| Home

SANNAD GUURADDII 67AAD EE HALGANKII XISBIGII S.Y.L | DR. ABDULKADIR ALI BOLAY


HALHEYSKII XISBIGA: SOOMAALIYEEY TOOSOOY !!!!

13kii dhallanyaro ee asaastay xisbigii gobanimadoonka SYL halyeeyegii ugu dambeeyey Allah ha u naxriistee Cali Maxamed Xassan(Verdura) wuxuu ku geeriyooday magaaladda Nairobi ee dalka Kenya November 10, 2009kii ee sannadkii na soo dhaafay , odayaashii SYL wax yar oo fara ku tiris ah ayaa weli ka nool , sidaasi darteed waxaan kula dardaarmayaa dhallinyarada maanta jira in ay xil iska saaraan sidii ay u buuxin lahaayeen doorkaasi maanta ay baneeyeen odayaashii naftoodda u soo huray xoriyada maanta aynu haysano , waxaana dhallinyaradda looga baahan yahay in ay ku faanaan taariikhddii awoowayaashoodda oo ay mar waliba xusan sidii loo gaarsiin lahaa jiilalka soo socoda, hordhacaasi ka dib Waxaa ii faraxd ah in aan maanta halkaani hambalyo iyo boogaadin ba u diro dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan, munaasabadda maanta oo ah sannad guuradii 67aad halgankii gobanimadoonka ahaa iyo guushii uu soo hooyey xisbigii S.Y. L. (Leegada) waxaan ilaahay ugu baryeenaa dhamaan geesiyaddii naf iyo maal ba u hibeeyey xoriyadda maanta aynu haysano inuu Eebbe naxriistiisa ku maneysto oo jannadiisa sareysi ee fardoosa ahayd na ka waraabiyo , inta nool na waxaanu Ilaahay ugu rajayneynaa caafimaad taam ah iyo in ay ku noolaadaan bash bash iyo barwaaqo, shacabka soomaaliyeed na dhibaatadda ku habsatay inuu ilaahay ka dul qaado, colaadana nabad ugu beddelo .

Dawladda iyo kuwa ka soo horjeedda ba waxaan leenahay in ay ummaddooda u turaan oo ay u naxaan dadka maalin walba wadooyinka ku dhimanaya . Shacbka soomaaliyeed dhibaato intaan ugu filan ma haboon in ciiddan shisheeye loo adeegsado iyo kuwa Mujaahidinta sheeganayaa ee dawladda xab kala soo horjeedda , kuwaasoo aan u nixin shacab aan waxba galabsan , sidaasi darteed ma haboona labad dhinac ba in ay ku kor dagaalamaan ama ay gaashaan xabadda ay isaga celiyaan ka dhigtaan dadweynaha soomaaliyeed, balse waxaa loo baahan yahay in la wada hadlo isla markaasi na la xaliya dhibaatadda jirta.

Runtii ciiddan shisheeye iyo xabad xal u ma noqon karto dhibatadda maanta ee soomaaliya balse waaxaa loo baahan yahay dawladdu in ay kasbato kalsoonidda shacabkeedda iyadoo Allah tala saaraneysa waxaana muhiim ah dhinaca dawladda in la raadiyo ama la soo uruuriyo ciidamadii xoog dalka soomaaliyeed iyo booliska oo maanta 50 sano jirsaday kuwaasoo aan filaayo in ay leeyihiin khibrado ka fiican kuwa maanta Muqdishu u jooga nabad ilaalinta maxaa yeelay ciidamada shisheeye waxay mashquul ku yihiin sidii ay naftooda u ilaalin lahaayeen waxa dan ah kama laha shacabka madaafiicda ku dhamaanayaa . Waxaan aaminsanahay in aan loo baahneyn ciidan shisheeye in ay sii joogaan dhulka soomaaliyeed inta la heli karo ciidaankii dalka u lahaan jiray .

Intaasi ka dib haddii aan dib ugu soo noqdo mowduuci ku saabsanaa xuskii xisbigii xaq u dirirka ahaa inta aan la aasaasin xisbigaasi waxaa kulmi jiraqy laba dhallinyaro oo kala ah Yaasiin Xaaji Cismaan iyo Xaaji Maxamed Xussein kuwaasoo ahaa labadii udub dhaxaadka u ahaa xisbiga , ka dib waxay isla garteen in dhallinyaro ay ku kalsoon yihiin ay helaan sidii ay uga fashil min ujeedooyinkoodda waxayna ku shiri jireen guri ay ka kireysteen via Roma xamar weyne ,ugu dambeyntiina waxayna ku guuleysteen in ay sameeyaan ururkii la magac baxa S.Y.C ( Somali Youth Club ) oo ahaa urur aan siyaasi ahayn, maxaa yeelay mustacmarkii ingiriiska markaasi dalka haystay mar na ma oggaleyn in ay kulmaan dhallin yaradda aqoonta leh, ujeeddada loo aasaasay na ay ahayd meel ay ku kulmaan dhallinyaradda soomaaliyeed. Ururka SYC muddo ka dib wuxuu isku beddalay urur siyaasi ah oo la magac baxay S.Y.L

Mudane Cabdulqadir Sakhaawadiin oo ahaa guddoomiyihii ururka iyo Yaasiin Xaaji Cismaan waxay qoraal codsi ah u gudbiyeen Wakiilkii Ingriisa ee Soomaaliya u fadhiyey Sir William Eric Hallstead waxayna ka codsadeen in dhallinyaradda soomaaliyeed ay dhistaan naadi ay ku kulmaan , nasiib wanaag Sir William Eric markii uu akhristay codsigii wuxuu yiri, “ {waan idin oggolaaday maxaa yeelay annaga waxaan nahayd dawlad dimuqaraadi ah hase yeeshee waxaan idin kaaga digayaa inaad saameyn ku yeelanin wax alla wixii aamniga iyo xasiloonida dalka qalqal gelin kara iyadoo hadda lagu jiro xilli dagaal oo xasaasi ah iyo inaad faraha la gelin arrimaha siyaasadda}” oggolaanshahaasi ka dib waxaa na dhidhibadda loo dhigay oo si rasmi ah loo furay subaxdii taariikhdu ahayd 15.05.1943kii oo ay ku kulmeen dhallin yaro ka kooban 13,kuwaasoo ahaa dhallinyaraddii fahmay dhibaatooyinka iyo hagar daamadda gumeysiga , iyaga oo aad u diidanaa siyaasadda gumeysiga oo ahayd qaybi oo xukun.

Fadhigii ugu horeeyey Xoghaye guud Yaasiin Cismaan wuxuu soo bandhigay dastuurkii iyo barnaamijkii xisbiga oo ka koobnaa dhowr qodob oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin in la helo soomaaliy weyn , iyo In loo halgamo, lana xaqiijiyo gobanimada iyo madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed waxaa kale oo ka mid ahaa in tacliinta kor loo qaado , in afka soomaaliyeed la qoro , in la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun oo ay ka midka yihiin qabyaaladda iyo quursiga ama takoorka loo geysto dadka soomaaliyeed iyo xeer hoosaadkii yo maamulkii xisbiga ku dhaqmi lahaa, qodobadaasi oo idil si wada jir ay ayaa la isku waafay , xisbiguna howshiisa sidaasi ayay ku socotay , shacabka soomaaliyeed na oo aan kala harin ayaa soo dhaweeyey.

Muddo ka dib ururku wuxuu ku talaabsaday guulo wax ku ool ah taasi na waxaa u suurta gelisay mabda adag oo ay qaateen dhallinyaraddaasi {noolal ama geeri} oo ay isku dhaarsadeen. Munaasabadii weyned ee loo sameeyey sannad guuraddii 5aad ee ka soo wareegtay aasaaskii xisbiga S.Y.L (Somali Youth League) May15, 1948kii, waxaa ka soo qayb galay wafuuddii kormeerka ku kala soo bixiyey dhulka soomaaliyeed , ujeeddada kormarkaasi laga lahaana uu ahaa in la helo soomaali weyn oo mideysan iyo in la wacyi geliyo dadweyanaha soomaaliyeed sidii loogu muujiyo wafuuddii United Nations oo ahaa afartii dawladdood ee ku guuleysatay dagaalkii labaad ee adduunka (Mareykanka, Ingriisakla, Ruushka, Faransiiska) ee markaasi dalka ku sugnaa si ay u oggaadaan in ay soomaaliya diyaar u tahay in la siiyo xornimo iyo in kale..

Guddigaasi durbadiiba waxay bilaabeyn in ay xog ururiyaan waxayna dhegeysteen fikradahii iyo warbixinadii xisbiga SYL iyo Axsaabtii kale ee dalka ka jiray. Guddigii ka socday 4tii dawladood oo wakiilka ka ahaa United Nations taariikhda markii ay ahayd 20/01/1948 la kulmeen Guddigii wakiilka xisbigii SYL oo warbixintiisa xambarsaneyd himilooyinkiii iyo rabitaankii ummadda soomaaliyeed oo ahaa rabitaan madaxbanaani iyo xornimo taam ah . Muddane Cabdullahi Ciise Maxamoud isaga oo wakiil ah SYL iyo xubnaha kale waxaa warbixintiisa United Nation hortiisa ka soo jeediyey uu ku caddeeyey in si deg deg ah oo aan shuruud aan ku xirneen ummadda soomaaliyeed loo guddoonsiiyo madaxbanaanideedda iyo inta himiladaasi laga gaarayo afarta dawladood oo xoogga waaweyni ay si wadajir u maamulaan dalka , iyagoo ka wakiil ah Jamciyadda Qruumaha ka dhaxeysa.

Si wada jir ah xisibiyadda SYL (south) iyo SNL(North) waxay u gudbiyeen fikraddooda oo ku sabsaneyd rabitaanka ummadda soomaaliyeed in ay hesho xornimo taam ah. Qoraalkaasi waxaa United Nation ka u gudbiyey Muddan Maxamoud Jaamac Uurdoox oo qoraalkiisa ku cadeeyey in 90% shacabka soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin in ay helaan soomaali mideydsan oo xor ah . Isla markaasina waxay 4ta dawladdood ka codsandeen in ummadda soomaaliyeed in ay gaarsiyaan muddo 10 sannaddood xornimo taam ah, taasoo ujeeddadeedu ahayd in la diyaariyo hogaankii maamuli lahaa dawlada dhalan doonta.

Guddigii 4ta dawladood markii ay dhageysteen warbixinaddii kala duwanaa ee ay ka kala soo jeediyeen axsaabtii dalka ka jirtay, kuwaaso ay u kala qaybsanaayeen kuwa xornimadoon ah iyo kuwa ka soo hor jeedda , hase yeeshee guddigii markii uu arkay banana baxii weynaa ee ay soo qabanqaabisay xisbigii SYL iyo SNL , iyo wakiiladdii ka socoday Somali galbeed , NFD iyo Djabouti ee ku sugnaa muqdisho , kuwaasoo taageero ka heysta dadweynaha soomaaliyeed oo muujiyey in ay rabaan xornimo , ka dib markii ay arkeen banana baxaasi , waxaa guddigaasi u cadaatay in shacabka soomaaliyeed uu rabo madaxbanaani taasoo ay warbixitoodina ay ku ayideen ama ay ku taageereen in shacabka soomaaliyeed inuu hanto xornimadiisa .

Ujeeddooyinka ugu weyn ee xisbiga SYL wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn hase yeeshee dhibatada ugu weyn waxay dhacday markii SYL ay diideen in Ingariiska gacanta loo geliyo inuu soomaaliya gaarsiiyo xornimo SYL waxay doorteen in Talyaaniga uu gaarsiyo xornimada. taaso dawladda ingriisa ka careesisay . Qorshihii SYL oo ahaa soomaali weyna oo mideysan in la helo hakad galay , hase yeeshee caradaasi ka dib Ingariisa wxuu cagta mariyey himilooyinkii xisbiga lahaa in 5ta soomaaliyeed la mideyo , diidmada la diiday awoogeed Ingariiska oo ka xun go’aankii xisbiga SYL aar-goosi ahaan u sameeyey in soomalia 2 qayb oo ka mid ah uu gacanta u geliyey dalka Ethiopia iyo Kenya. Runtii Reer galbeedka iyo marekanka waxay diidanaayeen in Ruushka uu fara gelin ku yeesho Afrika gaar ahaan geeska Africka , Ruushka na wuxuu ka mid ahaa 4ta dawladood ee ku guuleysatay dagaalkii 2aad ee adduunka . United Nation ka waxay talo ku soo jeedisay maadaam shacabka soomaaliy ay raali ka yihiin dawaladda talyaaniga in asiga loo dhiibo koonfurta soomaaliya muddo 10 sannadood ah lagu gaarsiyo madaxbanaani. United Nationka waxay soomaaliya u soo direen 4 dawladdood oo kala ah Egypt,Liberia, Philipin iyo Colombia si ay u kontoroolaan maamulka talyaaniga sannad walbana ay u gubiyaan warbiin toodda United Nationka . Runtii mirihii ay beereen dhallinayraddii nafta u huray dalkoodda iyo dadkoodda waxaa la gurtay June 26, 1960kii iyo July 1, 1960kii maalintii xornimada iyo mideynta labad gobol Waqooyi iyo Koonfur.

Dhibaatooyin xanuun badan ayaa loo soo maray hanashadda xornimadda maanta aynu haysano hase yeeshee Waxaa Nasiib daro ah in Xoriyadii iyo halgankii adkaaga ee ay u soo galeen Dhalinyaradii SYL oo naf iyo maal ba u soo huray in badan na ay u geeriyoodeen ama la jir dilay ma habooneyn in qaranimaddii iyo sharaftii ummadda soomaaliyeed maanta la burburiyay isla markaasi na lagu tuuray bohol dheer oo aan la ga ari karin muddo 19 sannadood ayaa shacabka soomaaliyeed jahawareey ku sugan yihiin, taasina ma ahayn mid ay filayeen shacabka soomaaliyeed iyo dhalinyaradii doorka weyn ka soo qaatay hanashadda madaxbanaanidda maanta aynu ku faanno , balse waxay ahayd in aan kaga dayano halgankaasi sida wanaagsan oo wada jir leh ay uga gudbeen caqbadooyinkii faraha badanaa , waxay ahayd in talooyinkii iyo halheesyaddii xambaarsanaa waddaniyadda in aan qaadano waxaa na loo baahnaa in la dhameystiro barnaamijkii xisbiga ku xusnaa oo ahaa in la dhameystiro halgankii iyo shanta soomaaliyeed la mideeyo oo hal maamulna la isugu keeno, {himilooyinka fog fog ee xisbiga uu ahaa uu in la maalin la gaari doono in la helo soomaali weyn oo xor ah}.

Waxaa nasiib daro ah oo laga xumaada ah in soomaalidii xorta ahayd ay kala go’aan, balse waxaa halis weyn ummadda soomaaliyeed ku ah in dhulka soomaaliyeed si fudud uu gacanta ugu galo cadowga ummadda soomaaliyeed , kala go’a waa qorshihii gumeysiga ka tagay. Taasi waxay astaan cad u tahay in Soomaaliya ay awoodeeddii hore aysan dib dambe ugu soo noqonin sida ay la damacsan yihiin kuwa qabaanka u ah gurmeysiga laakiinse soomaali ilaah bay leedahay , arrintaasi waxay guul iyo farxad ba u tahay cadowga soo jireenka ah ee ummadda soomaaliyeed , laakiinse waxaa dhibaatooyinka gumeysiga cusub looga gudbi karaa in la helo dhallinyaro gunta xirata sidii ay dalkoodda iyo dadkooda ba u bedbaadin lahaayeen damac weyne ee cadawga soomaaliyeed. .

Gunaanadkii qoraalkeyga waxaan ku soo gaba gabeynayaa talooyinkaani oo ku waajahda Dawladda Midnimada Qaran in ay ka kaaf-toonto ciidan shisheeye maadaama aynu lahaan jiray Ciiddan awood badan oo ku kala daadsan guddaha iyo dibadda oo u baahan sidii la isku keeni lahaa oo kaliya ka dib na la mideeyo ooh al hogaan loo sameeyo intaasi ka dib waxaa suurta gal ah inay dib u soo noqoto qaranimadda iyo amnigii dalka. Waxaan filayaa haddii arrinkaasi lagu guuleysto in lagu badbaadin karo dadweynaha soomaaliyeed.

Dhinaca Mucaadkana hubeysan ee Al Mujaahidiin sheeganaya waxaa leeyahay ilaahay ka cabsada oo ha baneysanina dhiiga muslimka ah, maxaa yeelay sharciga in lagu degdeg ma ah oo si fudud beni aadamka qoorta looga gooyo sharciga wuxuu u baahan yahay juhdi weyn iyo dadaal aad iyo aad u fara badan , dadka aad dileysaa waa dadakiini ma ah gaal ma na ah xabashi oo cadow ah balse waa walaalkaagii oo muslim ah sidaasi darteed ma haboon in dhiiga muslimka ah la xalaashaddo. Shacabka soomaaliyeed waa in ay helaan qaranimaddii iyo sharaftii uu lahaan jireen, taasi na waxaa lagu gaari karaa midnimo oo kaliya iyo in hal meel looga soo wada jeesta cadowga ummadda soomaaliyeed oo maanta wajiyo badan leh , dadweynaha soomaaliyeedna waxaa looga baahan yahay in ay ka dab qaataan dhallinyaraddii shalay xornimada inoo keenay iyagoo hal heeskoodda uu ahaa: {Axyaa Waddani Axyaa Waddani iyo Soomaaliyeey toosooy toosooy isku tiirsada hadba kiini tag daran taagera weligin}” waddaniyadda ayaa lagu gudbi karaa dhibaatooyinka 19 sano jirsaday isla markaasi na lagu gaari kara horumar iyo midnimo ,sidaasi ayay na ku soo noqon kartaa sharafkii shacabka iyo nabad galyadii dalka , Waxaan ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan guddaha iyo dibadda ba u rajaynayaa in sannadkaani sannadka xiga ay ku gaaraan guul iyo barwaaqo

Waxaa soo diyaariyey

Dr. Abdulkadir Ali Bolay

Daabaco
U dir saaxiibkaa


  NEWS IN ENGLISH

 

  ARABIC

The need for Re-organization and Reform in Puntland-Ismail Geldoon
PRESS RELEASE 018/2010 -UN Under-Secretary-General visits President Sheikh Sharif in Mogadishu
ARTICLE-Galgala: Farole’s Waterloo, BY
Joint Statement Condemning Al-Shabab’s attacks against the people of Mogadishu
Somalia's once stable Puntland hit by insurgency - The Associated Press
Sanag And Haylan Elders Committee Spokes Person sends a message to the international Community.
Somali MPs killed in hotel suicide attack
Somalia at 50: From heaven to hell
The Galgala Conflict and its Long-term security Implication on the Region
 
زيارة وفد من مظلة التعليم الأهلى وجمعية التضامن الى السودان
الشباب تتبنى هجومي كامبالا وأوغندا مصرة على البقاء بالصومال

مؤتمر في اسطنبول لإرساء الإستقرار في الصومال

القوات الأثيوبية تعبر الحدود وتشتبك مع صوماليين

الحكومة الصومالية: اثنا عشر عنصرا بالقاعدة عبروا للصومال من اليمن

تقرير للامم المتحدة يصف القوات الحكومية الصومالية بالفاسدة وغير الفعالة

تحويل النقود عبر المحمول في الصومال يوفر الاموال وينقذ الارواح

المتمردون يحذرون الحكومة الصومالية الانتقالية من شن هجوم على مواقعهم في مقديشو

     

BARNAAMIJYO KHAAS AH

COMMUNITY LISTINGS

  SPORTS

 

  ISLAM

Dalka Masar oo qaaday Koobkii Africa
Manchester United performance caps their best 10 days since 1999
Spurs in form for United clash
Sanaag oo ku Dur-Durisay Gobolka Sool......Koobka Puntland Premeir Leage ee Dalka India ka socda
Kabtankii Kooxda ESpanyol ee Dalka Spain ayaa la sheegay inuu wadnuhu istaagay
 

أفضل وثيقة تأمين على وجه الأرض

Islaamka iyo reer Galbeedka Aragti Taariikheed / Shiikh Almis Yaxye

علامــــــــــــــات حســـــــــــــــن الخاتمـــــــــــــة

أحكام الأضحية

فضل الصلاة على المصطفى صلى الله عليه وسلم

     
     

  WARAYSIYO

 

  TACSI

 
Faduma Jibrell oo ka waramaysa meesha ay mnareyso Dekeda Laasqoray..5.9.07

Caasha Axmed Cabdalla oo taageertey Maakhir.. SBS 5.9.07

Mudane Moon oo ka waramaya Xaalada Waxbarasho ee Sanaag .. 4.9.07

War saxaafadeed, Gudoomiyaha Sanaag ee Maakhir. ... 3.9.07

Caaqil Warsame Adan Geesood ... 2.9.07

Wareysi: Xasan Badeed oo ka waramay Dekeda Laasqoray. 29.8.07

Wareysi:-Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Maakhir State. 26.8.07

Khudbad cusub oo jeediyey Col Jibriil,25.8.07

Khudbad Taariikhi ah. Col Jibriil Cali Salaad 18.07.2007

Xasan Somali, Gud. Jaaliyada Warsangeli ee UK 17.07.2007

Caawa iyo Sanaag 16.07.2007

Faduma Jibril_HR. 09.07.2007

Maakhir iyo 1da Luulyo. 01.07.2007

Dhegeyso wareysigii SALAAD FAATAX-SBC ee ku aadanaa Dhagaxa

Ciyoon iyo Sanaag

12.05.07

Caaqil Cabdulahi Cabdi Ibraahim 04.05.07

Wareysi:-Mustafe Godane iyo Ceerigaabo 22.04.07

Warbixin ku saabsan Maxamed Cali Ciise 20.04.07

Xaalada Sanaag iyo maanta 19.04.07

BAAQ DANWADAAG. 13.04.07

BAAQ BADHAN. 13.04.07

Dhahar iyo SL-PL 09.04.07

Xaalada Dagaal oo ka taagan Sanaag 08.04.07

Wasiiro ka hadlay Sanaag 31.03.07

Dowlad Goboleedka Danwadaag

Wareysi cusub oo ka waramaya Sanaag 22.01.07

Wareysi BBC Somali La yeelatey Amd Yusuf Xaji Sacid iyo Shirkii Buraan 26.08.06

Wareysi ku saabsan go'aanadii Shirka Buraan 26.08.06

Radio SSCayn:- Shirka London ee Beelaha Sool iyo Sanaag wada dega iyo Dekeda Laasqoray 19.07.06

Ceerigaabo:- Warsaxaafadeed Gudi booqanaya Ceerigaabo 12.07.06

Warbixin ku saabsan dhisida Dekeda Laasqoray iyo Shirkii Horn Relief ee London 28.06.06

BBC:- Xaalufinta iyo Macdanta Sanaag oo go'aano laga soo saarey. 27.06.06


Shirkii Badhan oo guul ku dhamaaday 03-06-06

Wareysiyadii ugu danbeeyey ee shirka Badhan 29-05-06

Wareysi:- M C Dabshid iyo Xasan Faarax 28-05-06

Warbixin iyo wareysiyo Cusub oo ku saabsan shirka Magaalada Badhan ee G Sanaag 27.05.06

Wareysi Cusub oo RL ay la yeelatay Maxamud Ciyoon 18-05-06

Warbixin ku saabsan shirka ka socda Badhan

Qurba Jooga Beesha iyo waxay ka qabaan Majiyahan 17.04.05



Wareysiyo Kale Halakan riix
 
Tacsi kasocota Jaaliyadda iyo Ardayda Reer Maakhir ee Waxkabarata Jaamacadaha Waddanka India ee Qaaradda Asia
Tacsi ku socoto General Ilka jiir, wasiirka arimahada gudaha Puntland
Tacsi ku socota Reer siciid Mohamed abdi majabir oo dhowaan ku geeryoodey Bosaaso
Geeri Naxdinleh Marxuun Cabdi Maxamuud Maxamed [Cabdi Nugaal]
TACSI TIIRAANYO LEH -MARYAN SALAX (DHOODI) oo Geeriyootey 10 December 2009 Wadanka KENYA
 

  HEALTH

 

  TECHNOLOGY

Warning for healthy aspirin users
Steaming hot tea linked to cancer
GUDNIINKA WAA MAXAY GUDNIIN? [Q 2aad, Gudniinka Dumarka]
GUDNIINKA WAA MAXAY GUDNIIN? [Q 1aad]
Dummy use link to ear infections-bbc
 
Debut for world's fastest camera
Prius 'to be part solar-powered'
Internet key to Obama victories-bbc
Casharo Kooban oo ku saabsan Computerka
Google warms to ad deal with Yahoo -FT