| Home

MAQAAL-PUNTLAND IYO CADAALADA


Maqaalkan aad baa uga fiirsaday waxaana muhiimadiisu tahay iney Shacabka Puntland fahmaan waxay xaqa u leeyahiin,runtiina waxaan ogaaday Shicibka Puntland ineysan ogeyn xaqooda ayna is dhiibeen waana ku mahasanyahiin dulqaadka badan ay muujiyeen iyagoo u eegaya xaalada Wadanka Koonfurtiisu ku suganayahay,waqtigii waa dheraaday Dawladuna garawshiiyo wey sameyn wayeen,Shicibkiina waxey ku socdaan iney quustaan una qaatan in aan Dawaladu waxba qaban karin ,Dawlada naftigeeda ayaa waxey ku dhiiratay inaan shicibku xisaabtan la imaan karin sidaa awgeedna ay ku taaganyahiin wadada saxa ah shicibkuna ay aad uqanacsanyahiin.
 
Sidaa darted waxaan go’aansaday shicibka intaan ogeyn xaqooda inaan u iftiimiyo bal waxii fikirkeyga ah oo iyaga ka dahsoon.
 
CADAALAD & HORUMAR
 
Labadan waa isku xiranyahiin waxaana saldhig u ah cadaalad,haddii aan cadaalad la helin horumar ma imaan karo,amni ma imaan karo,mustaqbalkuna waa mugdi.
 
Hadaba waxaa fiican waxwalba in lagu cabiro asaaskiisa si loo fiirsho ambaqaadku inuu khaldanaa iyo inuu saxsanaa,markaan dib ufiirino 1998 markii la asaasay Puntland hadafku waxuu ahaa in wax la isku darsado aan dheho Gobolo ama Qabiilo sidii lagu qanacsanyahay,mase ahayn ujeedadu in Gobol,Magaalo ama Qabiil wax loo qabto.
 
OK markaan rabnay in gobolo wax la isugu darsado waxey aheyd in Maamulka lagaarsiiyo gobolkasta,magaalo kasta iyo miyigeedaba iney shicibkaas dareeman iney hoostagaan Dawlada Puntland,hadey qabiilo wax isku darsadeena waxey aheyd in qabiil kasta si Dawladeysan cadkiisa u qaato.
 
1.Dhulbahante waxuu ahaa bud dhigihii Puntland maantana waxuu ku baryootamayaa iney Puntland ka qeybqaadato soo celinta Laascano.
 
2.Warsangeli waxaan ka ahayn niman mushahari ah maahee wax kale Puntland kuma laha talo,waxtar uu kahelona uma soo fadhiyo.
 
3.Reer bari waxey bixiyaan cashuurta ugu badan Dawlada waxeyna kasoo degaan Hargeysa oo market II kasoo racaan waxeyna ku baryootamaan iney helaan Garoon Diyaaradeed,Dhalinyaradoodiina waxey u bakhoolen tahriib &qeyb Africa u xamaal tagtay.
 
4.Karkaar(Qardho ) oo ahayd Magaalo qadiima wax lagu tilmaamo maleh aan ka aheyn iney wadada dheer marna midig marna bidix eegaan baabuurta kala socota.
 
5.Gaalkacayo( central Somalia) waxey la tacaaleysaa Aminigeeda balse iney wax qarsanayaana ayaa loo maleeyaa madaama laga soo maleegay dib udhaca Puntland Gaalkacayo (waayo manhajka ay ku shaqeyso waxaa taaba geliyey Reer Mudug)
 
6.Garoowe waxaa la dhehi karaa wey ka faaidey Dhismahii Puntland ugu yaraan hadal haynta Shirarka hay’adaha,Shirarka Dawlada,dhismayaasha Dawlada iyo Moralkaba balse hadey cadaaladi jiri lahayd wey kabadsanlahayd
 
7.Waxaa jira Magaaloyin ay udhamaatay oo xataa Mapka laga waayi rabo ahaana Magaaloyin tariikh lahaa xiligii Dawladii Kacaanka sida: Qandala,Iskushuban,lasqoray
 
Cadaaladii baan rabaa inaan sii wado hadaba side baa Dhulkan weyn ee Puntland Horumarka loo wada gaarsiin karaa,sidee Laascano lagu soo celinkaraa ayuu jeclaysan inuu ogaado akhristaha maqaalkan,taasna jawaabteeda wey fudadahay waa in Cadaalad wax loo qeybsado,Dadkoo dhana ogaadan iney yihiin Reer Puntland.
 
Marka hore Asaaska Puntland waxey aheyd in wax la isku darsaday sidii wax la isugu darsaday na loo qaybasado.

Haddii idinku adagatahay in cadaalad wax loo qeybsado bal ila fiiriya shax aad ufudud: (Just example)
 
GOBOLADA PUNTLAND
 
1. CAYN- Buhoodle Wasaarada xanaanada xoolaha (wasiir ilaa biyatooni) xarunteeda
2. SOOL- Lascaano Wasaarada caafimaadka (wasiir,wasiir kuxigeen ilaa biyatooni)xar.
3. NUGAAL- Garoowe Magaalo madax,Barlamaan, Madaxweyne ,M.kuxigeen ,Wasaarada qorsheynata iyo xiriirka caalamiga,wasaarada haweenka.
 4. MUDUG- Gaalkacayo Wasaarada Gashaandhiga, Isboortiga(wasiiro w.kuxigeeno ilaa biyatooni) xarunteeda
5. KARKAAR- Qardho Wasaarada amniga (wasiir,wasiir kuxigeen ilaa biyatooni) xarunteeda
6. BARI- Bosaso Wasaarada Dekedaha,Ganacsiga,Maaliyada (Wasiiro Wasiir kuxigeeno) xarunteeda    

7-Sanaag- Badhan, wasaarada Arimaha Gudaha iyo horumarinta Reer Miyiga, Ceerigaabo, Wasiiru Dowlah Madaxtooyada iyo Hal Wasiir ku xigeen.
8.HAYLAAN- Dhahar Wasaarada Xanaanada Xoolaha(Wasiir Wasiir kuxigeen ) xarunteeduna waa Dhahar
9.Degmada Galdogob- Wasaarada Dalxiiska, Duurjoogta iyo Degaanka (Wasiir Wasiir kuxigeen) X.
10.Degmada ISKUSHUBAN- Wasaarada beeraha(wasiir,wasiir kuxigeen)

Degmooyin kale oo muhiima ayaa jira waxaase laga sameyn karaa School dhaqan celin School lagu barto cilmiga Bada,Jeelal,Wakaalada NESHA, Macdan barista iyo Patrolka Hay’adahan waa in lagu soo kiciyaa lana geeyaa Magaaloyinka dhintey ee laga guurey.
 
Micnaha ugu weyn ee kujira in Gobolkasta la geeyo Wasaarad waa in ugu yaraan Dadka Gobolkaas loo geeyaa Calanka iyo Dawladnimada,ugu yaraan Wasaaradaas ay ka helaan Shaqo Local ah oo Gobolkaas ugaara.
 
Tusaale Wasaarada Waxbarshada markaan geyno Badhan waxey heleysaa dakhli sida waxaa shaqo helin Biyatooniyaal,Secretarial,Wardiyaal,Dareewalo,waxaa shaqo helaya Maqaaxiyo ,waxaa la seexan Hotels,waxaa lagu qaban Siminarska ku saabasn Waxbarshada sida kan Macalimiinta waxaa degaya hay’adaha ku shaqo leh Waxbarshada Sida UNESCO, AFRICAN 7,NGO yada ka shaqeeya Waxbarashada,waxaa qasab ah inuu yimaado Madaxweyne ku xigeenka,waxaa Moral helaya Gudoomiyaha Gobolka,Mayorka waxaa sprit ay ku shaqeeyan yeelanaya Police ka Ururada Hoyooyinka ,Dhalinyarada,waxaa la ururin Cashuuro aan manta laga qaadin Badhan taas oo dib loogu dhiso doono Gobolka,Dadku waxey dareemi doonan jiritaanka Dawlada Puntland,Maanta Ilka jiir oo kasoo jeeda Gobolkaas sidii Wasiir looga dhigey dib ma ugu laabtay? Waa maya waayo manhajka Puntland kuma jiraan Goboladan iyo Degmooyinka dhintay waxaana dhehi karaa Puntland waa: Garoowe waxaana soo raaca waa Bosaso iyo Gaalkacayo.
 
Waxkasta oo cadaalad daro ku dhismana wey burburaan sidii Mogadishu oo kale,tusaale haddii Goboladaas iyo Qabiiloyinkaas kala laabtan Puntland kalsoonida yaad umaleyneysaan iney degayaan Guryaha loo dhisay Wasaaradaha soow Xamar oo kale noqonmeyso in reero degaan.
 
Maxaa dhacaya haddii sidaan sheegay ama ka fiican wax loo qeybsado:
Haddii cadaalad wax loo qeybsado waxaa dhismaya Amniga,Dhaqaalaha,Waxbarashada,Sportiga,Diinta,waxaa Puntland ku negaanaya Dad badan oo uyimaada iney Yeman uga sii tahriiban,waxaa imanaya Dad badan oo
Wadanada deriska u tahriiba waayo Cadaaladu waxey keentaa Amni,Amniguna waxuu keenaa koboc dhaqaale.
 
Waxaa Puntland si qalbi xaaran ugu soo darsamaya Cabudwaaq ama Qabiilka Mareexan ka waayo waxuu dareemayaa hadduu wax kugu darsado inuu saamigiisa helayo.
 
Waxaa lala gorgortami karaa Gobolada gedo iyo Jubada hoose mise ma dhici karto in Puntland lagu soo daro Goboladaas Daroodku dego,halkaasna waxaa kasoo iftiimaya hanaankii Somaliweyn lagu baadi goobi lahaa,Garoowena waxey heleysaa fursad ay isugu sharaxi karto Magaalo Madaxda Somalia ,waxaan aan sheegayo maaha Riwaayad mana aha waxaan dhici karin balse waa Qorshe Siyaasadeed haddii si fiican oo Cadaalad ku jirto loo abaarona laga gun gaari karo,iyadoo Reerna Reer ka fiicneyn Gobolna Gobol ka xaq badneyn si taas loo helona waxaa muhiima in lahelo iskukalsooni.
 
ISKUKALSOONI
 
Hadaba iskukalsooni ama Gobol ha noqoto ama Qabiil ha noqoto waa mid aan laga maarmeyn runtiina ka maqan Puntland taasna Qof kasta waa mid uu arko taas ayaana keentay in Laascanod maqnaato inaan horumar badan lagaarin 12 sano.
 
Balse rag ay qayilayeen keliya hadey xanaaqana Qabiilkooda la xanaaqo hadey farax sanyahiina Amaantooda Jaadka lagu cuno( tusaale Laascano Xaabsade baa xanaaqay oo qabsaday) Qabiilkiisana amaan badan ayuu ka mudanyahay,marka soow ma haboona intaan.
 
Dhulbahante dhib badan kasoo gaarin xoreynta Laascanood odaga Xaabsade hala maslaxo madaxana halaga dhunkado Reerka u tur hala dheho Laascano laba beri qaadanmeyso! Puntland oo dhana hagarowsato Odaga Wasiirkiisa hala siiyo waayo awalba Wasiir Puntland qiime ka weyn in Laascano soo celiyo ma sameyn lahayn,ileyn isagaa qabsadaye maxaa keenay marin habaabinta iyo Somaliland baa Laascanod naga haysata.
 
Raga fadhiya Barlamaanka Puntland wey gabeen waajibaadkoodii waayo naftooda keliya ayey Mushahar u qataan Garoowe na u fadhiyaan.
 
Isimada oo ahaa kuwii Ragaan soo magcaabay waa iney iclaamiyaan shir kale oo wax lagu saxayo ( marka horena iyagu dhexdooda isku arkayaan),iyadoo la isugu imaanayo shir kale oo garnaqsi iyadoo halbeega wax lagu cabirayo yahay danta guud, waa in la isu yimadaa lawada hadlaa,wax lawada falanqeeyaa maxsuul dhab ahna laga soo saraa,waana inuu yimadaa faham ah in wax la isku darsaday balse hadafku uusan ahayn in Magaalo gaara ama Qabiil gaara in wax loo qabto wax la isugu darsado.
 
Iskukalsooni waxey keentaa in la wada hadlo aan la isxaman intii isku Qabiilana ayan gooni ushirin iyadoo xanaaqsan waxna tabanaya balse waxey tabanayaan ay si waadax ah oo Saxaafadu markhaati ka tahay looga doodo iyadoo loo iclaaminayo waqti la isla ogyahay balse aan Qol mugdi ah la isla gelin,si taas loo gaarona waa ineynu iska dhaafnaa Kaabe Qabiilada badan si aynu uga badbaadno fikrado badan oo is diidan iyo reer hebel cadkoodii ma helin waayo hadafkeyga waa Gobol ee maaha reer hebel maxey heshay.
 
Haddii manta aysan suuro gal ahayn in Laascano laga dhiso Wasaarada Cafimaadka ,tan Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa ayaa laga dhisi karaa Buhoodle,Muhiimaduna waxa weeye madaama wax la isku darsaday Dhismaha Wasaarada qeybteed iyo kuligeedba iney Goboladu iyagu dhistaan,waayo marmarsiinyo baa imanaya Puntland dakhli uma hayso iminka ay Gobol kasta kaga dhisto Wasaarad,balse waxaan hubaa Degmooyinkaas Qurbajoogtooda iney si mutatadawacnimo leh oo dhaqso ah uga dhisi doonaan xarunta Wasaarada loo iclaamiyey.
 
Waxaan kalsooni buuxa ku qabaa in si cadaalad ku jirto Puntland loo dhisi karo loona horumarin karo iyadoo la ilaalinayo danta dhamaan Reer Puntland,iyadoo la iska ilaalinayo caadifada qabiilka iyo nin jecleysiga.
 
Qoraalkeyga wuu ka madaxbanaan yahay tageerid Qabiil iyo Qof waxaase iga daacada in Puntland ay horumar iyo cadaalad hesho ,waxaana aminsanahay in laga wada faaidi karo horumarka Puntland,marse haddii waxtabasho jirto sidaan maqlayo guux hoose ineysan horumar ku talaabsan doonin Puntland,balse horumarka ayaan isku si loowada aqoon.
 
Waxaan ka markhaati kacayaa Dawladan manta jirta iney ka yool iyo horumar fiicanatahay kuwii ka horeeyey balse baraarujinta iyo horumarka ay shicibka ku xirantahay, balse sidii markii horeba codka kalsoonida loo siiyey Madaxweyne Faroole hadana si kalsooni ku jirto loola xisaabtamo,waayo Puntland shicibka ayaa leh.
 
Mahadsanidin

Waxaa habeeyey Jaamac Joofane
 W/q
DR Yusuuf Ciise
Yusufessa@gmail.com

Daabaco
U dir saaxiibkaa


  NEWS IN ENGLISH

 

  ARABIC

The need for Re-organization and Reform in Puntland-Ismail Geldoon
PRESS RELEASE 018/2010 -UN Under-Secretary-General visits President Sheikh Sharif in Mogadishu
ARTICLE-Galgala: Farole’s Waterloo, BY
Joint Statement Condemning Al-Shabab’s attacks against the people of Mogadishu
Somalia's once stable Puntland hit by insurgency - The Associated Press
Sanag And Haylan Elders Committee Spokes Person sends a message to the international Community.
Somali MPs killed in hotel suicide attack
Somalia at 50: From heaven to hell
The Galgala Conflict and its Long-term security Implication on the Region
 
زيارة وفد من مظلة التعليم الأهلى وجمعية التضامن الى السودان
الشباب تتبنى هجومي كامبالا وأوغندا مصرة على البقاء بالصومال

مؤتمر في اسطنبول لإرساء الإستقرار في الصومال

القوات الأثيوبية تعبر الحدود وتشتبك مع صوماليين

الحكومة الصومالية: اثنا عشر عنصرا بالقاعدة عبروا للصومال من اليمن

تقرير للامم المتحدة يصف القوات الحكومية الصومالية بالفاسدة وغير الفعالة

تحويل النقود عبر المحمول في الصومال يوفر الاموال وينقذ الارواح

المتمردون يحذرون الحكومة الصومالية الانتقالية من شن هجوم على مواقعهم في مقديشو

     

BARNAAMIJYO KHAAS AH

COMMUNITY LISTINGS

  SPORTS

 

  ISLAM

Dalka Masar oo qaaday Koobkii Africa
Manchester United performance caps their best 10 days since 1999
Spurs in form for United clash
Sanaag oo ku Dur-Durisay Gobolka Sool......Koobka Puntland Premeir Leage ee Dalka India ka socda
Kabtankii Kooxda ESpanyol ee Dalka Spain ayaa la sheegay inuu wadnuhu istaagay
 

أفضل وثيقة تأمين على وجه الأرض

Islaamka iyo reer Galbeedka Aragti Taariikheed / Shiikh Almis Yaxye

علامــــــــــــــات حســـــــــــــــن الخاتمـــــــــــــة

أحكام الأضحية

فضل الصلاة على المصطفى صلى الله عليه وسلم

     
     

  WARAYSIYO

 

  TACSI

 
Faduma Jibrell oo ka waramaysa meesha ay mnareyso Dekeda Laasqoray..5.9.07

Caasha Axmed Cabdalla oo taageertey Maakhir.. SBS 5.9.07

Mudane Moon oo ka waramaya Xaalada Waxbarasho ee Sanaag .. 4.9.07

War saxaafadeed, Gudoomiyaha Sanaag ee Maakhir. ... 3.9.07

Caaqil Warsame Adan Geesood ... 2.9.07

Wareysi: Xasan Badeed oo ka waramay Dekeda Laasqoray. 29.8.07

Wareysi:-Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Maakhir State. 26.8.07

Khudbad cusub oo jeediyey Col Jibriil,25.8.07

Khudbad Taariikhi ah. Col Jibriil Cali Salaad 18.07.2007

Xasan Somali, Gud. Jaaliyada Warsangeli ee UK 17.07.2007

Caawa iyo Sanaag 16.07.2007

Faduma Jibril_HR. 09.07.2007

Maakhir iyo 1da Luulyo. 01.07.2007

Dhegeyso wareysigii SALAAD FAATAX-SBC ee ku aadanaa Dhagaxa

Ciyoon iyo Sanaag

12.05.07

Caaqil Cabdulahi Cabdi Ibraahim 04.05.07

Wareysi:-Mustafe Godane iyo Ceerigaabo 22.04.07

Warbixin ku saabsan Maxamed Cali Ciise 20.04.07

Xaalada Sanaag iyo maanta 19.04.07

BAAQ DANWADAAG. 13.04.07

BAAQ BADHAN. 13.04.07

Dhahar iyo SL-PL 09.04.07

Xaalada Dagaal oo ka taagan Sanaag 08.04.07

Wasiiro ka hadlay Sanaag 31.03.07

Dowlad Goboleedka Danwadaag

Wareysi cusub oo ka waramaya Sanaag 22.01.07

Wareysi BBC Somali La yeelatey Amd Yusuf Xaji Sacid iyo Shirkii Buraan 26.08.06

Wareysi ku saabsan go'aanadii Shirka Buraan 26.08.06

Radio SSCayn:- Shirka London ee Beelaha Sool iyo Sanaag wada dega iyo Dekeda Laasqoray 19.07.06

Ceerigaabo:- Warsaxaafadeed Gudi booqanaya Ceerigaabo 12.07.06

Warbixin ku saabsan dhisida Dekeda Laasqoray iyo Shirkii Horn Relief ee London 28.06.06

BBC:- Xaalufinta iyo Macdanta Sanaag oo go'aano laga soo saarey. 27.06.06


Shirkii Badhan oo guul ku dhamaaday 03-06-06

Wareysiyadii ugu danbeeyey ee shirka Badhan 29-05-06

Wareysi:- M C Dabshid iyo Xasan Faarax 28-05-06

Warbixin iyo wareysiyo Cusub oo ku saabsan shirka Magaalada Badhan ee G Sanaag 27.05.06

Wareysi Cusub oo RL ay la yeelatay Maxamud Ciyoon 18-05-06

Warbixin ku saabsan shirka ka socda Badhan

Qurba Jooga Beesha iyo waxay ka qabaan Majiyahan 17.04.05



Wareysiyo Kale Halakan riix
 
Tacsi kasocota Jaaliyadda iyo Ardayda Reer Maakhir ee Waxkabarata Jaamacadaha Waddanka India ee Qaaradda Asia
Tacsi ku socoto General Ilka jiir, wasiirka arimahada gudaha Puntland
Tacsi ku socota Reer siciid Mohamed abdi majabir oo dhowaan ku geeryoodey Bosaaso
Geeri Naxdinleh Marxuun Cabdi Maxamuud Maxamed [Cabdi Nugaal]
TACSI TIIRAANYO LEH -MARYAN SALAX (DHOODI) oo Geeriyootey 10 December 2009 Wadanka KENYA
 

  HEALTH

 

  TECHNOLOGY

Warning for healthy aspirin users
Steaming hot tea linked to cancer
GUDNIINKA WAA MAXAY GUDNIIN? [Q 2aad, Gudniinka Dumarka]
GUDNIINKA WAA MAXAY GUDNIIN? [Q 1aad]
Dummy use link to ear infections-bbc
 
Debut for world's fastest camera
Prius 'to be part solar-powered'
Internet key to Obama victories-bbc
Casharo Kooban oo ku saabsan Computerka
Google warms to ad deal with Yahoo -FT