| Home

LUQADDA SOOMAALIGU KAMA SOO BILAABAN AFAR REER GUURAA AH: ABWAAN SICIID SAALAX


Macalinka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey dadweyne soomaaliyeed oo runtii aan u arkay inay ahaayeen kuwo rabay xaqiiqddii inay arkaan macalinkan lauqadda Soomaaliyeed waxbadan kasoo qabtay iyo guud ahaan suuggaanta Soomaaliyeedba,dadweynahaas oo aan qaarkood horey ugu suuro gelin inay wadankii hooyo kula kulmaan ayaa waxaa maanta ay waqti u heleen oo ay kusoo dhaweeyaan Macalinkaas.

Ka dib soo dhaweeyntaas ayaa waxaa loosoo galbiyey macalinka xurun loogu talagalay inuu dadweynaha soomaaliyeed ee reer Finland kula hadlo,xaruntaas oo ay diyaariyeen uruka KANAVA.

Haddaba waxaa ugu horeeyn hadalo soo dhaweeyn ah halkaas kasoo jeediyey Gudoomiyaha ururka Kanava mudane Abdulqadir “Waxaan ugu horeeyn anigoo ku hadlaya magaca jaaliyadda Finland aan ku soo dhaweynayaa wadankan Finland” Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay inuu ka xunyahay macalinka oo maanta oo dhan cashiro ka bixinayay wadanka Sweden inuu haddana usoo dhoofo wadan finland si uu waqti usiiyo jaaliyadda Finland iyo weliba inaga oo og inuu macalinku beri uu u dhoofayo festifal ka dhacaya wadanka Ingiriiska oo lagu casumay macalinka intaas waxaa hormarsaday Guddoomiyaha kanava Mudane Abdulqadir Hadaafow.

Abdulqadir oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri waqtiga oo yar iyo inaga oo rabna inaan macalinka ka faaideysano ayaa waxaan ka jaaliyad ahaa rabnaa inaan weydiisano labo arin inuu fikrad kooban naga siiyo kuwaas oo kala ah:

1-Nolosha Soomaalidda kunool wadanka maraykanaka,qaas ahaan meesha uu ka degan yahay ee gobolka Minnesota
2-Muhiimadda ay bulshadda Soomaaliyeed u leedahay luqadda Soomaaliga.

Abdulqadir ayaa waxaa uu intaas ka dib kusoo dhaweeyey Prof. Ahmed Wehliye (Ahmed Heji).

Prof. ayaa waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan caawa heysanaa fursad qaali ah oo aan laheli karin, taas oo ay weli sii dheertahay tii oo aan lacag aheyn,marka inta caawa waqtiga u heshay waxaan u rajaynayaa inay helidoonaan waxyaabo badan oo ay uga baahan yihiin luqadda Soomaaliga iyo guud ahaan dhaqankeenii maguuraanka ahaa” Prof.Ahmed ayaa waxaa uu isagoo hadalkiisa sii wata yiri “Macalin Siciid Salax um baahna inaan idiin sharaxo taarikhdiisa oo waad lawada socotaan,lakiin waxaa marnaba la hilmaami karin taariikhda macalinnimadda iyo tii aasaskii kooxda Iftin”.Prof.Ahmed Heji ayaa waxaa uu intaas raaciyey inuu jeclaan lahaa haddii uu macalinka ku dari karo inuu wxa nooga sheego abaalmarintii uu helay iyo sida uu ugu gudbiyo wax dadka reer maraynkan.

Intaas ka dib ayaa waxaa hadalkii lagu wareejiyey Dr Hassan hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa “Aduunka waxaa laysku dhaafay waa aqoonta,aqoontuna waa waxa biniaadamka isku xira,haddaba aqoonta noocaas ah dadka ku taqasusay mid ka mid ah ayaa maanta nala jooga,marka waxa nalooga baahan ayahay inaan ka faa idesano”.

Intaa kaidb waxaa hadalkii qaatay Macalin Siciid Saalax oo dadkii halkaas isugu yimid uga mahadceliyey sida sharafta leh ee loosoo dhaweeyey,ka dibna waxaa uu halkaas ka bilaabay hadalkiisii waxaana ka mid ahaa “Noloshayda badankeed ayaan bare ahaa” ayuu yiri Abwaanka oo dadka reer Helsinki lahadlayey ” min dugsi hoose, dhexe, sare illaa jaamacad ayaan bare ka soo noqday” ayuu raaciyey. “Markii aan Mareykan imid-na, si bilaash ah ayaan arday Soomaaliyeed wax ku bari jiray, ka hor intaaneey-ba shaqo ii noqon”.Macalinka oo kaftamayey ayaa waxaa uu yiri”Dadka badankiis waxaa ay iyiraahdaan Abwaan,lakiin abwaanimadda waxaa ii geeyey macalinnimadeyda,”Qolka ayaa igu yaraada” ayuu yiri isagoo ka hadlaya iskuulka uu wax ka dhigo ” Markaas ayaan u yididiiloodaa inaan jamaahiir ballaaran codkeyga gaarsiiyo” Macalinka ayaa yiri” Markaas ayaan dhinaca abwaanimadda u isticmaalijirey.

Abwaanka ayaa mar uu ka hadlayey dadka soomaaliyeed ee degan Minnesota ayaa waxaa uu sheegay inaan qiyaas ahaan lagaranayn,isaga oo arintaas ka hadlaya waxaa uu yiri “2001 wixii ka horeeyey waxaa lasocdey tiradda guud ee magaaladdaas, xiligaas wixii ka danbeeyey waxaa bilaaawdey tirooyin isdhinac ordaya”

Macalinka oo ka hadlayey magaaladan sababta ay u noqotay magaaladda ugu Soomaalidda badan waqooyiga ameerikka ayaa waxaa uu kumicneeyey”Magaaladda ayaa waxaa ay ahayd magaalo shaqo oo waxaa looga imaan jiray magaalooyinka kale ee Maraynkanka ilaa iyo Canada” isga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri “Magaaladda ayaa waxaa tanlabaad markii ay Soomaalidu kusoo badatay waxaa noqonay in aan caan ku ahaano waxyaabo ay dadkii magaaladaas aan ugu imaanay ay nooga heleen,macalinka oo ka hadlaya arinkaas waxaa uu yiri ” dadka Soomaaliyeed sede arin ayey caan ku yihiin ee degan halkaas:

1.Dad shaqo badan
2.Dad aamin ah
3.Dad dhexgala dadka kale.

Macalinka oo ka hadlayay luqadda Soomaaliga ayaa waxaa uu sheegay inaysan laqudan ahayn mid afar reer guuraa ah laga keenay isaga oo ka hadlayana waxaa uu yiri” 3000 CD inay jirtay luqadan oo aysabn ahayn mid afar reer guuraa ah la keenay”macalinka ayaa waxaa uu intaas ku daray” iskaba daa inay wadan kaas ku koobnaateee xitaa layiraahdo luqadaha aduunka waxaaba ay kasoo jeedaan bariga afrika” macalinka ayaa inataas waxaa uu raaciyey “Xitaa waxaa lagu fiiriyey DNA lana soo ogaaday inay luqadaha badankooda kasoo jeedaan halkaas”.

Macalinka ayaa waxaa intaas ka dib la weydiiyey suáalo, waxaa uu hlkaasna uga jawaaabay dhamaan wixii laweydiiye iyadoo dadkii kasoo qayb galayna ay si wanaagsan uga heleen waloow uusan ahayn nin looga bogan karo suugaantiisa iyo macalinimaddiis saacaddo iyo maalmooyinba.

Haddaba aqristayaalow waxaan idiin sii raacinayaa xoogaa taariikh oo macalinka

salaxe8

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Hadii mahadhadiisa la soo hadal qaado, abwaan Siciid Saalax wuxuu curiyey in ka badan 32 riwaayadood iyo tobaneeyo heesood. Midda ugu magac dheer riwaayadihiisa waa middii uu alifay inta uu curiyihiisu carjawga ahaa: “Iftiinka Aqoonta” oo uu 1974-tii, markii Ololaha Horumarinta Reer Miyiga loo tafa-xaytay allifay. Heesta caanka ah ee “Alif la kor dhabay, alif la hoos dhabay, alif laa goday” ayaa si weyn loogu xusuustaa riwaayaddaas.

Abwaan Siciid Saalax oo aan wali dhulka dhigin qalinkii uu Camuud iyo Lafoole khadda ka soo darsaday ayaa imminka bare ka ah jaamacad ku taala Minneapolis oo uu ka dhigo luqadda Soomaaliga . Isagoo taas ka amba qaadaya ayuu wakhtiga u soo hara allifaa riwaayado ama sheekooyin gaaban oo la xiriira dhaqanka irdhoobay ee Soomaalida. Waxaa kamid ah: “Fariimaha Koorta”, “Kalamaan” iyo “Nabad & Caano” Dhab ahaantii.

Gacantii buugga iyo qalinka dhigi weysaaba mar beey billad ku bullaashaa. , Abwaan Saciid Saalax Axmed ayaa ku guuleystay billada qadarinta leh ee Adeegga Bulshada oo ay abaal mariso hay’adda Mcnight Foundation ee saldhigeedu yahay gobolkan Minnesota.

Abwaan Siciid Saalax wuxuu ku dhashay gobolka Sanaag ee Somaliya, halkaas uu illaa dugsi dhexe ku qaatay, ka hor intaanuu cagtiisa la helin dugsiga sare ee Camuud ee Boorame. Malaha halkaas oo uu ka soo shitay shumacii iftiimayey ee waxbarashada tayada leh ee Camuud. Jaamacadda Lafoole ayuu kadib-na galay.

Abwaan Siciid waa Soomaaligii labaad ee ku guuleysta billada noocan ah.

Sifooyinkiisa, Siciid Saalax, wey dhaafsiisan yihiin Macalin oo kaliya; Waa Abwaan, gabyaa, mu’allif ama curiye, soo saare, nabadoon iyo midda ugu muhiimsan: U adeegaha bulshada. Taas oo uu ugu dambeyntii ku mutay billadda Virgina McKnight Binger Award oo ay ku lifaaqan tahay kuus gaaraya $7500.00

 Xaaskiisa iyo 15 ubadkiisa ah, oo isugu jira kuwa uu dhalay iyo kuwa ay sii dhaleen ayaa ku caafimaad qaba gobolkan Minnesota,USA iyo Helsinki Finland

Dadka si xeel dheer u yaqaan Abwaan Siciid Saalax Axmed waxeey isku raaceen inuusan marnaba isla weyneyn, uuna ka saaxiib yeelan karo carruur iyo ciroole, hadba sidii ciyaartu u qabato.

Abdiaziz Godah
agodah@hotmail.com

Daabaco
U dir saaxiibkaa


  NEWS IN ENGLISH

 

  ARABIC

The need for Re-organization and Reform in Puntland-Ismail Geldoon
PRESS RELEASE 018/2010 -UN Under-Secretary-General visits President Sheikh Sharif in Mogadishu
ARTICLE-Galgala: Farole’s Waterloo, BY
Joint Statement Condemning Al-Shabab’s attacks against the people of Mogadishu
Somalia's once stable Puntland hit by insurgency - The Associated Press
Sanag And Haylan Elders Committee Spokes Person sends a message to the international Community.
Somali MPs killed in hotel suicide attack
Somalia at 50: From heaven to hell
The Galgala Conflict and its Long-term security Implication on the Region
 
زيارة وفد من مظلة التعليم الأهلى وجمعية التضامن الى السودان
الشباب تتبنى هجومي كامبالا وأوغندا مصرة على البقاء بالصومال

مؤتمر في اسطنبول لإرساء الإستقرار في الصومال

القوات الأثيوبية تعبر الحدود وتشتبك مع صوماليين

الحكومة الصومالية: اثنا عشر عنصرا بالقاعدة عبروا للصومال من اليمن

تقرير للامم المتحدة يصف القوات الحكومية الصومالية بالفاسدة وغير الفعالة

تحويل النقود عبر المحمول في الصومال يوفر الاموال وينقذ الارواح

المتمردون يحذرون الحكومة الصومالية الانتقالية من شن هجوم على مواقعهم في مقديشو

     

BARNAAMIJYO KHAAS AH

COMMUNITY LISTINGS

  SPORTS

 

  ISLAM

Dalka Masar oo qaaday Koobkii Africa
Manchester United performance caps their best 10 days since 1999
Spurs in form for United clash
Sanaag oo ku Dur-Durisay Gobolka Sool......Koobka Puntland Premeir Leage ee Dalka India ka socda
Kabtankii Kooxda ESpanyol ee Dalka Spain ayaa la sheegay inuu wadnuhu istaagay
 

أفضل وثيقة تأمين على وجه الأرض

Islaamka iyo reer Galbeedka Aragti Taariikheed / Shiikh Almis Yaxye

علامــــــــــــــات حســـــــــــــــن الخاتمـــــــــــــة

أحكام الأضحية

فضل الصلاة على المصطفى صلى الله عليه وسلم

     
     

  WARAYSIYO

 

  TACSI

 
Faduma Jibrell oo ka waramaysa meesha ay mnareyso Dekeda Laasqoray..5.9.07

Caasha Axmed Cabdalla oo taageertey Maakhir.. SBS 5.9.07

Mudane Moon oo ka waramaya Xaalada Waxbarasho ee Sanaag .. 4.9.07

War saxaafadeed, Gudoomiyaha Sanaag ee Maakhir. ... 3.9.07

Caaqil Warsame Adan Geesood ... 2.9.07

Wareysi: Xasan Badeed oo ka waramay Dekeda Laasqoray. 29.8.07

Wareysi:-Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Maakhir State. 26.8.07

Khudbad cusub oo jeediyey Col Jibriil,25.8.07

Khudbad Taariikhi ah. Col Jibriil Cali Salaad 18.07.2007

Xasan Somali, Gud. Jaaliyada Warsangeli ee UK 17.07.2007

Caawa iyo Sanaag 16.07.2007

Faduma Jibril_HR. 09.07.2007

Maakhir iyo 1da Luulyo. 01.07.2007

Dhegeyso wareysigii SALAAD FAATAX-SBC ee ku aadanaa Dhagaxa

Ciyoon iyo Sanaag

12.05.07

Caaqil Cabdulahi Cabdi Ibraahim 04.05.07

Wareysi:-Mustafe Godane iyo Ceerigaabo 22.04.07

Warbixin ku saabsan Maxamed Cali Ciise 20.04.07

Xaalada Sanaag iyo maanta 19.04.07

BAAQ DANWADAAG. 13.04.07

BAAQ BADHAN. 13.04.07

Dhahar iyo SL-PL 09.04.07

Xaalada Dagaal oo ka taagan Sanaag 08.04.07

Wasiiro ka hadlay Sanaag 31.03.07

Dowlad Goboleedka Danwadaag

Wareysi cusub oo ka waramaya Sanaag 22.01.07

Wareysi BBC Somali La yeelatey Amd Yusuf Xaji Sacid iyo Shirkii Buraan 26.08.06

Wareysi ku saabsan go'aanadii Shirka Buraan 26.08.06

Radio SSCayn:- Shirka London ee Beelaha Sool iyo Sanaag wada dega iyo Dekeda Laasqoray 19.07.06

Ceerigaabo:- Warsaxaafadeed Gudi booqanaya Ceerigaabo 12.07.06

Warbixin ku saabsan dhisida Dekeda Laasqoray iyo Shirkii Horn Relief ee London 28.06.06

BBC:- Xaalufinta iyo Macdanta Sanaag oo go'aano laga soo saarey. 27.06.06


Shirkii Badhan oo guul ku dhamaaday 03-06-06

Wareysiyadii ugu danbeeyey ee shirka Badhan 29-05-06

Wareysi:- M C Dabshid iyo Xasan Faarax 28-05-06

Warbixin iyo wareysiyo Cusub oo ku saabsan shirka Magaalada Badhan ee G Sanaag 27.05.06

Wareysi Cusub oo RL ay la yeelatay Maxamud Ciyoon 18-05-06

Warbixin ku saabsan shirka ka socda Badhan

Qurba Jooga Beesha iyo waxay ka qabaan Majiyahan 17.04.05



Wareysiyo Kale Halakan riix
 
Tacsi kasocota Jaaliyadda iyo Ardayda Reer Maakhir ee Waxkabarata Jaamacadaha Waddanka India ee Qaaradda Asia
Tacsi ku socoto General Ilka jiir, wasiirka arimahada gudaha Puntland
Tacsi ku socota Reer siciid Mohamed abdi majabir oo dhowaan ku geeryoodey Bosaaso
Geeri Naxdinleh Marxuun Cabdi Maxamuud Maxamed [Cabdi Nugaal]
TACSI TIIRAANYO LEH -MARYAN SALAX (DHOODI) oo Geeriyootey 10 December 2009 Wadanka KENYA
 

  HEALTH

 

  TECHNOLOGY

Warning for healthy aspirin users
Steaming hot tea linked to cancer
GUDNIINKA WAA MAXAY GUDNIIN? [Q 2aad, Gudniinka Dumarka]
GUDNIINKA WAA MAXAY GUDNIIN? [Q 1aad]
Dummy use link to ear infections-bbc
 
Debut for world's fastest camera
Prius 'to be part solar-powered'
Internet key to Obama victories-bbc
Casharo Kooban oo ku saabsan Computerka
Google warms to ad deal with Yahoo -FT