| Home

HABKA UGU SAHLAN EE IS-HORMARINTA QOFEED (QEYBTA 2AAD)


Allaah ayaa mahad oo idil iska leh,nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Qoraalkaan oo taxane noo ahaa kuna saabsanaa “Habka ugu sahlan ee  is-hormarinta qofeed”. Ayaan ku bilaabeynaa qeybtiisii 2aad Qoraal/risaalo Nololeedka Qofeed, kadibna waxan kusoo afmeeraynaa Hanaanka loo dajiyo hadafka toosan.

Qoraal Nololeedka Qofeed

Qofkasta oo damacsan in uu is-hormariyo waxaa laga doonayaa inuu leeyahay qoraal cadeynaya waxa uu jecelyahay inuu gaaro mustaqbalka, kaas oo hagaya noloshiisa. Qoraalkaas oo uu qofku ku qorayo warqad, kuna cadeynayo waxa uu damacsan yahay mustaqbalka. Isla markaana uu dajisto hadafyada uu ku gaarayo waxa uu damacasanyahay. Hadaba, waxaan inta hore ee qeybta 2aad kaga hadli doonaa : Waa maxay Qoraal Nololeedka Qofeed? Muhiimadda ay u leedahay qofka? Sifadda laga rabo qoraalka, iyo sida loo qorto Qoraal nololeedka.

Waxaa la yiraahdaa Qoraal Nololeedka Qofeed: waa qoraal, qofku uu ku cadeynayo waxa uu tiiradda saarayo, rabana inuu mustaqbalka gaaro – haduu alle idmo-. Sidoo kale waxaa lagu qeexaa waa erayo kulminaya waxa qofka uu damacsanyahay ama uu hiigsanayo mustaqbalka.

Sababaha keenay in uu qofka uu qorto warqad cadeynaysa hadafkiisa ayaa ah; in qoraalku uu qofka siiyo dareen ah meesha uu usocdo, waxay kaloo ku kaalmeysaa in uu qofka kala ogaado waxa muhiimka u ah iyo waxa aan muhiimka aheyn. Sidoo kale waxay u fududeysaa go’aanada uu qaadanayo. Noloshana waxay siinaysaa qiimo, iyo dareen ah inuu wax hiigsanayo. Sidoo kale waxay siineysaa tab/qaab uu ooga faa’iideysto awoodiisa si sax ah. Tusaale ahaan, marka aad taqaanid waxa waajibka kugu ah in aad sameysid, waxaa kuu sahlan in aad abaartid oo qura meeshaas, sida jiheeyahaba uu u abaaro dhanka waqooyi kaliya.

Inta aanan bilaabin sida loo qoro risaalo nololeed, waxaa haboon in aan ogaano sifooyinka ee leedahay. Hadaba, qoraal nololeedku wuxuu hagayaa qofka si uu markasta u xasuusto hadafka uu leeyahay, isla markaana si guud waxa uu ka jawaabayaa sadex su’aalood oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah: Waa maxay hadafka aan ka leeyahay nolosha? Maxayse tahay Qiyamta aan Dhowrayo? Waa maxayse howsha/ficilka lagu gaarayo hadafka, laguna dhowrayo qiyamta ama waxa lama taabtaanka ii ah?

Habka loo qorto Qoraal Nololeedka

Qof kasta si buu u nidaamsadaa/qortaa qoraal nololeedkiisa. In kastoo ay jiraan Habab badan oo loo qoro, waxaanse halkaan ku sheegayaa hab ka mida sida loo qorto, waana sida tan:

Tilaabta kowaad: Soo qabso qalin iyo warqad, kana jawaab su’aalaha soosocda, maxaa yeelay waxay kugu saacidi doonaan kala xulashada iyo kala hormarinta sida ay u kala muhiimsanyihiin waxa aad damacsantahay:

  • Waa maxay awooda iyo xirfadda aad leedahay?
  • Waa maxay waxa aad jeceshahay in aad qabato?
  • waa waxay waxa kuugu yaabka badnaa ee noloshaada soo maray ? Sababna?
  • Hadii aad heysto lacag iyo waqti tallow maxaad ku qaban laheed?
  • Marka aad  fiiriso shaqadaada/howshaada, maxay tahay waxa aad  jeceshahay in aad mar walba qabato?
  • Sidoo kale, Marka aad is-fiiriso shaqsiy ahaantaada, waa maxay waxa aad u heelantahay in aad mar walba qabato?
  • Waa maxay waxayaabaha noloshaada wax ka badali kara? Maxayse tahay Hadafka midkasta ee aad ka leedahay waxyaabahaas?
  • Waa maxay waxa aadan jeclaysan ee ay noloshaadu la kulmeto hadda iyo mar walba?
  • Ugu danbeyntii waa maxay waxa aad ka rabto/damacsanatahay noloshaada? Maxayse tahay wadada aad noloshaada ku socodsiinayso?

    Tilaabta labaad:

    Qor waxyaabaha lama taabtaanka ah (Qiyamta) ee aad jeceshahay in aad dhowrtid, kana qor shanta ugu muhiimsan ee asaasiga u ah noloshaada, tusaale ahaan Cilmi, Diin jaceyl, Daljaceyl, Iscafis, Ixtiraam, Nabad, Howl karnimo, Raali ahaansho, Qanacsanaan, isku Naxariisasho, Dulqaad, Aamin-nimo, Malo wanaag, dhowrsanaan, Xornimo, hodantinimo, Guulaysi iyo kuwa kale oo badan.

    Tilaabta sadexaad:

    Kadib marka aad qortid kuwa lama taabtaanka ah ee noloshaada, waxaa u gudbi in aad qortid Qoraal nololeedkii oo dhameystiran, ogowna naftaada baad u qoreysaa, uqorna si aad fahmi kartid iyo luqad aad fahmi kartid. Xasuunowna su’aasha ah: Qoraalkaani ma kugu dhiiragalinayaa in aad himadaada sare usii qaadid? Adigoo raacaya tusaalahaan, buux buuxi meelaha banaan:

    Waxaan awoodaa …………………………. (sheeg shan ka mida Waxyaabaha lama taabtaanka ka ah agtaada) …………………………..sababtuna …………………………. (sheegna sababta ay muhiimka u yihiin) . waa inaan gaaraa …………..Waxana ku qaari –alle haduu idmo- in aan qabto …………………………..(qor howsha aad rabtid in aad qabtid si aad u xaqiijisid waxyaabahaas lama taabtaanka agtaada ka ah iyo waxa aad rabtid in aad gaartid). Waxaana ku gaari muddo dhan …………………………………………

    Waxaan weydiiyey arday ka midda ka qeybqaata yaasha siminaar aan qaabtay, inuu qoro hadafkiisa nolosha waxaa uu u qoray sidatan:

    Waxaan jeclahay in aan noqodo Macalin jecel ardaydiisa ayaguna ay jecelyihiin, kuna dhaqma diintiisa, ka runsheega waxa uu bartay, kaalmeeya naftiisa iyo dadka kaleba, isla markaana si aan ugu abuuro quluubta ardayda diinjaceyl , dal-jaceyl, walaaltinimo, isjaceyl, iskunaxariisasho, iscafis, isku dulqaadasho, wax-wada qabsi.   Si aan u gaaro hadafkaas waa in aan Qaato Shahaadada Bachelor-ka, qeybta barashada islaamka, kuna barto afka carabiga, kuna qaato muddo afar sano ah gudaheed, kana qaato Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed.

      Qoraal nololeedka wiilkaan marka aan falanqeyno waxaa ka muuqada qodobadii aan soo baranay.

Isku soo wada duuboo waxaa lama huraan ah in qoraalka uu yahay mid waafaqsan shareecadda islaamka, masuuliyadaada ka muslim ahaan, caafimadkaaga, shaqadaada, xariiridaada (qoys iyo mid bulshaba) iyo wixii lamidda, waxa loola jeedaa sidaa, in qoraal nololeedkaada iyo qodabadaan soo sheeganay in uusan ka jirin wax iska hor imaanaya, ama qalad ku ah diintaada, si aad u xaqiijisid tayadda qoraalka nololeedkaada.

  Hanaanka Qoridda Hadafka Toosan

Kadib, marka aan soo baranay sida loo qoro warqad nololeedka waxaan halkaan si kooban uga hadli doonaa Hiigsi/hadafka iyo sida loo dajiyo iyo sifooyinka uu leeyahay. Sidaa darted, hadaf waxaa la yiraahdaa waa miraha waxa uu hiigsanayo qofka dhawaan iyo mudo fogba, lehna waqti xadidan, kana dhasha ficilka uu la yimaado. Taasi waxaa loola jeedaa qofku waa in uu leeyahay qoraal cad oo cadeynaya hadafka uu leeyahay kuwo dhow (Short term goals) iyo kuwo fogba (Long term goals). Hadafyada fogi waa kuwa lagu higsado gaaritankooda mudo ka badan sanad sida in uu qaato degree jaamacadeed iwm. Hadafyada dhawi waa kuwa lagu higsado  gaaritaankooda mudo sanad ama ka yar ah,waxeeyna u adeegaan sidii lagu gaari lahaa hadafyada fog sida barasho loqadeed iwm.

Waxa kaloo loosii kala bixiyaa hadafyada ayadoo loo eegayo waxa laga rabo hadafka ilaa sadex nuuc. Kow, mid lagu saleeyey natiijadda la filayo waxaana la yiraah Natiijo Hiigsi (Outcome Goal). Labo, mid lagu saleeyey wax qabadka waxaana la yiraahdaa waxqabad Hiigsi (Performance Goal) wuxuuna u kala baxaa labo qeybood oo kala ah: waxqabad Jireed Hiigsi (Physical Performance Goal) iyo Waxqabad Maskaxeed hiigsi (Mental Performance Goal). Sadex, mid dheelitiran kuna salaysan hiigsasho dhanwalba ah inta noloshaada ay jirto, kulminayana dhamaan nuucyadda hadafyada kore, waxaana lagu magacaabaa Dheelitirnaasho Hiigsi (Balance Goal). Ken Blanchard ayaa yiri “ waxqabad kasta oo wacani wuxuu ka bilowday hadafyo cad” “All good performance starts with clear goals.” Biyo dhacaya Mid walba oo nuucayadaas ka tirsan wuxuu siinayaa qofka dajistay waxa lagu saleeyey hadafkaas.

Ku xeel dheerayaasha dajinta hadafyadda waxay badi isku raaceyn inuu hadafka noqdo ; mid go’an(specific), lacabiri karo (measurable), lagaari karo(attainable), macquul ah (realistic), waqtiyeeysan (timely). Bal hadii aan si kooban u sharaxno sifooyinkaas waa:   

Hadafku waa inuu yahay mid xadidan (Specific); waxaa loola jeedaa waa inuu hadafgaaga ahaado mid go’an oo waliba qoran, muuqda oo wax kale ku qaldameyn, maxaa yeelay wuxuu kusiin kuuna cadeyn waxa aad rabtid oo go’an/xadidan, iskuna dhexyaacsaneen.

Sidoo kale hadafku waa inuu yahay mid lacabiri karo (Measurable) sabatuna waxay tahay waa inay jirtaa hanaan lagula socon karo isbedelka/horumarka iyo waxa ka suuragalay hadafkii iyo gaaritiisaba. Marka aad dareensantahay in aad wax un ka xaqijisay hadafka waxay kugu sii dhiiragalinaysaa in aad horay usii socotid.

Sidoo kale hadafku waa inuu yahay mid la gaari karo (Attainable) sabatuna waxay tahay hadafka aad dajisanaysid ha noqdo mid aad gaari kartid, mana ahan mid kasta oo fudud in si sahlan lagu gaaro. Hadaba hadafku waa inuu yahay mid aan aad u fududeyn aadna u dhib badneen , lana gaari karo sabatuna ay tahay hadafkaas asagaa hadii aad gaartid waxaad dareemeysaa in aad howl yara adag aad soo fulisay, naftuna ay dhiiragalin ka haleyso.

Hadafkii inuu yahay mid macquul ah (Realistic) maxaa yeelay hadii aad ka dhigatid hadaf waxaan suuragal noqoneyn, shaki maleh in ay adagtahay in aad gaartid.

Ugu danbeyntii hadfku waa inuu yahay mid waqti ku xiran/waqtiyeysan(timely), hadafku waa inuusan waqti iska furan laheyn, oo uu xadidanyahay, taasi waxay kugu kaalmeyn in aad iska ilaalisid dibdhigasho howl (procrastination) iyo in aad  rajeyso in wax kasta in ay sax ku dhamaadaan( perfectionism). 

Isku soo wada duuboo waxay qodobaddaasi kore lagu soo koobaa SMART, taas oo qofka ama shirkadba ku caawisa inuu si sax ah u dajisto hadafkiisa.

      Hadaba, wax kasta waxay leeyihin caqabaddo ka xaniba horusocodka sidaa darted waxaan si kooba uga hadli doonaa waa sida aad u maareyn laheed hadii culaysyo ay kusoo wajahaane, kuwaasoo hakinaya fulinta hadafyadda, culaysyadaas nuucay rabaanba ha noqdaane waxaa lagu xalin karaa sida tan: Isbedel ku samee hadafka culayska ku yimid, kadibna dib isku waafaji culayska iyo hadafka, markastana hadafyadaadu ha ahaadaan kuwo la qabsan kara isbadalada ama u jilcsan in wax laga badalo, aydoon asalkii laga tageyn.

Gabagabo iyo Gunaanad

Qormadeenan 2-aad waxaan si kooban uga hadalnay: Waa maxay Qoraal Nololeedka Qofeed? Muhiimadda ay u leedahay qofka? Sifadda laga rabo qoraalka,  iyo sida loo qorto Qoraal nololeedka, waxaa kaloo sii xigay hanaanka qoridda hadfka. isku daygaan aan sameeyey ee ku aadan sida aan ugu faa’iideyn lahaa qofkasta oo jecel inuu Is-hormariyo, ayaan qoraaladeena xiga anagoo kusii dhameystiri doona  qeybaha kale ee mawduucaan ayaan manta intaas ku ekeynaynaa. Wixii sixid qaladaad, tusaaleyn ama  talo ahba adoo mahadsan fadlan iigu soo gudbi cinwaanadeydan hoose.

Mahadcelin

Waxaan halkan uga mahadcelinayaa inta igu dhiira galisay iyo inta igu kaalmeysay diyaarintiisa iyo maamulka website-kaan, iyo asaxaabtayda kala ah Cabdulqaadir Maxamed “Cabdiboqor”, C/fitaax Muxumed Salad (Diyeeshe), Axmad Garaad, Maxamed Amiin, iyo Axmed maxamed Adam, Ing. Jaabir, Maxamed ibraahim(Jananka).

W/D: Cabdikamaal Maxammed Sheekh C/laahi

Master of Management-candidate  

Graduate School of Management

International Islamic university, Malaysia

Email:kmlsom@hotmail.com

Daabaco
U dir saaxiibkaa


  NEWS IN ENGLISH

 

  ARABIC

SOMALI GOVERNMENT READY FOR EID SPECTACULAR.
PRESIDENT WELCOMES IMMEDIATE RETURN VISIT BY UN SPECIAL REPRESENTATIVE
The need for Re-organization and Reform in Puntland-Ismail Geldoon
PRESS RELEASE 018/2010 -UN Under-Secretary-General visits President Sheikh Sharif in Mogadishu
ARTICLE-Galgala: Farole’s Waterloo, BY
Joint Statement Condemning Al-Shabab’s attacks against the people of Mogadishu
Somalia's once stable Puntland hit by insurgency - The Associated Press
Sanag And Haylan Elders Committee Spokes Person sends a message to the international Community.
Somali MPs killed in hotel suicide attack
 
زيارة وفد من مظلة التعليم الأهلى وجمعية التضامن الى السودان
الشباب تتبنى هجومي كامبالا وأوغندا مصرة على البقاء بالصومال

مؤتمر في اسطنبول لإرساء الإستقرار في الصومال

القوات الأثيوبية تعبر الحدود وتشتبك مع صوماليين

الحكومة الصومالية: اثنا عشر عنصرا بالقاعدة عبروا للصومال من اليمن

تقرير للامم المتحدة يصف القوات الحكومية الصومالية بالفاسدة وغير الفعالة

تحويل النقود عبر المحمول في الصومال يوفر الاموال وينقذ الارواح

المتمردون يحذرون الحكومة الصومالية الانتقالية من شن هجوم على مواقعهم في مقديشو

     

BARNAAMIJYO KHAAS AH

COMMUNITY LISTINGS

  SPORTS

 

  ISLAM

Dalka Masar oo qaaday Koobkii Africa
Manchester United performance caps their best 10 days since 1999
Spurs in form for United clash
Sanaag oo ku Dur-Durisay Gobolka Sool......Koobka Puntland Premeir Leage ee Dalka India ka socda
Kabtankii Kooxda ESpanyol ee Dalka Spain ayaa la sheegay inuu wadnuhu istaagay
 

أفضل وثيقة تأمين على وجه الأرض

Islaamka iyo reer Galbeedka Aragti Taariikheed / Shiikh Almis Yaxye

علامــــــــــــــات حســـــــــــــــن الخاتمـــــــــــــة

أحكام الأضحية

فضل الصلاة على المصطفى صلى الله عليه وسلم

     
     

  WARAYSIYO

 

  TACSI

 
Faduma Jibrell oo ka waramaysa meesha ay mnareyso Dekeda Laasqoray..5.9.07

Caasha Axmed Cabdalla oo taageertey Maakhir.. SBS 5.9.07

Mudane Moon oo ka waramaya Xaalada Waxbarasho ee Sanaag .. 4.9.07

War saxaafadeed, Gudoomiyaha Sanaag ee Maakhir. ... 3.9.07

Caaqil Warsame Adan Geesood ... 2.9.07

Wareysi: Xasan Badeed oo ka waramay Dekeda Laasqoray. 29.8.07

Wareysi:-Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Maakhir State. 26.8.07

Khudbad cusub oo jeediyey Col Jibriil,25.8.07

Khudbad Taariikhi ah. Col Jibriil Cali Salaad 18.07.2007

Xasan Somali, Gud. Jaaliyada Warsangeli ee UK 17.07.2007

Caawa iyo Sanaag 16.07.2007

Faduma Jibril_HR. 09.07.2007

Maakhir iyo 1da Luulyo. 01.07.2007

Dhegeyso wareysigii SALAAD FAATAX-SBC ee ku aadanaa Dhagaxa

Ciyoon iyo Sanaag

12.05.07

Caaqil Cabdulahi Cabdi Ibraahim 04.05.07

Wareysi:-Mustafe Godane iyo Ceerigaabo 22.04.07

Warbixin ku saabsan Maxamed Cali Ciise 20.04.07

Xaalada Sanaag iyo maanta 19.04.07

BAAQ DANWADAAG. 13.04.07

BAAQ BADHAN. 13.04.07

Dhahar iyo SL-PL 09.04.07

Xaalada Dagaal oo ka taagan Sanaag 08.04.07

Wasiiro ka hadlay Sanaag 31.03.07

Dowlad Goboleedka Danwadaag

Wareysi cusub oo ka waramaya Sanaag 22.01.07

Wareysi BBC Somali La yeelatey Amd Yusuf Xaji Sacid iyo Shirkii Buraan 26.08.06

Wareysi ku saabsan go'aanadii Shirka Buraan 26.08.06

Radio SSCayn:- Shirka London ee Beelaha Sool iyo Sanaag wada dega iyo Dekeda Laasqoray 19.07.06

Ceerigaabo:- Warsaxaafadeed Gudi booqanaya Ceerigaabo 12.07.06

Warbixin ku saabsan dhisida Dekeda Laasqoray iyo Shirkii Horn Relief ee London 28.06.06

BBC:- Xaalufinta iyo Macdanta Sanaag oo go'aano laga soo saarey. 27.06.06


Shirkii Badhan oo guul ku dhamaaday 03-06-06

Wareysiyadii ugu danbeeyey ee shirka Badhan 29-05-06

Wareysi:- M C Dabshid iyo Xasan Faarax 28-05-06

Warbixin iyo wareysiyo Cusub oo ku saabsan shirka Magaalada Badhan ee G Sanaag 27.05.06

Wareysi Cusub oo RL ay la yeelatay Maxamud Ciyoon 18-05-06

Warbixin ku saabsan shirka ka socda Badhan

Qurba Jooga Beesha iyo waxay ka qabaan Majiyahan 17.04.05



Wareysiyo Kale Halakan riix
 
Tacsi kasocota Jaaliyadda iyo Ardayda Reer Maakhir ee Waxkabarata Jaamacadaha Waddanka India ee Qaaradda Asia
Tacsi ku socoto General Ilka jiir, wasiirka arimahada gudaha Puntland
Tacsi ku socota Reer siciid Mohamed abdi majabir oo dhowaan ku geeryoodey Bosaaso
Geeri Naxdinleh Marxuun Cabdi Maxamuud Maxamed [Cabdi Nugaal]
TACSI TIIRAANYO LEH -MARYAN SALAX (DHOODI) oo Geeriyootey 10 December 2009 Wadanka KENYA
 

  HEALTH

 

  TECHNOLOGY

Warning for healthy aspirin users
Steaming hot tea linked to cancer
GUDNIINKA WAA MAXAY GUDNIIN? [Q 2aad, Gudniinka Dumarka]
GUDNIINKA WAA MAXAY GUDNIIN? [Q 1aad]
Dummy use link to ear infections-bbc
 
Debut for world's fastest camera
Prius 'to be part solar-powered'
Internet key to Obama victories-bbc
Casharo Kooban oo ku saabsan Computerka
Google warms to ad deal with Yahoo -FT