SHACAB WEYNAHA KU DHAQAN DEGMADA GALGALA EE GOBOLKA BARI OO CANBAAREEYAY WARAR BEEN ABUURA OO LAGA SHEEGAY
|
Shacab Weynaha ku dhaqan Degmada Galgala Ee Gobolka Bari ayaa Maanta Si toosa u canbaareeyay Warar ay qoreen Warbaahinta qaarkeed oo ahaa inay joogaan Degmada Galgala Ee Taariikhiga ah Waxa loogu yeedho Argagixiso, Afhayeen u hadlay Dad weynaha ku dhaqan Degmada Galgala ayaa Warbaahinta Laasqoray.Net u sheegay inaysan Waxba kajirin Wararka la sheegay balse la rabo in Tashush lagu furo Nabada ka hana qaaday Degmada Galgala. Dad Weynaha ku dhaqan Degmada Galgala Ee Gobolka Bari oo ka fajacsan Wararka Waxba Kama jiraanka ah Islamarkaana Beenta qaawan ah ayaa Sheegay inay Arimahaas Wadaan dad gaara oo ay yaqaanan oo dano gaara Wata oo raba inay Carqalad ka abuuraan Deegaanka Galgala iyo Guud ahaanba Gobolka Bari, waxayna sheegeen dadkaas Arimahaas ku jira inay Talaabo Sharciya ka qaadi doonaan hadii aysan Joojin Falalka Waxashnimada leh ee ay ka wadaan Degmada Galgala. Nin u hadlay Degmada Galgala ayaa sheegay inaysan Waligeed iman Wax Ajaaniba Iskabadaa Gudaha Degmada Galgala Macaal meel ku dhow Waligood laguma Sheegin, Wuxuu intaa ku daray Ninkaasi inay Barnaamijkan Lacag kusoo qaateen Kooxda Loo yaqaan PIS ama dadka qaaar u yaqaanaan Ashahaado La dirirka, Ajaanibta lagu sheegay Galgala Wuxuu qeyb ka yahay Lacagaha ay kusoo qaateen Kooxda PIS Goobaha ay rabaan inay Carqalad ka abuuraan. Shiikh Maxamed Siciid Atam oo ah Nin Sheekha oo degan Degmada Galgala islamarkaana ah Nin iska Caadiya oo aan ku jirin Hirdanka Siyaaseed Ee ka socda Somalia ayaa Waxaa Marar badan Lacag kuso qaadatay Kooxda PISta yadoo ku eedeeyanaysa inuu Islaamiyiinta la shaqeeye balse waa u suura gali weyday Waxay doorkan hindiseen Kooxda Ashaado La dirirku inay guud ahaanba ku eedeeyaan Degmda Galgala Meelay joogaan Kooxo Xagjira Waana Dabin ama shirqool la rabo in loo dhigo Shiikh Maxamed Siciid Atam. Dhawaan ayaa Waxaa Wararkan been abuurka ah Soo qoray dhowr Website oo la sheegay inay gacan saar la leeyihiin Kooxda Pista Islamarkaana ku hadla Magacooda yagoo ka qaata Xoogaa Guno ah. Hoos ka Fiiri Warbixinadii ay soo daaaceen Website-yada ku hadla Magaca Kooxda Ashahaado La dirirka. http://allidamaale.com/Warka.2188.htm http://somalifans.net/2010/01/30/wararka-1912/ Maxmed Cali Axmed |
|
|
Wersheda Kaluunka ee Laasqoray ayaa soo bandhigtey Wax soorkeeda Caalamiga ah[Warbixin iyo Sawiro]
[WARBIXIN] Xagee marayaa Machadka Iqra Institute for higher Education, kana qeyb qaado dhameystirkiisa
FADLAN- KA QEYB QAADO DHISIDA WADADA XIDID
Xagee marayaa Dhismaha Machadka Badhan ee Culuumta Sare [Iqra Institute for Higher Education]+SAWIRO
Damala Xagare ee Gobolka Sanaag ayaa la Amaanay Waxbarashadeeda[Daawo Sawiro]
Warshada Kaluunka ee Laasqoray ayaa Gaadhay Hormar Xawli ah[Daawo Sawiro Qurxoon]