xisaabtooda aynu leenahay???waxaynu u baahanahay in aan luuqadaha barano si aan caalamka u tusino fikirkeena gooni_isutaag iyo in aan nahay umad soo jirtay ilaa 60kii oo dawladda... Macalin C/casiis maxamed yoonis ansaari
Maqaalkan Wuxuu gaar u yahay qoraaga Looma Fasilikaro Aragida Warbaahinta Laasqoray.Net |
|
|

Wersheda Kaluunka ee Laasqoray ayaa soo bandhigtey Wax soorkeeda Caalamiga ah[Warbixin iyo Sawiro]
[WARBIXIN] Xagee marayaa Machadka Iqra Institute for higher Education, kana qeyb qaado dhameystirkiisa
FADLAN- KA QEYB QAADO DHISIDA WADADA XIDID
Xagee marayaa Dhismaha Machadka Badhan ee Culuumta Sare [Iqra Institute for Higher Education]+SAWIRO
Damala Xagare ee Gobolka Sanaag ayaa la Amaanay Waxbarashadeeda[Daawo Sawiro]
Warshada Kaluunka ee Laasqoray ayaa Gaadhay Hormar Xawli ah[Daawo Sawiro Qurxoon]