DOWLADA PUNTLAND OO MARKALE ISKA FOGEYSAY IN LAMAANAHA U DHASHAY WADANKA INGIRIISKA DEEGAANKOODA LAGU HAYSTO
Dowlada Puntland Ee Soomaaliyeed ayaa Markale iska Fogeysay Warar ay sheegeen Warbaahinta qaarkeed oo ahaa in Lamanayaasha Ingiriiska Ee gacanta ugu jira Budhcad Badeeda in lagu haysto Xeebaha Deeganada Puntland, Wasiir K/xigeenka Warfaafinta oo maanta Saxaafada la hadlayay ayaa sheegay inaan dadkaas lagu haysan Dhulka Puntland. Wasiir K/xigeenka Wasaarada Warfaafinta Puntland C/laahi Maxamed Faarax Aswad oo Maanta Warbaahinta kula hadlayay Magaaladda Garoowe Ee Xaruunta Dowlada Puntland ayaa Wuxuu ka hadlay Warar ay sheegeen Warbaahinta qaar, Wuxuunaa Ganafka ku dhuftay Aswad Inaysan Waxba ka jirin Wararkaas oo aan lagu haysan Lamanayaasha u dhashay Ingiriiska Xeebaha Deeganada Puntland Ee Lagu haysto Degmada Xarardheere Ee Gobolka Mudug Ee katirsan Maamulka Galmudug. Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Ee Puntland Maxamed Faarax Aswad ayaa Sido kale sheegay in wararkas baahiyeen dad kasoo horjeeda Nabada iyo horu-marka ka hanaqaaday Deeganada Puntland Waxaan ka codsanyaa dadkii waxaas Sheegay inay raali galin ka bixiyaan Sida ugu dhakhsaha badan. Dhanka kale Wuxuu Wasiirku Sheegay in ay ka xun yihiin oo ka damqanayaan Lamanaahayaasha u dhashay Wadanka Ingiriiska Ee Lagu haysto Degmada Xarardheere Waxaana ugu baaqaynaa ayuu yiri Aswad in ay kusii daayaan dadkaas Waayeelka ah Shuruud La'aan Liibaan C.rashiid Siciid |
|
|
Wersheda Kaluunka ee Laasqoray ayaa soo bandhigtey Wax soorkeeda Caalamiga ah[Warbixin iyo Sawiro]
[WARBIXIN] Xagee marayaa Machadka Iqra Institute for higher Education, kana qeyb qaado dhameystirkiisa
FADLAN- KA QEYB QAADO DHISIDA WADADA XIDID
Xagee marayaa Dhismaha Machadka Badhan ee Culuumta Sare [Iqra Institute for Higher Education]+SAWIRO
Damala Xagare ee Gobolka Sanaag ayaa la Amaanay Waxbarashadeeda[Daawo Sawiro]
Warshada Kaluunka ee Laasqoray ayaa Gaadhay Hormar Xawli ah[Daawo Sawiro Qurxoon]