JABUUTI OO CAGTA SAARTAY JIDKII KELITALISNIMADA
|
Qalaalasaha iyo dagaallada sokeeye ee ka oogma Qaaradda Afrika waxaa sabab u ah madaxweyne inta la doorto ama ku yimaada afgembi milatari markeliya isku bedela kelitaliye macangag ah oo sheegta xukun ummad ka dhaxeeya dembiyana ku gala awoodda si aan ka fiirsasho lahayna ay u taageerto beesha uu ka soo jeedo oo eed u badheedha. Marka xaalad kelitalisnimo ku habsato dal, ummaddu muddo ayay samirtaa kuna dadaashaa inay furdaamiso xaaladda si looga hortago dhibaato guud oo dhacda. Haddii xukunka dulmiga ku dhisan uu diido furdaaminta iskana indhatiro u hoggaansanka dastuurka iyo maslaxadda guud ee ummadda, waxaa markaas qaraxda cadhada biirta ee dadweynaha waxaanay iska-badbaadisaa dulmiga. Sidaas ayuu ku dhashaa dagaalka sokeeye ee ka dhaca dal. Dastuurka oo lagu dhaqmaa waa danta iyo maslaxadda ummad waayo waxa uu horseedaa cadaalad, cadaaladuna waxay keentaa nabad iyo horumar halka cadaalad-xumada iyo dulmiga laga dhaxlo iska-horimaad, dagaal sokeeye, iyo burbur guud. Madaxda dalalka Afrika iyaga oo kelitalisnimadoodu iyo cadaalad-xumadoodu ka mas`uul tahay dib-u-dhaca iyo dagaalada Sokeeye ee lagu hoobto ayay haddana dhibaatooyinkaas ku eedeeyaan waxay ugu yeedhaan isticmaar iyo dalal shisheeye.
Baarlamaanka dalka Jabuutii waxa uu Bishan April 2010 furay ama bedalay dastuurkii dalka si madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle loogu doorto madaxweyne markasta cid kalena la tartamikarin mustaqbalka (Life President). Arrintan uu Baarlamaanka Jabuuti ku tallaabsaday waxay laashay doorasho xor ah oo dimoqraadi ah oo ka dhacda dalka Jabuuti waxayna dalka u sharciyaysay kelitalisnimo fool xun oo u horseedda dagaallo sokeeye iyo burbur la mid ah ta ka taagan Somalia. Xukun jacaylka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo danaystinimada Baarlamaanka Jabuuti waxaa hore ugu kacay madaxweynayaal iyo baarlamaano dalal badan oo Afrikaan ah kuwaas oo kelitalisnimadii ay horseedeen dalalkaas dul keentay daruur madaw oo uu ka da`o dhiig badan sida ka dhacday dalalka kala ah: Somalia, Uganda, Ethiopia, Rwanda, Liberia, Chad, Sierra Leone, Congo iwm. Madaxweynaha Jabuuti , Ismaaciil Cumar Geelle, oo ay hay`adaha xuquuqal insaanku (Amnesty International and African Watch) awelba ku eedeeyeen ku xad-gudubka joogtada ah ee xuquuqda muwaadiniinta Reer Jabuuti ayaa maanta u xuubsiibtay kelitaliye loona siiyay awood weyn inuu dembiyo culus ku galo xukun jacayl.
Dalka Jabuuti oo xoroobay July 27, 1977 waxa uu muddo 33 sano ah gacanta ugu jiraa Jilibka Mamaasan (Mamassen in French) ee ay ka dhasheen Xasan Guuleed Abtidoon oo muddo 22 sano ah (1977-1999) madaxweyne ka ahaa dalka Jabuuti iyo Ismaaciil Cumar Gheelle oo madaxweyne ka ah dalka Jabuuti laga soo bilaabo 1999. Dalka Jabuuti oo ah dal yar oo faqiir ah kuna noolyihiin qawmiyado kala duwan (Somali, Carab, iyo Canfar) waxaa dhaqaalaha yar ee dalka soo iyo awoodda siyaasaduba gacanta ugu jiraan Jilibka Mamaasada iyada oo la ogyahay in ummaddu dhiig u wada daadisay xorayntiisa. Madaxweynihii hore ee dalka Jabuuti, Xasan Guuleed Abtidoon, ayaa xukunka u diyaariyay Ismaciil Cumar Geelle oo uu adeer u yahay si aan xukunka Jabuuti uga bixin gacanta jilibkooda.
Laga soo bilaabo 1979 waxay Jabuuti isku bedashay dal uu ka tasho hal xisbi oo lagu magacaabo RPP (The People's Rally for Progress) (Rassemblement populaire pour le Progrès). Xisbigan xukun maroorsiga ku dhisan ee RPP waxaa aasaasay Xasan Guuleed Abtdoon si aan xukunka Jabuuti gacanta uga bixin Jilibkiisa. Baarlamaanka Jabuuti waxaa uu Ismaciil Cumar Geelle dhawaan u ansaxiyay inuu Xisbiga RPP u bedelo Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Somaliyeed (XHKS) ee Siyaad Barre si aan cid kale ugula tartamin jagada madaxweynanimada dalka Jabuuti. XHKS waa xisbigii Somalia u horseeday qaran-jabka iyo burburka ay ku jirto maanta. Somalia waxay gashay mustaqbal madaw markii la aasaasay XHKS sannadkii 1976 oo sidii Siyaad Barre ugu talogalay markiba u xuubsiibtay xisbi kelitalisnimo oo lagu dhiso qabiil. Sidaas waxaa Siyaad Barre ku dilay rajadii ummaddu ka qabtay in doorasho dimoqaraadi ahi ku soo laabato Jamhuuriyadii la odhanjiray Somalia sida uu caalamka u sheegijiray Siyaad Barre mar kasta. Cadaallad-xumadii iyo kelitalisnimadii XHKS horseeday waxay dhalisay dagaalladii sokeeye ee ka qarxay dalkii la odhanjiray Jamhuuriyadda Somalia taas oo ugu dambayntii keentay inay kala noqdaan Somaliland iyo Somalia sannadkii 1991 welina uu dabku ka holcayo Somalia.
Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday, Daahir Riyaale Kaahin, ayaa isna Xisbiga Udub ee talada dalka haya u bedalay Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Somaliyeed (XHKS) markii Huteelka Mansoor lagu qabtay Shirweynihii Labaad ee Xisbiga Udub bishii February 2009 kadib markii uu gashaanka ku dhuftay in cid kale isku soo sharraxdo madaxweyne. Siyaasiyiintii iyo taageerayaashii Xisbiga Udub ayaa diiday oo fashiliyay kelitalisnimadaas Daahir Riyaale kadib markii ay ka baxeen xisbigaas kuna biireen Axsaabta Mucaaradka ah ee Kulmiye iyo Ucid. Ummadda Somaliland oo dhadhamisay naxariisdarrada kelitalisnimada xilligii Siyaad Barre marnaba ma aqbalayso kelitalisnimo dambe oo dalka iyo dadka burbur u keenta.
Kelitalisnimadu waa xukun maroorsi dulmi ku dhisan oo laga dhaxlo dagaallo sokeeye iyo burbur marka danta shakhsiga ah ama danta kooxeed iyo danta guud iska horyimaadaan. Kelitalisnimadu waxay muddo kooban kaga farxisaa kooxda yar ee ku adeegata waxayna kaga cadhaysiisaa ummadda oo aakhirataanka burburisa. Waxaa hubaal in dalka Faransiiska oo dusha ka ilaasha dalka Jabuuti aanu raalli ka ahayn dastuur furidda dalka Jabuuti oo buruburiyay rajadii laga qabay in nidaamka dimoqaraadiga ahi ka hirgalo dalkaas waxaanu walaac ka qabaa halista kelitalisnimada xukunka Ismaaciil Cumar Geelle u keenidoonto Jabuuti. Baarlamaanka dalka Jabuuti waxa uu noqday Golihii Dhexe ee XHKS oo u heesijiray una sacbinjiray kelitalisnimo ay intoodii badnayd eedeen. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ah cadowga kowaad ee qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu maantana noqday cadowga kowaad ee ummadda dalka Jabuuti maadaama kelitalisnimada uu ku dhaqmayo burbur laga dhaxlidoono.
Siyaasiyiinta, indheergaratada, ganacsatada, madaxda dhaqanka, iyo ummadda dalka Jabuuti waxaa lagula talinayaa in aanay marnaba aqbalin in dastuurka dalka Jabuuti loo furo ama loo bedalo danta shakhsiga ah ee kelitalisnimada ku salaysan ee Ismaaciil Cumar Geelle isla markaana ay xaqiijiyaan in doorasho xor ah oo xalaal ah ay ka dhacdo dalka oo ay madaxtooyada u tartamaan musharrixiin kale si ay uga badbaadaan cawaaqib-xumada kelitalisnimo. Beesha Ciisaha oo sharaf iyo sumcad wanaagsan ku leh Geeska Afrika waa in aanay maranaba oggolaan in kelitalisnimo ku salaysan danta shakhsiga ah ee Ismaaciil Cumar Geelle ay dhaawacdo sumcadeeda. Haddii ay lagama maarmaan noqoto waa in kelitalisnimada Ismaaciil Cumar Geelle looga hortagaa Kacdoon Dadweyne si xukunka dalka looga bedelo. Daahir Riyaale iyo kooxda yar ee maamusha Jamhuuriyadda Somaliland waxaa looga digayaa inay u hanqaltaagaan dastuur bedelidda u adeegaysa kelitalisnimada Ismaaciil Cumar Geelle (Constitutional amendment for Dictatordhip) ee ka dhacday Jabuuti. Ummadda Somaliland waa in aanay marnaba oggolaan dastuur la furo iyo keltalisnimo dambe oo halis u soo jiidda. Dalka Jabuuti waxa uu cagta saaray Jidkii Kelitalisnimada waxaana ka badbaadinkara oo qudha dadkeeda.
Ibrahim Hassan Gagale
Ibrahim_hg@yahoo.com
Taariikhda: April 22, 2010. |
|
|
Wersheda Kaluunka ee Laasqoray ayaa soo bandhigtey Wax soorkeeda Caalamiga ah[Warbixin iyo Sawiro]
[WARBIXIN] Xagee marayaa Machadka Iqra Institute for higher Education, kana qeyb qaado dhameystirkiisa
FADLAN- KA QEYB QAADO DHISIDA WADADA XIDID
Xagee marayaa Dhismaha Machadka Badhan ee Culuumta Sare [Iqra Institute for Higher Education]+SAWIRO
Damala Xagare ee Gobolka Sanaag ayaa la Amaanay Waxbarashadeeda[Daawo Sawiro]
Warshada Kaluunka ee Laasqoray ayaa Gaadhay Hormar Xawli ah[Daawo Sawiro Qurxoon]