XAASKAAGA OO AAD RAALI GELISAA WAXAY KORDHISAA CIMRIGEEDA
|
Cilmi baadhis ay sameeyeen khubaro u dhalatay dalka Maraykanka, ayaa daaha ka rogtay in erayga ‘Raali ahoow’ ee ay ragu ku yidhaahdaan xaasaskooda ay sida ay sheegeen kordhiso cimriga gabadha (Inkasta oo qofka marka ajashiisu dhammaato aanay cidi oolin karin). Cilmi baadhistan oo lagu sameeyey lamaanayaal isqaba oo da’doodu u dhexayso 29 ilaa 59 sanno, ayaa la sheegay inay ka soo baxday natiijo ka farxisay xaasaska ragoodu marka ay ku khaldamaan ama gef ka galaan ku yidhaahda raali ahoow ama waan ka xumay wixii dhacay. Waan ka xumahay waa ereyga aad u adag kaasi oo ay adag tahay inay inta badan dadku adeegsadaan, laakiin saynisyahanadu waxay caddeeyeen in uu yahay erey u fiican isla markaana uu adeegsigiisu niyadda qofka lagu yidhi wanaajinayo.
Cilmi baadhis ay sameeyeen qaar ka mid ah saynisyahanada ku takhasusay cilmi nafsiga ayaa , caddeeyey in cilmi baadhista ay ku sameeyeen lamaanayaal is qaba kuwaasi oo ay qaarkood adeegsadaan ereyga waan ka xumahay iyo kuwo kale oo aan haba yaraatee adeegsanin ay ogaadeen uu jiro kala duwanaanshiiyo xaga cimriga ah, iyadoo daraasadanin sheegtay in hadii uu ninku gabadhiisa maalintii labaatan jeer raali geliyo ay tani kor u qaadayso cimriga ooridiisa. Nasiib-darro hadii uu ninku isku dayo in uu gabadhiisa raali geliyo, waxa kordha garaaca wadnihiisa iyada oo ay soo foodsaarayso cabsi, waxanay war bixitu sheegtay in cilmi baadhis ay saynisyahano maraykan ah ku samieeyeen haween iyo rag ay da’doodu u dhaxayso 29---59 kuwaasi oo cabiraad lagu sameeyay garaaca wadnah iyo wareega dhiigooda lagu ogaaday inay dhiig karka ay u nugulyihiin lamaanaha aan inta badan isticmaalin ereyada raali gelinta ah sida waan ka xumahay amma (sorry). Ragga iyo dumarka ay daraasadu xusatay ayaa waxa la waydiiyay bal sida ay u arkaan isticmaalka ereyada raali gelinta ah iyo faa’iidada ku jirta, waxanay sheegeen inay farxad iyo niyad sami dareemaan marka uu lamaanahoodu ku yidhaado erey raali geli ah xataa hadiiba aanay jirin wax is maan dhaaf ah oo lamaanaha ka dhexeeyaa Waxanay cilmi baadhistani ugu dambaytii muujisay in cimriga gabadha ay kor u qaado hadii aad maalintiiba 20 ilaa 35 jeer ku tidhaahdo ereyada raali gelinta ah, waxanay warbixintu si gaar ah u xustay dumarka oo ay sheegtay inay aad u jecelyihiin hadii ay arki lahaayeen ragooda oo ku celcelinaya ereayada raali gelinta ah Iyadoo sheegtay inay dumarku aad u jeclaystaan inay arkaan ragooda oo markasata raali gelinaya isla markaan waxay daraasadu sheegatay inay tani ku dhiiri geliso gabadhu inay u muujiso kalgacal dheeraad ah saygeeda
|
|
|
Wersheda Kaluunka ee Laasqoray ayaa soo bandhigtey Wax soorkeeda Caalamiga ah[Warbixin iyo Sawiro]
[WARBIXIN] Xagee marayaa Machadka Iqra Institute for higher Education, kana qeyb qaado dhameystirkiisa
FADLAN- KA QEYB QAADO DHISIDA WADADA XIDID
Xagee marayaa Dhismaha Machadka Badhan ee Culuumta Sare [Iqra Institute for Higher Education]+SAWIRO
Damala Xagare ee Gobolka Sanaag ayaa la Amaanay Waxbarashadeeda[Daawo Sawiro]
Warshada Kaluunka ee Laasqoray ayaa Gaadhay Hormar Xawli ah[Daawo Sawiro Qurxoon]