| Home

XAGEE MARAYAA DHISMAHA MACHADKA BADHAN EE CULUUMTA SARE [IQRA INSTITUTE FOR HIGHER EDUCATION]+SAWIRO


Bulsha weynta Reer Sanaag waxaan ugu bishaareyneynaa in uu bilowday Dhismihii Machadka Iqra ee magaalada Badhan, xarunta 2aad ee Gobolka Sanaag iyadoo qeyb ka mid ah Machadka Iqra dhidibada loo taagey iyadoo la qorsheynayo in qeybaha kale ee Machadka la bilaabi doono insha allah.

Badhan ayaa waxaa ka socda kacaan waxbarasho iyadoo ay ka dhisan yihiin 3 dugsi sare iyadoo ay ardey badani ka qalin jebiyaan isla markaana aan haysan goob ay kasii wataan waxbarashadii sare ee daruuriga u aheyd iney dhameystirtaan aqoontooda.


Machadka Iqra ujeedooyinkiisa.

Ujeedooyinka ugu waaweyn in Machadkani waxa weeye in mustaqbalka fog uu isu bedelo jaamacad oo leh dhamaan adeegyada jaamacadi ay bixin karto iyadoo hada loola jeedo iney si ku meel gaar ah usii noqodo Machad.

Ujeedooyinka kale ee  Machadka Iqra ayaa dhowr ah iyadoo ay ugu horeyso qodobadan hoos ku qoran.
  1. In  Ardeyda Iskuulada ka baxa ee Sanaag ay helaan goob waxbarasho sare oo lagu baran doonoDiploma iyo Shaahado heer jaamacadeed ah.
  2. In ardeyda ka qalin jebisa Iskoolada Sare ee Sanaag ay helaan goob ay ku kobciyaan waxbarashadooda Sare si guud.
  3. In Ardeydu ay helaan goob ay ku bartaan waxbarashada Sare ee Farsamada Gacanta, Maareynta, Ganacsiga, Xisaabaadka, luuqadaha iyo Culuumta Islaamiga ah iyadoo aan lakala sooceyn willal iyo Gabdho oo ay goobtani u furantahey.
  4. In dhalinta ama Ubadka la baro  Waxbarashada Farsamada Gacanta, Culuumta Islaamiga ah, Madooyinka Maareynta, Luuqadaha Englishka iyo Carabiga, waxbarashad Caafimaadka.
  5. In Laga hortago Burcadeynta Dhalinta Sanaag iyo geli taanka ay gelayaan maleeshiyaadka ha ahaadeen kuwa Qabaailka ama kuwa Diiniga ah oo beryahan guud ahaan inta Somalidu degto kusoo batey.
    5) In la kobciyo fahanka Dhalinta ka qalin jebisa Iskoolada si ay kor ugu qaadaan awoodooda feker isla markaana Mustaqbalkooda toosan ka fekeraan.
  6. In Ardeyda Reer Sanaag loo fududeeyo sidii ay ku baran lahaayeen wax barashada sare iyagoo isticmaalaya qaab casiriyeysan sida Computers-ka iyo Laboratory-ga ama shaybaaro casri ah.

 
Qeybaha Iqra Institute for higher Education

Machadka Iqra waxa uu ka kooban yahay sadex qeybood oo lagu bilaabayo isla markaana baaritaanadii la sameeyey iyo falaqeynta kadib la ogaadey iney mudan tahay in machadka lagu bilaabo Sadexdan qeybood ee hoos ku xusan.


Qeybta Farsamada Gacanta iyo Taba barada- Vocational Skills and trainings Department

Qeybtan baahideeda waxaa la ogaadey in ardeyda deegaanka Sanaag uu baahi u qabo iyadoo ay uu Gobolku hodon ku yahay magaalooyinka aad u kobcaya oo dhismayaal xawli ahi ay ka socdaan isla markaana ay yartahay dadka aqoonta u leh farsamada Gacanta ama Vocational skills sida Dab yaqaanada[Electricians] Matoorada aqoonta,[Mechanics] Alxanka iyo najaarada oo gobolka uu aad uga saboolan yahay.

Cilmi baaristii aanu sameyney ka hor inta aan go’aankan ama qaraarkan aanan qaadan waxay noo xaqiijisey in baahida Aqoontan ay keentey in hadii loo baahdo matoor magaalo ay ku nool yihiin dad tiradoodu kor u dhaaftey 30 kun sida Dhahar in dab yaqaan looga doono Magaalad Bosaaso isla markaana ay qaadato mudo 5 casho ah in cilada la ogaado oo markaa ama Engineerkii sameeyo ama uu dib ugu noqdo Bosaaso oo baahidiisa kazoo qaato.

Taasina waxay qeexday in baahi weyni ay jirto aqoonta oo ah ama ka mid ah aas aaska horumarka bulshada.

Qeybtani waxay handasaayasha Mashruucan isku raaceen kadib dood dheer iyo falan qeyn iyadoo laga baaraan degey kharashka lagu wadayo[Runing Cost and Maintain cost] isla markaana ay noqotey in la dejiyo istaraatijiyad ku aadan taas ayna ugu horeysa in Madooyinka lagu kobo inta la awoodi karayo sida Najaarada, Alxanka, Dabka iyo Matoorada isla markaana Qeybta Enjineernimada dib loo dhigo oo marka uu Machadku Hano qaado laga baaraan dego, Hadii Allah weyni idmo.


Qeybta Computer Science-ka

Caalamka aynu hada ku nool nahey waxaa qeyb libaax ah ama door libaax ah ka cayaara aqoonta computerka oo noqdey mid looga baahan yahay inuu yaqaano qofkii doonaya inuu ku shaqeysto cilmigaan.

Sidaa awgeed Iqra Institute waxay u diyaarineysaa ardeyda wax ku baran doonta iney wax barasho ku saabsan Cilmiga Computerka hadii ay noqoto mid uu qofku ku shaqa tegi karo iyo hadey noqoto mid uu iskiis aqoon kororsi u baran doono.

Waxaa Machadka wax ka bari doono aqoon yahano ku xeel dheer waxbarasha Computerka isla markaana ka haqab tiri doona ardey kasta oo dhiganaya qeybtaan inuu ka qalin jebiyo isagoo ku kalsoon inuu suuqa shaqada tegi karo oo ku shaqeysan karo aqoontiisa.

Sida lala wada socdo Cilmiga Computer dhowr nooc ayuu u kala baxaa waxaana Iqra ay diyaarin doontaa dhamaan qeybaha cilmiga Computerka inta awoodeeda ah.
  
 
Qeybta Culuumta Islaamiga iyo Luuqadaha

Barashada Shareecada islaamka waa aflaxa jiil kasta oo soo kobcaya si ay isaga ilaashaan wax yaabaha diintooda wax u dhimaya isla markaana nusqaan ka dhigayo.

Sida la wada ogsoon yahay umad waliba waxay leedahay diin iyo hido isla markaana ay ku abtirsadaan umadkasti oo caalamkani joogto kuna faanaan barashadeeda iyo ilaalinteeda.

Diinta Suuban ee Islaamka ah nolol maalmeedka qofkasta oo muslim ah isla markaana laga rabo inuu ku baraarugsanaado hanaanka wanaagsan ee diinteena.

Qofka Muslimka ahi ee soo kobcaya markuu ogaado in diintu ay ka reebtay tasarufaadka bii’ada loogula kacayo sida dabar goynta dhirta waa uu iska ilaalilanayaa isagoo aan ka baqeyn in ciidamo ama xabsi sugayo isla markaana dareensan in ciqaabi allah ay wax walba ka weyntahey.

Baaritaanadii ay sameeyeen handasayaasha qorshahan ayaa waxaa ku cadaatey inuusan gobolku laheyn goob Shareecada Islaamka iyo axkaamteeda lagu barto iyadoo aad moodid in barashada Axkaamta Shareecada lagu koobey Masaajidada qaarkooda.


Qeybta Maareynta , Xisaabaadla iyo ganacsiga.

Qeybtan muhimadeeda waxaa la arkey kadib markii ay cadaatey in dhalinta Gobolka ay u badnaadeen iney rabaan iney aayahooda ama mustaqbalkooda u leexdaan dhinaca waxbarasha Ganacsiga sidaa awgeed Qeybtan Machadku waxa uu ka haqab tirayaa baahida loo qabo oo ay Ardeyda Gobolku u qabaan isla markaana u sahleysa in mustaqbalkooda ay u shaqa doontaan shirkadaha soo kobcaya ee ka dhisan Somalia iyo wadamada Deriska la ah Somaliaba. 


Dhismaha Machadka Iqra Institute for Higher Education

Machadka oo hada maraya marlaxada bilowga ayaa waxaa la qorsheynayaa inuu maro dhowr mar xaladood oo ay ugu horeyso Dhisida Dhismaha Machadka Iqra oo iyadu ay qorsheysantahey in la bilaabo Sanadakan intuusan Dhamaan insha allah.

Dhismaha Machadka ayaa waxa uu ka kooban yahay qeybahan hoos ku qoran.

- 12 Fasal oo u dhan yihiin dhamaan qalabkii oo idil
- 2 Labrotoray ama Sheybaaro ay u dhan yihiin dhamaan qalabkoodii
- 2 qol oo waaweyn [460msq] oo Workshop ah
- 3  Qol oo xarun Caafimaad noqon doonta 
- Maktabada ama Library 
- Xafiisyo iyo Xafiiska Guud ee Machadka 
-  Hool ama Barxad si guud loo isticmaali doono 
- Qolka Matoorada 
- Derbiga kusoo wareegsan Machadka [1200msq]
- Taangiga Biyaha 
- Musqulaha ardeyda oo kala qeybsan, Lab iyo Dhedig
- Qodista Bulaacadaha  
- Qeybta Ciyaaraha 
- Masjid

Waxaa taas ku xigi doonta Hadii Allah awooda lahi Idmo Qeybta Labaad oo ah qalabeynta machadka iyadoo taasina ay ku xigi doonto ardey qaadista isla markaana insha allah uu machadku sidaa ku hana qaadayo.

Baahida dhaqaale ee Machadka

Gebi ahaanba Machadka ayaa waxa uu sugayaa dhamaan dadka Muxsiniinta ah ee jecel in Ubad Soomaaliyeed oo Muslim ahi uu hana qaado isla markaana jecel inuu Allah casa Wajalla ka abaal mariyo maalka ay ku bixiyeen ubadkooda ayna u noqoto Zadaqatul-Jaariyah.

Macadka lacagta ku baxaysa waxa weeye lacag gaareysa 220,065 USD oo dollarka Mareekanka ah oo weliba laga yaabo inuu kor u kacdo waayo qalabka dhisida inuu kor u kaco ayaa laga ayaabaa, taasina weliba waxa dheer qiimaha ixtiyaadiga ah ama kaydka ah ee loo baahan yahay.

Sidaa awgeed ayaa dhamaan umada Soomaaliyeed ee kheyrka jecel waxaa laga codsanayaa iney ka qeyb galaan dhisida Machadka Iqra isla markaana ka qeyb galaan camalkan Kheyriga ah.

Machadka Iqra Dhulkii laga dhisi lahaa waa la hayaa isla markaana waxa uu sugayo oo keliya waxaa weeye sidii dadweynaha kheyrka jecel ay uga qeyb gelin lahaayeen in machadka dhismihiisu uu bilowdo insha allah sanadakan intuusan dhamaan.

Waxaanu si gaar ah ugu baaqeynaa Aqoon yahanada Reer Sanaag cidkasta ha ka dhasheen iney ka qeyb qaataan dhisada iyo hana qaadida Machadka, waxaanuna ku baraarujineynaa in machadkani uu noqon doono talaabada 1aad ee uu Gobolku ku yeelan doono Jaamacad.

Waxaa lawada ogsoon yahay in Sanaag ay leedahay Aqoonyahanada ugu badan ee ku nool Qurbaha oo weliba qaarkood ay ka shaqeeyaan hay’adaha Caalamiga ah sida UNta iyo Bangiga Aduunka sidaa awgeed waxaa iyaga si gaar ah looga codsanayaa iney ka qeyb galaan camalkan kheyriga ah isla markaana ka qeyb qaataan bad baadinta Ubadkooda Soomaaliyeed.

Waxaanu sidoo kale u baaqeynaa Hooyooyinka Reer Sanaag ee u helaanaa sidii ay ubadka gobolkooda wax u baran lahaayeen iyadoo aanu ogsoonahey inaad baal dahab ah kaga jirtaan horumarinta Gobolka Sanaag.

Waxaa laga ayaabaa in lacagta dadka qaarkiis ay yiraahdaan waa badan tahey laakinse waxaa xusid mudan in hadii la helo 250 qof oo min Kun[1000] dollar bixiya sanad gudihiis uu machadkani Sanad dugsiyeedka 2010-11 uu furmi karo Bi’idni laahi, markaa walaalahayaga Musliimta ah ee Soomaaliyeed waxaanu mar kale ka codsaneynaa iney si buuxda noogala qeyb qaataan dhisida Machadka.

Account-ka tabarucaadka lagu soo diri karo waa kan:

AC.NO: D00 1636, 
DAHABSHIL, 
BOSASO, SOMALIA

Wixii faah faahin ah kala xiriira

Abdirashid Sheikh Salah +25290 796771/725033, Email:abuusaalax@hotmail.com
A/Rahmaan Haybe +25290 772880
Adam Ahmed Yusuf +25290 764433, Email:a_hawar@yahoo.com
A/rizak M Haji-Ali +447856972602, Email:razshirwa@gmail.com
Daabaco
U dir saaxiibkaa


  NEWS IN ENGLISH

 

  ARABIC

The need for Re-organization and Reform in Puntland-Ismail Geldoon
PRESS RELEASE 018/2010 -UN Under-Secretary-General visits President Sheikh Sharif in Mogadishu
ARTICLE-Galgala: Farole’s Waterloo, BY
Joint Statement Condemning Al-Shabab’s attacks against the people of Mogadishu
Somalia's once stable Puntland hit by insurgency - The Associated Press
Sanag And Haylan Elders Committee Spokes Person sends a message to the international Community.
Somali MPs killed in hotel suicide attack
Somalia at 50: From heaven to hell
The Galgala Conflict and its Long-term security Implication on the Region
 
زيارة وفد من مظلة التعليم الأهلى وجمعية التضامن الى السودان
الشباب تتبنى هجومي كامبالا وأوغندا مصرة على البقاء بالصومال

مؤتمر في اسطنبول لإرساء الإستقرار في الصومال

القوات الأثيوبية تعبر الحدود وتشتبك مع صوماليين

الحكومة الصومالية: اثنا عشر عنصرا بالقاعدة عبروا للصومال من اليمن

تقرير للامم المتحدة يصف القوات الحكومية الصومالية بالفاسدة وغير الفعالة

تحويل النقود عبر المحمول في الصومال يوفر الاموال وينقذ الارواح

المتمردون يحذرون الحكومة الصومالية الانتقالية من شن هجوم على مواقعهم في مقديشو

     

BARNAAMIJYO KHAAS AH

COMMUNITY LISTINGS

  SPORTS

 

  ISLAM

Dalka Masar oo qaaday Koobkii Africa
Manchester United performance caps their best 10 days since 1999
Spurs in form for United clash
Sanaag oo ku Dur-Durisay Gobolka Sool......Koobka Puntland Premeir Leage ee Dalka India ka socda
Kabtankii Kooxda ESpanyol ee Dalka Spain ayaa la sheegay inuu wadnuhu istaagay
 

أفضل وثيقة تأمين على وجه الأرض

Islaamka iyo reer Galbeedka Aragti Taariikheed / Shiikh Almis Yaxye

علامــــــــــــــات حســـــــــــــــن الخاتمـــــــــــــة

أحكام الأضحية

فضل الصلاة على المصطفى صلى الله عليه وسلم

     
     

  WARAYSIYO

 

  TACSI

 
Faduma Jibrell oo ka waramaysa meesha ay mnareyso Dekeda Laasqoray..5.9.07

Caasha Axmed Cabdalla oo taageertey Maakhir.. SBS 5.9.07

Mudane Moon oo ka waramaya Xaalada Waxbarasho ee Sanaag .. 4.9.07

War saxaafadeed, Gudoomiyaha Sanaag ee Maakhir. ... 3.9.07

Caaqil Warsame Adan Geesood ... 2.9.07

Wareysi: Xasan Badeed oo ka waramay Dekeda Laasqoray. 29.8.07

Wareysi:-Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Maakhir State. 26.8.07

Khudbad cusub oo jeediyey Col Jibriil,25.8.07

Khudbad Taariikhi ah. Col Jibriil Cali Salaad 18.07.2007

Xasan Somali, Gud. Jaaliyada Warsangeli ee UK 17.07.2007

Caawa iyo Sanaag 16.07.2007

Faduma Jibril_HR. 09.07.2007

Maakhir iyo 1da Luulyo. 01.07.2007

Dhegeyso wareysigii SALAAD FAATAX-SBC ee ku aadanaa Dhagaxa

Ciyoon iyo Sanaag

12.05.07

Caaqil Cabdulahi Cabdi Ibraahim 04.05.07

Wareysi:-Mustafe Godane iyo Ceerigaabo 22.04.07

Warbixin ku saabsan Maxamed Cali Ciise 20.04.07

Xaalada Sanaag iyo maanta 19.04.07

BAAQ DANWADAAG. 13.04.07

BAAQ BADHAN. 13.04.07

Dhahar iyo SL-PL 09.04.07

Xaalada Dagaal oo ka taagan Sanaag 08.04.07

Wasiiro ka hadlay Sanaag 31.03.07

Dowlad Goboleedka Danwadaag

Wareysi cusub oo ka waramaya Sanaag 22.01.07

Wareysi BBC Somali La yeelatey Amd Yusuf Xaji Sacid iyo Shirkii Buraan 26.08.06

Wareysi ku saabsan go'aanadii Shirka Buraan 26.08.06

Radio SSCayn:- Shirka London ee Beelaha Sool iyo Sanaag wada dega iyo Dekeda Laasqoray 19.07.06

Ceerigaabo:- Warsaxaafadeed Gudi booqanaya Ceerigaabo 12.07.06

Warbixin ku saabsan dhisida Dekeda Laasqoray iyo Shirkii Horn Relief ee London 28.06.06

BBC:- Xaalufinta iyo Macdanta Sanaag oo go'aano laga soo saarey. 27.06.06


Shirkii Badhan oo guul ku dhamaaday 03-06-06

Wareysiyadii ugu danbeeyey ee shirka Badhan 29-05-06

Wareysi:- M C Dabshid iyo Xasan Faarax 28-05-06

Warbixin iyo wareysiyo Cusub oo ku saabsan shirka Magaalada Badhan ee G Sanaag 27.05.06

Wareysi Cusub oo RL ay la yeelatay Maxamud Ciyoon 18-05-06

Warbixin ku saabsan shirka ka socda Badhan

Qurba Jooga Beesha iyo waxay ka qabaan Majiyahan 17.04.05



Wareysiyo Kale Halakan riix
 
Tacsi kasocota Jaaliyadda iyo Ardayda Reer Maakhir ee Waxkabarata Jaamacadaha Waddanka India ee Qaaradda Asia
Tacsi ku socoto General Ilka jiir, wasiirka arimahada gudaha Puntland
Tacsi ku socota Reer siciid Mohamed abdi majabir oo dhowaan ku geeryoodey Bosaaso
Geeri Naxdinleh Marxuun Cabdi Maxamuud Maxamed [Cabdi Nugaal]
TACSI TIIRAANYO LEH -MARYAN SALAX (DHOODI) oo Geeriyootey 10 December 2009 Wadanka KENYA
 

  HEALTH

 

  TECHNOLOGY

Warning for healthy aspirin users
Steaming hot tea linked to cancer
GUDNIINKA WAA MAXAY GUDNIIN? [Q 2aad, Gudniinka Dumarka]
GUDNIINKA WAA MAXAY GUDNIIN? [Q 1aad]
Dummy use link to ear infections-bbc
 
Debut for world's fastest camera
Prius 'to be part solar-powered'
Internet key to Obama victories-bbc
Casharo Kooban oo ku saabsan Computerka
Google warms to ad deal with Yahoo -FT