| Home

CADAALADA MAJEERTEEN IYO HABOWGA MOORASAANTE[WARSANGELI]


Bisinka Eebahay ayaan ku bilowdey qormadan, waxaana rabigey weydiisanayaa inuu Maqfiro iigu dhaafo del qaafkeyga iyadoo maqaalkani uu ku saabsan yahay arimo xasaasi ah oo taabanaya boogta xudunteeda isla markaana dhalin karta kicin bulsho iyadoo taasba loola jeedo.

Tan iyo curintii Maamulka Puntland ee sanadkii 1998da waxaa horgale u maamulkan u ahaa kuwa ka shaqeeya xasarad oo lagu bartay tan iyo beri samaadkii oo intii waday xaq daro isla markaana ku caan baxay Docdayda aan Cuno iyo Docdaadba, oo aan ogoleyn wax in lala wadaago iney dhuuniga u ritaan maahee.

Halqabsigan aan ugu horeysiiyey waxaa tusaale ugu filan wixii ka dhacay Puntland tan iyo boobkii 1998dii iyadoo boobkaasu uu socdo laakinse maanta meesha uu marayo ay tahey martabad hooseysa oo aan loo adkeysan karin.

Wax badan baan isha ku qabtey kaaha iyo ololka Bari, Nugaal iyo Waqooyiga Mudug iiga soo butaacaayey runtiina ma noqon mid la xamili karo iyadoo Sadbursi, Cadaalad Xumo, afla gaado, quursi qabiil ay isugu jiraan waxa soo butaacaayey.

Hartiga kalena aad muudsateen maamul xumadiina
oo Geri midabkaa nacay meel kale u guurey

Waxaan isla lahaa Faroole iyo Xukuumadiisa wax baa is bedelaya, laakinse taasina waa iga beenoodey oo horaa Somali u tiri Awrba awrka ka horeeya ayuu raacaa taas oo tusaaleba iigu filan.

Waxaana xusid mudan in ficiladani ay dhacin intii ka horeysey 1998dii oo aheyd bilowga is naca beelaha Harti oo runtii markaad si u eegtidba aad arkeysid erayadii uu tiriyey Abwaan Samakaab mudo hada laga joogo 160 sano oo aad moodid in saaka la meershey!

Weligoodba maal kuma xereyn muruq ay yeesheen e
Intey Nabad ku mariyaan xarbiga kuma mihiibaane
Waa niman martabadoodu yartahay maalin dirireed e
Meer meerka iyo faanku waa meheradoodii e
Markadeedka iyo beentu waa midabadoodii e

Waxaase intaa dheer in maanta xad gudubkoodii intuu batay tuulooyinkii Moorasaante la iska soo galo oo maatooyinka inta gunta loogu galo bariiskooda iyo wiilashoodii lasoo qaqabto magac dowladeed oo lagu socdo awgeed.

Waxaase ii dheer iyadoo Habowga Moorasaante aad moodid sida sahankii ku lumey dooxada Booxaaro oo kale oo biyo iyo baad bani aadam lahayn amase kii qowmul -Israaiil oo looga sheekeeyey Quranka Suuban markii Allah weyne yiri    [ يتيهون في الارض] ,sababtoo ah reerka waxaa ku jira habow siyaasadeed.

Taasina waxaa daliil ugu filan goortii dhowaan dhegteydu jalaq kusoo tiri weedho aan farxad i gelin oo ah in jahwareerkii siyaasadeed uu meeshii uu taagnaa wixii ka horeeyey August 2008 uu dib ugu noqdey.

Maxaan August 2008 usoo qaatey? waa markii ina Axmed Mataan yimi beri Maakhir oo balan qaadyo iyo Cahdi ahaa Puntland baan keeni ama Maakhir[Sanaag, Haylaan, Galbeedka Gobolka Bari], waayeel, aqoon yahan, maato iyo wadaadba soo dhoweeyeen oo yiraahdeen SAMCAN WA ADAACAN.

Riyadii keenista Puntland hadey suuro geli weydey oo ilma Harti isaga keen hiiliyeen oo Dhulbahante iyo Majeerteen iyo raacadoodaba ay ku heshiiyeen ineysan cadaaladi wax u dhicin.

Ayaa misna habowgii sii siyaadey oo niyada la isugu dhisey Ina Axmed Mataan Haylaan oo lagu awr kacsadey ayuu keeni, Deked buu keeni, Gole deegaan buu keeni, calanka Sheekh Isixaaq ee Baran suran buu siibi, kan Laasqoray Suran buu siibi, kan Ceelbuh, Ceerigaabo iyo Carmale buu siibi...

Dhalinta Moorasaante oo Calankii SNM surtey Badhan, ilkajiirna kusoo dhoweeyey sidaa, ninkii ay ka shakisan tan, ha eego taariikhda Sawirka la qaadey iyo goortuu Ilko joogey Badhan

Ayaaba misna habowgii sii siyaadey oo niyadii la isugu dhisey Ina Axmed Mataan Misaaniyadii Haylaan buu keeni, gor gortan ayuu Faroole kula jiraa...

Mise waxaa soo butaacaya erayo aan dhegto u adkeysan oo ah qeylo maato oo guryohoodii Ceeldaahir, Laag iyo Bosaaso loogu galey oo wiilashoodii lagu qafaashey,

Maqaaalku ulama aanan jeedin eedeyn Ina Axmed Mataan AMA tolkeyba laakiinse waxay arimahan aan xusey ka mid yihiin xaqiiqada jirta iyo jaah wareerka Siyaasadeed ee ka tagaan Caro Maakhir, taasna waxaa dheer oo ay keentey in sharaftii reerkan xadaarada lagu ogaa ay hoos u dhacdey oo sokeeye Majeerteen ku dhiiradey inuu wiilashoodii, dhulkoodii iyo xuquuqdoodiiba sadbursi ku sameeyo. 

Mid kalena aan ku daro.

Habowgii siyaasadeed ee Moorasaante waa tan maanta keentey in niman aan cadaalad looga baran maxkamado beeleedyo wiilashoodii intey soo istaajiyaan quraan aan la aqoon meeluu ka yimi usoo daliishada iyo dastuur aysan jirin cid fahantayba!

Sanadkii 2008da waxaa Bosaaso ku xirnaa wiilal kor u dhaafey 20 oo xabsiga ugu jirey denbi baad gasheen oo qof baa idin soo sheegey [Cabdifataax waaba ka daran tahey oo waxa uu qaadigii Majeerteen yiri naag baa kusoo sheegtey!!].

Wiilashaasi weli qaarkood waa xiran yihiin, waxaana kusii siyaadey wiilashii laga qabtey Ceeldaahir dhamaadkii sanadkii tegey maleeshiyaad beeleedka Cabdullahi Siciid Samatar iyo Cismaan Diyaano ay afduubeen, ciidanna lama daba dirin.

Odayadii tegey baaq aanan ku farxin bay ka keeneen Garowe iyadoo Faroole oo Meles iyo Ethiopia ku maqan bay yiraahdeen heshiis baanu la gaarney Faroole, tolow ma yarkii ina faroole bay moodeen odeyga?

Waxaase ku xigey in dhacdadii Marxuumkii Cabdullaahi Cali Cismaan (Kaarad] laba wiil lasoo xirey oo booliska ka mid ahaa isla markaana ukala dhashey Dubeys iyo Majeerteen[Cismaan Maxamuud], isla markaana kii Majeerteen lasoo daayey oo yarkii Dubays 23ka January dil ku xukumeen beesha Majeerteen.

Waxaanse Moorasaante xaalkiisa si fiican u sawirey oo u qeexay erayadii Cismaan Cabdi Qaac goortuu yiri :

Geeldoora odayadii dhisoow goobtan lagu hoogye
Sidaad uga gaboowdeen ma kicin geesi taliyaa e.

Hadaba Cadaalad darada Majeerteen waxaa ka wayn habowga Moorsaante waayo ninna mabda iyo aan mara habaabin nin fiyow kusoo dhiiran maayo oo maanta dulmiga majeerteen i badey cid iiga hiilineysa ma jirto oo waa sidaad uga gabowdeen ma kicin geesi taliyaa e.

Waxaan aad iyo aad uga naxay Qaadi beeleedkii oo maxbuuskii xaqdarada lagu haystey ku daac daacaya oo lahaa dil baa lagu xukume sadex awgeed,

-mid khal khal lagu geliyo Puntland,{Majeerteen ileyn cidkale baruur kuma haysato e]

-Diinta in dadka lagu diro[Diinta majeerteen ee bartey in Naag keliya Markhaanti noqon karto}

Waxba yaaney Li-ilaafi marmarin oo i maqashiine
Anba Miimka iyo Wawga kala macneeyaa e
Masaladooda baas ma rabo iyo macalin beeneed e

Xaakim beeleedkii waxa uu intaa ku darey oo yiri oo weliba ku cel celiyey ''lasoo adeegsadey oo ay soo adeegsadeen cid cadow u ah Puntland.''

Markaasuu intuu is yiri martabadaad kor u qaad ku darey ''Baare inuu cadeeyey in qoriga uu ka ridey xabad  iyo xabadii ka dhacdey oo ku dhacdey marxuumka iney tahey mid qura''

Hadalkaa markaan maqley waan qosley iyadoo aan is iri ma faankii lagu yaqaaney baa gaarey halkaa oo ay rabaan in dadka ku marin habaabiyaan, miyuu ilaawey iney Soomaali oo idili ay wataan AK47?

Waxaan kusoo geba gebayn

Mara xume Majeerteen tolnimay midig ka tuureen
Walaahey hartiga meel xunbaad kala mareysaane
...

Hadii aan Majeerteen markale Mudh isa soo siinin
Oo taladu meeshey lahayd toosin marinkeeda
Inaan nabadi meel mari kareyn waa midaan hubo e

Qore: Khadar C/raxman

kh_a_ali2001@gmail.com

Sanca, Yemen

Afeef: Aragtidu ma xanbaarsana fikirka Webka LaasqorayNet, waxay gaar u tahey qoraaga ku saxeexan, kala xiriir emailkiisa wixii faah faahin ah.

 

Daabaco
U dir saaxiibkaa


  NEWS IN ENGLISH

 

  ARABIC

SOMALI GOVERNMENT READY FOR EID SPECTACULAR.
PRESIDENT WELCOMES IMMEDIATE RETURN VISIT BY UN SPECIAL REPRESENTATIVE
The need for Re-organization and Reform in Puntland-Ismail Geldoon
PRESS RELEASE 018/2010 -UN Under-Secretary-General visits President Sheikh Sharif in Mogadishu
ARTICLE-Galgala: Farole’s Waterloo, BY
Joint Statement Condemning Al-Shabab’s attacks against the people of Mogadishu
Somalia's once stable Puntland hit by insurgency - The Associated Press
Sanag And Haylan Elders Committee Spokes Person sends a message to the international Community.
Somali MPs killed in hotel suicide attack
 
زيارة وفد من مظلة التعليم الأهلى وجمعية التضامن الى السودان
الشباب تتبنى هجومي كامبالا وأوغندا مصرة على البقاء بالصومال

مؤتمر في اسطنبول لإرساء الإستقرار في الصومال

القوات الأثيوبية تعبر الحدود وتشتبك مع صوماليين

الحكومة الصومالية: اثنا عشر عنصرا بالقاعدة عبروا للصومال من اليمن

تقرير للامم المتحدة يصف القوات الحكومية الصومالية بالفاسدة وغير الفعالة

تحويل النقود عبر المحمول في الصومال يوفر الاموال وينقذ الارواح

المتمردون يحذرون الحكومة الصومالية الانتقالية من شن هجوم على مواقعهم في مقديشو

     

BARNAAMIJYO KHAAS AH

COMMUNITY LISTINGS

  SPORTS

 

  ISLAM

Dalka Masar oo qaaday Koobkii Africa
Manchester United performance caps their best 10 days since 1999
Spurs in form for United clash
Sanaag oo ku Dur-Durisay Gobolka Sool......Koobka Puntland Premeir Leage ee Dalka India ka socda
Kabtankii Kooxda ESpanyol ee Dalka Spain ayaa la sheegay inuu wadnuhu istaagay
 

أفضل وثيقة تأمين على وجه الأرض

Islaamka iyo reer Galbeedka Aragti Taariikheed / Shiikh Almis Yaxye

علامــــــــــــــات حســـــــــــــــن الخاتمـــــــــــــة

أحكام الأضحية

فضل الصلاة على المصطفى صلى الله عليه وسلم

     
     

  WARAYSIYO

 

  TACSI

 
Faduma Jibrell oo ka waramaysa meesha ay mnareyso Dekeda Laasqoray..5.9.07

Caasha Axmed Cabdalla oo taageertey Maakhir.. SBS 5.9.07

Mudane Moon oo ka waramaya Xaalada Waxbarasho ee Sanaag .. 4.9.07

War saxaafadeed, Gudoomiyaha Sanaag ee Maakhir. ... 3.9.07

Caaqil Warsame Adan Geesood ... 2.9.07

Wareysi: Xasan Badeed oo ka waramay Dekeda Laasqoray. 29.8.07

Wareysi:-Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Maakhir State. 26.8.07

Khudbad cusub oo jeediyey Col Jibriil,25.8.07

Khudbad Taariikhi ah. Col Jibriil Cali Salaad 18.07.2007

Xasan Somali, Gud. Jaaliyada Warsangeli ee UK 17.07.2007

Caawa iyo Sanaag 16.07.2007

Faduma Jibril_HR. 09.07.2007

Maakhir iyo 1da Luulyo. 01.07.2007

Dhegeyso wareysigii SALAAD FAATAX-SBC ee ku aadanaa Dhagaxa

Ciyoon iyo Sanaag

12.05.07

Caaqil Cabdulahi Cabdi Ibraahim 04.05.07

Wareysi:-Mustafe Godane iyo Ceerigaabo 22.04.07

Warbixin ku saabsan Maxamed Cali Ciise 20.04.07

Xaalada Sanaag iyo maanta 19.04.07

BAAQ DANWADAAG. 13.04.07

BAAQ BADHAN. 13.04.07

Dhahar iyo SL-PL 09.04.07

Xaalada Dagaal oo ka taagan Sanaag 08.04.07

Wasiiro ka hadlay Sanaag 31.03.07

Dowlad Goboleedka Danwadaag

Wareysi cusub oo ka waramaya Sanaag 22.01.07

Wareysi BBC Somali La yeelatey Amd Yusuf Xaji Sacid iyo Shirkii Buraan 26.08.06

Wareysi ku saabsan go'aanadii Shirka Buraan 26.08.06

Radio SSCayn:- Shirka London ee Beelaha Sool iyo Sanaag wada dega iyo Dekeda Laasqoray 19.07.06

Ceerigaabo:- Warsaxaafadeed Gudi booqanaya Ceerigaabo 12.07.06

Warbixin ku saabsan dhisida Dekeda Laasqoray iyo Shirkii Horn Relief ee London 28.06.06

BBC:- Xaalufinta iyo Macdanta Sanaag oo go'aano laga soo saarey. 27.06.06


Shirkii Badhan oo guul ku dhamaaday 03-06-06

Wareysiyadii ugu danbeeyey ee shirka Badhan 29-05-06

Wareysi:- M C Dabshid iyo Xasan Faarax 28-05-06

Warbixin iyo wareysiyo Cusub oo ku saabsan shirka Magaalada Badhan ee G Sanaag 27.05.06

Wareysi Cusub oo RL ay la yeelatay Maxamud Ciyoon 18-05-06

Warbixin ku saabsan shirka ka socda Badhan

Qurba Jooga Beesha iyo waxay ka qabaan Majiyahan 17.04.05



Wareysiyo Kale Halakan riix
 
Tacsi kasocota Jaaliyadda iyo Ardayda Reer Maakhir ee Waxkabarata Jaamacadaha Waddanka India ee Qaaradda Asia
Tacsi ku socoto General Ilka jiir, wasiirka arimahada gudaha Puntland
Tacsi ku socota Reer siciid Mohamed abdi majabir oo dhowaan ku geeryoodey Bosaaso
Geeri Naxdinleh Marxuun Cabdi Maxamuud Maxamed [Cabdi Nugaal]
TACSI TIIRAANYO LEH -MARYAN SALAX (DHOODI) oo Geeriyootey 10 December 2009 Wadanka KENYA
 

  HEALTH

 

  TECHNOLOGY

Warning for healthy aspirin users
Steaming hot tea linked to cancer
GUDNIINKA WAA MAXAY GUDNIIN? [Q 2aad, Gudniinka Dumarka]
GUDNIINKA WAA MAXAY GUDNIIN? [Q 1aad]
Dummy use link to ear infections-bbc
 
Debut for world's fastest camera
Prius 'to be part solar-powered'
Internet key to Obama victories-bbc
Casharo Kooban oo ku saabsan Computerka
Google warms to ad deal with Yahoo -FT