MAANSO: MA SAASAA NALA GUDBOON?
|
Maansada curinteeda waxaa igu dhaliyey kadib markaan arkay xaalada soomaali ku jirto iyo sida foosha xun ee ay u dhaqmayso, kala dambayn la’aanta iyo maamul xumada ka jirta, iyo xurmo darada shacabku ku nool yahay. Masalada aduunyadu waa mareeg Marbay murugtaa maroortaa Misana mudataa midii roon Martida aad maqashee taqaan Af iyo carab baa is xiga Misana muran baa dhexmara Makiinadahay isu listaan Is maagaan had iyo goor Miiska hadal kay tagaan Maskaxdaa ma qooradoo Miisaanta macna yaasha jira Macnaysa siday yihiin Hadii uu midi khaldamo Mudnaanta midkii lahaa Iyana kama leexisee Muraad kiisay tustaa Ku oodaa maxa nala gudboon? Aduunyadu waa midaa Is maqal baa midnimo Is maamul wanagsan dhala Mar xaladaha haatan jira Maqoorad xumadan arkiyo Siday soomali tahay Mooryaan wada caadiloo! Mashaa’ikh wada daalinoo! Muslin wada kaafiriyo! Ku sheegid waxan mudnayn Maatada la xasuqayiyo! Mayd ka oo an xurmo lahayn! Xabalaha oo buxsamiyo! Masaasa nala gudboon?! Hadii aan meerisyada Muraad kii an lahaa Masaaxada aan ku furo Muslimo ya noo garnaqi? Hashii maydhub ahayd Sad keedi manta yahay Sadexanti midig ee dihnayd Hadaan maraqaii ka furay Mashiiq saday xooxdi hore Cir kaba meeshan ka filay Ciiryaama ka maluugantoo! Ibihii dhiig ba godladay! Madaafiic baa ka dhacay! Micnuhu waa micno jaan Majarihii waa hore ka lumay Muraad kiisa aan lagaray Cudurku meeshu kayimid Sida loo xanuun san yahay Inaan madasha la dhigin Miyaa micnihiina guud? Ma saasa nala gudboon? Meesidu waa maalantahay Musiiba daba ruclayn Dumarkuna waa masaar Midiidin aan cid lahayn Dhalintuna waa mashaqo Sharaf tii dadkooda iyo Midii naftooda moog Maaligo Allahayo Macbuudow Almanicow Wixii xumo doonayana Dambas uu roob ku da’ay Daad uu ka dambeeyayoo Dib aan loo arag ka yeel Bashiir Cumar Warsame |
|
|
Wersheda Kaluunka ee Laasqoray ayaa soo bandhigtey Wax soorkeeda Caalamiga ah[Warbixin iyo Sawiro]
[WARBIXIN] Xagee marayaa Machadka Iqra Institute for higher Education, kana qeyb qaado dhameystirkiisa
FADLAN- KA QEYB QAADO DHISIDA WADADA XIDID
Xagee marayaa Dhismaha Machadka Badhan ee Culuumta Sare [Iqra Institute for Higher Education]+SAWIRO
Damala Xagare ee Gobolka Sanaag ayaa la Amaanay Waxbarashadeeda[Daawo Sawiro]
Warshada Kaluunka ee Laasqoray ayaa Gaadhay Hormar Xawli ah[Daawo Sawiro Qurxoon]