ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA-GUUD OO NAXDIN KA MUUJIYAY DILKII WARIYAHII RAADIYO MUQDISHU
|
Xafiiska Qarammada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) Wixii war dheeraad ah fadlan kala xiriir: Susannah Price ama Donna Cusumano, saraakiisha qaabilsan isgaarsiintab guud, Xafiiska Qaramad Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, Nairobi Tel. +254 20 762 7132/7133 ama +254 733902020 ama 737400133 Fadlan eeg rugta Internet-ka (website): www.unpos.unmission.org WAR-SAXAAFADEED 10/2009 Nayroobi, 6da Maajo 2010 – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qarammadda Midoobay u qabilsan Arrimaha Soomaaliya, Axmedou Ould-Abdallah, ayaa sheegay in uu si aad ah ooga naxay dilkii la dilay waryihii waayo araga ahaa, Sheikh Nur Maxamed Abkey oo ay dileen rag hubaysan oo jooga Muqdishu. Waryaha oo u shaqaynayey Raadiyo Muqdisshu waxaa la dilay Talaadadii, maalintaas oo ku beegneed maalin un ka dib markii loo dabaal degay maalin tii xuriyadda saxaafadda. " Waxaan aad ooga xumahay dilkan naxariis darada leh," ayuu yiri Mudane Axmedou Ould-Abdallah. Dilkan ma aha kii ugu horeeyey ee loo gaysto ama lagu ugaarsado wariye, waana cambaaraynaynaa dhammaan dilka noocan oo kale ah. Inta badan wariyayaashu waxay la kulmaan dagaal, handadaad, iyo caga jugleen, hadana ayada oo ay sidaas tahay, waxay sii wataan howshooda. "Waxaan ku boorinayaa Dowladda in ay dadaal samayso si ay u badbaadiso dadka u shaqaynayo soo celinta nabadda Soomaaliya iyo aayaha ummadda Soomaaliyeed. Waana in maxkamad la keenaa kuwa masuulka ka ah daganaansho la’aanta ka jirta dalka. |
|
|
Wersheda Kaluunka ee Laasqoray ayaa soo bandhigtey Wax soorkeeda Caalamiga ah[Warbixin iyo Sawiro]
[WARBIXIN] Xagee marayaa Machadka Iqra Institute for higher Education, kana qeyb qaado dhameystirkiisa
FADLAN- KA QEYB QAADO DHISIDA WADADA XIDID
Xagee marayaa Dhismaha Machadka Badhan ee Culuumta Sare [Iqra Institute for Higher Education]+SAWIRO
Damala Xagare ee Gobolka Sanaag ayaa la Amaanay Waxbarashadeeda[Daawo Sawiro]
Warshada Kaluunka ee Laasqoray ayaa Gaadhay Hormar Xawli ah[Daawo Sawiro Qurxoon]