| Home
MADAXWEYNE SHARIIF OO DIBLOMASIYIIN MAREYKAN AH KULA KULMAY ADDS ABABA+SAWIRRO
Sida ay kusoo Waramayaan Wariyaasha Joogaa Adis Ababa ayaa Waxay soo sheegayaan in Maxadaweynaha Dowlada Federalka KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ka qeyb galaya shirka afar iyo tobanaad ee ururka midowga Africa ee ka soconaya Addis Abaaba ayaa maanta xarunta dhaqaalaha Africa ee magaaaladaas kula kulmay kaaliyaha xoghayeha arrimaha dibadda ee dalka mareeykanka u qaabilsan arimaha caalamka haweeneyda lagu magacaabo Mario Otero iyo kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada ee mareykanka u qaabilsan arimaha afirica, Johnnie Carson.
Madaxweynaha iyo masuuliyiintasi ka socotay dalka mareykanka ayaa kulankooda iskula soo qaaday xaaladda dalka Soomaaliya gaar ahaan arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, xasiloonida, gargaarka, caafimaadka ,waxbarashada iyo sidii maal gelin loogu sameyn lahaa dalka Soomaliya. Kulankaasi wxaa goob joog ka ahaa kuxigeenka R/ wasaaraha ahna wasiirka maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan, wasiirka arrimaha dibada Cali Axmed Jamac Jingili, wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta C/rasaaq Cismaan Jurile, xildhibanaan Aamina Maxamed Mursal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada dowladood ee mareeykanka iyo soomaaliya. Wafdiga Soomaaliya uga qeyb galaya shir sanadeedka midowga afrika ee ka soconaya Ethiopia ayaa horay kulamo ula yeeshay madax ka socotay wadamada caalamka kuwaas oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo hormarinta dalka quseeya, waxaana ka sokow shirka midowga afrika ay wafdigu ku howlanyahay shirar gaar ah oo ay la yeelanayaan madaxda shirka ka soo qeyb gashay oo si weyn u daneynaya arrimaha dalka Soomaaliya.
|
|
|
Wersheda Kaluunka ee Laasqoray ayaa soo bandhigtey Wax soorkeeda Caalamiga ah[Warbixin iyo Sawiro]
[WARBIXIN] Xagee marayaa Machadka Iqra Institute for higher Education, kana qeyb qaado dhameystirkiisa
FADLAN- KA QEYB QAADO DHISIDA WADADA XIDID
Xagee marayaa Dhismaha Machadka Badhan ee Culuumta Sare [Iqra Institute for Higher Education]+SAWIRO
Damala Xagare ee Gobolka Sanaag ayaa la Amaanay Waxbarashadeeda[Daawo Sawiro]
Warshada Kaluunka ee Laasqoray ayaa Gaadhay Hormar Xawli ah[Daawo Sawiro Qurxoon]