| Home

WERSHEDA KALUUNKA EE LAASQORAY AYAA SOO BANDHIGTEY WAX SOORKEEDA CAALAMIGA AH[WARBIXIN IYO SAWIRO]


Weshedda Kalluunka ee Laasqoray ayaa maanta soo bandhigtay qaybaha kala duwan ee Kalluunka ay Wersheddu farsamayso kadib munaasbad balaaran oo maanta lagu qabtay Guriga Rugta ganacsiga Puntland ee Magaalada Bossaso.
 
Soo bandhigista qaybaha kala duwan ee kalluunka ay farsamayso wershedda kalluunka ee Laasqoray ayaa waxaa kasoo qayab galay masuuliyiin ay kamid yihiin Gudoonka Gobolka Bari, Maamulka sare ee Wershedda Kalluunka ee Laasqoray, Gudoomiyaha rugta ganacsiga ee Dawladda Puntland, iyo dadweyne aad u tira badan oo lagu marti qaaday soo bandhigista kalluunka ay soo saarto Wershedda kalluunka ee Laasqoray.

Gudoomiyaha Rugta ganacsiga ee Dawladda Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim oo kamid ahaa masuuliyiintii madasha hadala ka jeediyey ayaa waxaa uu sheegay in ay tahay wax lagu farxo in ay maanta Wershedda kalluunka ee Laasqoray ay soo bandhigto noocyo cusub oo ah kalluun ay soo saarto wesheddu, waxaana uu intaasi raaciyey in ay ku dhiirigelinaayaan ganacsatada Soomaaliyeed in ay sida ganacsatada gacanta ku haysa Wershedda Laasqoray ula soo baxaan khayraad Waddanka oo uu kamid yahay Kalluunka.

Madaxa Golaha BOD-ka ama Baarlamaanka ee Wershedda Kalluunka ee Laasqoray Cali Maxamuud Xasan "Cali Ceelaayo" ayaa waxaa uu ka sheegay munaasabadda lagu soo bandhigay Kalluunka ay soo saarto Wersheda Laasqoray in ay juhdi badan geliyeen sidii loo heli lahaa Kalluun lagu farsameeyo gudaha dalka kaasi oo leh tayo sare in badana ka wanaagsan kan laga keeno banaanka.

Cali Ceelaayo ayaa waxaa uu ugu baaqay dhamaan bulsdada Soomaaliyeed in ay ka faa'iidaystaan Kalluunka ay soo saarto Wershedda Kalluunka ee Laasqoray kaasi oo ku tilmaamay in uu yahay mid wax badan kabedeli doona nolosha dadka Soomaaliyeed ayna kaheli doonaan faa'iidooyin dheeraad ah "Waxaana u sheegaynaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed in Kalluunka ay soo saarto Wershedda Laasqoray uu yahay mid wax badan kaga duwan kan laga keeno dibadda Waddanka marka waxaan leenahay cuna oo ka faa'iidaysta Kalluunka Waddaniga ah ee laga soo saaro Waddankkina hooyo.

Gudoomiyaha Gobolka Bari C/xaafid Cali Yuusuf oo kamid ahaa masuulintii madasha ka jeediyey hadalada ayaa waxaa uu u hambalyeeyay ganacsatada gacanta ku haysa Wershedda Laasqorary waxaana uu Gudoomiyahu ku booriyey ganacsatada kale ee Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan wax soo saarta Waddanka sidii ay u horumarin lahaayeen ugana door bidi lahaayeen kuwa laga keeno Waddanka dibadiisa.

Dr Cabdiraxmaan oo kamid ah takhaatiirta baarta caafimaadka iyo wax tarka Kalluunka lagu farsameeyo Wershedda kalluunka ee Laasqoray ayaa waxaa uu sheegay in kalluunka ay soo saarto Wershedda Laasqoray uu in badan ka caafimaad wanaagsan yahay kan laga keeno dibadda, Takhtarka ayaa waxaa uu intaasi raaciyey in Wershedda Laasqoray lagu farsameeyo Kalluun aad u tayo wanaagsan ayna ku jiraan faa'iidooyin badan.

Kadib xafladda lagu soo bandhigay noocyada kala duwan ee Kalluunka ay soo saarto Wershedda Laasqoray iyo tayada Kalluunka ayaa waxaa shir saxaafaddedd uu wershedda uga warbixinaayo ku qabtay isla goobta lagu soo bandhigay Maareeyaha guud ee Wershedda Laasqoray C/raxmaan Maxamed C/laahi, Maareeyaha ayaa waxaa uu sheegay in bandhiga ay maanta sameeyeen ay uga gon lahayeen sidii ay bulshada Soomaaliyeed ay ugu wacyigalin lahaayeen tayada iyo faa'iidooyinka Kalluunka lagu farsameeyo Wershedda Laasqoray.

Maareeyaha guud ee Wershedda kalluunka ee Laasqoray ayaa waxaa uu intaasi ku daray in Wershedda ay qaaday talaabin hormar leh oo la taaban karo kuwaasi oo ay kamid yihiin in Kalluunka lagu farsameeyo Wershedda loo iibgeeyo inta badan Waddamada caalamka sida Waddanka Ustrelia iyo Waddomo kale oo ku kala yaala Qaaradaha Africa, Asia iyo dhamaan Gobolada Soomaaliya.

"Wax soo saarka wershedda Laasqoray waxaan ku tilmaami karnaa mid ay maanta ku faani karaan umadda Soomaaliyeed waayo waxaa layaab ah in Waddanka muddo bur bursanaa oo aan Dawlad lahayn in Kalluun laga soo saaro oo laguna farsameeyo loo iibiyo suuqyada caalamka oo weliba lagu tilmaamo mid aad u tayo wanaagsan bilad sharaf iyo shahaadona lagu siiyey ganacsatadii naga iibsatay ee u iibgeeyey Waddamadaasi oo uu ugu dambeeyey Waddanka Ustarelia", ayuu yiri Maareeyaha Wershedda Kalluunka ee Laasqoray.

Ugu dambaytniina Maareeyaha Wershedda Kalluunka ee Laasqoray C/raxmaan Maxamed C/laahi ayaa waxaa uu ugu baaqay dhamaan umadda Soomaaliyeed in ay ka faa'iidaystaan Kalluunka lagu sameeyo Waddankooda hooyo waxaana uu sheegay in halkudhigga Wershedda Laasqoray uu yahay Kalluunka dalkaaga haka dooran kan laga keeno dibadda.

Wershedda Kalluunka ee Laasqoray ayaa waxa au ku taalaa Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag waana Wershedda keliya ee soo saarta Kalluunka taasi oo ka shaqaysa gudaha Soomaaliya wax soo saarkeedana loo iibgeeyo guud ahaanba Gobolada Soomaaliya iyo Waddamo badan oo Adduunka kuyaala.

Hoos Ka AKHRISO halkudhigga iyo hadafyada Wershedda Kalluunka ee Laasqoray.

WARSHADDA KALUUNKA LAASQORAY-LAASQORAY TUNA FACTORY

Maxaa laga faa,iidayaa iibsashada kaluunka dalkaaga?

Waxaad iibsatay kaluun tayo,damcad & dhadhan sare lagu hubo lana tartami kara kaluunada ugu sareeya caalamka.

Waxaad ka qayb qaadatay horumarinta dalkaaga & Dadkaaga dhinacyada

  •  Dhaqaale kobcin (shaqo u abuurida muwaadiin tiro badan oo soomaali ah )
  • Xasiloonida & Degenaanta dalka (shaqo la,aantu waa horseedka qaska & rabshadaha)
  • Aqoonta & waxbarashada ( dhaqaale & Nabadgelyo ayaa abuura jawi waxbarsho)
  • Horumarka & Halabuurka ( Nabad,dhaqaale & aqoon waa furaha horumarka
  • Dib u soo nooleynta Sumcada & magaca Soomaliyeed ee aasmay ( waxsoosaarka laasqorey waa fariin ka turjumaysa sida loo soo celinkaro rajada umada soomaaliyeed ) 

"Adigoo London,dubai,nayroobi,johanisbeeg,daarasalaam ama Kuala lumpur jooga hadii aad dukaan ka hesho kaluunka laasqorey sidee dareenkaagu noqdaa ? Hareerahaaga ma eegtaa oo dadka kugu xeeran ma tustaa adigoo kor u leh KALUUNKAN WAXAA LAGU SAMEEYEY DALKAYGA HOOYO !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!"

 

WARSHADDA KALUUNKA LAASQORAY-LAASQORAY TUNA FACTORY

Noqo Labadan nin midkood , hana noqon mid kale si aan wadajir ugu xaqiijino ujeedooyinka aan higsanayno.
 
Wadani: Walaal kaluunka dalka imisaad siisaa kartoonkii?
Iibiye: mudane tuunada waaweyn waa $42 , ta yaryarna waa $23.5, sardinka waa $25,mackarelku waa $30 sidoo kale sardinka bacaysan waa $20. imisa kartoon baan ku siiyaa walaal


Wadani: waa cajiib oo waxaas oo dhan miyaad haysaa, walaal kaluunka dibada laga keenay isagu waa imisa ?

Iibiye: walaal waan ka xumahay, waan iska daayey iminka in aan ka ganacsado noocaa waxaan doortay kan aan hubo cida samaysay 100% ee markaan iibiyo lacagtiisa soomali ila mid ah loo qaybinayo mid soo qabtay,mid doonta leh, mid dilaalay, mid ka shaqeeyey ,mid,mid.................. hayaay lama soo koobi karo dadka lacagtu kunoqonayaso, Walaal sidaas ayaan ku doortay kan dalka.

Wadani: walaal qiimaha ma kala badan yihiin kuwa isku nooca ah ee dalka iyo dibada?
Iibiye: ah, ah waa su,aal fiican laakiin mudane hadii $2 ama $3 u dhaxayso miyaanay xusideeduba liidan in la sheego, ilayn wadaniyad laguma iibin karo lacag. Hadaanse ku tuso $2/48 daasad waa $0.0416 una dhiganta 1300 sh waa xabad nacnac ah ,walaal wax u dhexeeyaa xataa kabaha laguma baalasho lacagta u dhaxaysa.

Wadani: noocyada aan tunada ahayn iyaga hore looma arki jirin ee iyaga ka waran?
Iibiye: haa waa noocyada cusub ee sanadahan lagu soo daray waxaana laga helaa waxyaabo badan aan la soo koobi karin waana ka jaban yihiin tuunada, waxaanse ka xumahay dadbaa macaamiisha isku si uga gada kaluumada kala duwan ee warshadu soo saarto.

Wadani: Walaal waad mahadsan tahay aad ayaan ugu qancay sida fiican ee aad ii qancisay waxaanan balan qaadayaa in aanan maanta ka dib kaluun kale iibsan. Waxaa hore la iigu sheegay hooyo soomaaliyeed oo duqeedii ku diiday kaluun aan ahayn kan dalka oo adeeg loogu keenay, iyana waxaa si dhab ah u dhacday aabe soomaaliyeed oo isna ka kacay oon lagu sameeyey kaluunka dibada ka yimaada qiiro & wadaniyad ku jirtay darteed. Ma kuwaas baan ka liitaa.

N:B kaluumada oo dhan isku wax ayaa laga helaa waana wada xalaal meel kasta halagu sameeyee

Jaamac Joofane
Joofane11@hotmail.com
Bossaso Puntland Somalia
Laasqoray.net

Daabaco
U dir saaxiibkaa


  NEWS IN ENGLISH

 

  ARABIC

SOMALI GOVERNMENT READY FOR EID SPECTACULAR.
PRESIDENT WELCOMES IMMEDIATE RETURN VISIT BY UN SPECIAL REPRESENTATIVE
The need for Re-organization and Reform in Puntland-Ismail Geldoon
PRESS RELEASE 018/2010 -UN Under-Secretary-General visits President Sheikh Sharif in Mogadishu
ARTICLE-Galgala: Farole’s Waterloo, BY
Joint Statement Condemning Al-Shabab’s attacks against the people of Mogadishu
Somalia's once stable Puntland hit by insurgency - The Associated Press
Sanag And Haylan Elders Committee Spokes Person sends a message to the international Community.
Somali MPs killed in hotel suicide attack
 
زيارة وفد من مظلة التعليم الأهلى وجمعية التضامن الى السودان
الشباب تتبنى هجومي كامبالا وأوغندا مصرة على البقاء بالصومال

مؤتمر في اسطنبول لإرساء الإستقرار في الصومال

القوات الأثيوبية تعبر الحدود وتشتبك مع صوماليين

الحكومة الصومالية: اثنا عشر عنصرا بالقاعدة عبروا للصومال من اليمن

تقرير للامم المتحدة يصف القوات الحكومية الصومالية بالفاسدة وغير الفعالة

تحويل النقود عبر المحمول في الصومال يوفر الاموال وينقذ الارواح

المتمردون يحذرون الحكومة الصومالية الانتقالية من شن هجوم على مواقعهم في مقديشو

     

BARNAAMIJYO KHAAS AH

COMMUNITY LISTINGS

  SPORTS

 

  ISLAM

Dalka Masar oo qaaday Koobkii Africa
Manchester United performance caps their best 10 days since 1999
Spurs in form for United clash
Sanaag oo ku Dur-Durisay Gobolka Sool......Koobka Puntland Premeir Leage ee Dalka India ka socda
Kabtankii Kooxda ESpanyol ee Dalka Spain ayaa la sheegay inuu wadnuhu istaagay
 

أفضل وثيقة تأمين على وجه الأرض

Islaamka iyo reer Galbeedka Aragti Taariikheed / Shiikh Almis Yaxye

علامــــــــــــــات حســـــــــــــــن الخاتمـــــــــــــة

أحكام الأضحية

فضل الصلاة على المصطفى صلى الله عليه وسلم

     
     

  WARAYSIYO

 

  TACSI

 
Faduma Jibrell oo ka waramaysa meesha ay mnareyso Dekeda Laasqoray..5.9.07

Caasha Axmed Cabdalla oo taageertey Maakhir.. SBS 5.9.07

Mudane Moon oo ka waramaya Xaalada Waxbarasho ee Sanaag .. 4.9.07

War saxaafadeed, Gudoomiyaha Sanaag ee Maakhir. ... 3.9.07

Caaqil Warsame Adan Geesood ... 2.9.07

Wareysi: Xasan Badeed oo ka waramay Dekeda Laasqoray. 29.8.07

Wareysi:-Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Maakhir State. 26.8.07

Khudbad cusub oo jeediyey Col Jibriil,25.8.07

Khudbad Taariikhi ah. Col Jibriil Cali Salaad 18.07.2007

Xasan Somali, Gud. Jaaliyada Warsangeli ee UK 17.07.2007

Caawa iyo Sanaag 16.07.2007

Faduma Jibril_HR. 09.07.2007

Maakhir iyo 1da Luulyo. 01.07.2007

Dhegeyso wareysigii SALAAD FAATAX-SBC ee ku aadanaa Dhagaxa

Ciyoon iyo Sanaag

12.05.07

Caaqil Cabdulahi Cabdi Ibraahim 04.05.07

Wareysi:-Mustafe Godane iyo Ceerigaabo 22.04.07

Warbixin ku saabsan Maxamed Cali Ciise 20.04.07

Xaalada Sanaag iyo maanta 19.04.07

BAAQ DANWADAAG. 13.04.07

BAAQ BADHAN. 13.04.07

Dhahar iyo SL-PL 09.04.07

Xaalada Dagaal oo ka taagan Sanaag 08.04.07

Wasiiro ka hadlay Sanaag 31.03.07

Dowlad Goboleedka Danwadaag

Wareysi cusub oo ka waramaya Sanaag 22.01.07

Wareysi BBC Somali La yeelatey Amd Yusuf Xaji Sacid iyo Shirkii Buraan 26.08.06

Wareysi ku saabsan go'aanadii Shirka Buraan 26.08.06

Radio SSCayn:- Shirka London ee Beelaha Sool iyo Sanaag wada dega iyo Dekeda Laasqoray 19.07.06

Ceerigaabo:- Warsaxaafadeed Gudi booqanaya Ceerigaabo 12.07.06

Warbixin ku saabsan dhisida Dekeda Laasqoray iyo Shirkii Horn Relief ee London 28.06.06

BBC:- Xaalufinta iyo Macdanta Sanaag oo go'aano laga soo saarey. 27.06.06


Shirkii Badhan oo guul ku dhamaaday 03-06-06

Wareysiyadii ugu danbeeyey ee shirka Badhan 29-05-06

Wareysi:- M C Dabshid iyo Xasan Faarax 28-05-06

Warbixin iyo wareysiyo Cusub oo ku saabsan shirka Magaalada Badhan ee G Sanaag 27.05.06

Wareysi Cusub oo RL ay la yeelatay Maxamud Ciyoon 18-05-06

Warbixin ku saabsan shirka ka socda Badhan

Qurba Jooga Beesha iyo waxay ka qabaan Majiyahan 17.04.05



Wareysiyo Kale Halakan riix
 
Tacsi kasocota Jaaliyadda iyo Ardayda Reer Maakhir ee Waxkabarata Jaamacadaha Waddanka India ee Qaaradda Asia
Tacsi ku socoto General Ilka jiir, wasiirka arimahada gudaha Puntland
Tacsi ku socota Reer siciid Mohamed abdi majabir oo dhowaan ku geeryoodey Bosaaso
Geeri Naxdinleh Marxuun Cabdi Maxamuud Maxamed [Cabdi Nugaal]
TACSI TIIRAANYO LEH -MARYAN SALAX (DHOODI) oo Geeriyootey 10 December 2009 Wadanka KENYA
 

  HEALTH

 

  TECHNOLOGY

Warning for healthy aspirin users
Steaming hot tea linked to cancer
GUDNIINKA WAA MAXAY GUDNIIN? [Q 2aad, Gudniinka Dumarka]
GUDNIINKA WAA MAXAY GUDNIIN? [Q 1aad]
Dummy use link to ear infections-bbc
 
Debut for world's fastest camera
Prius 'to be part solar-powered'
Internet key to Obama victories-bbc
Casharo Kooban oo ku saabsan Computerka
Google warms to ad deal with Yahoo -FT