| Home
BAARLAMAANKA PUNTLAND OO MAANTII XILKA KA QAADAY SADDEX MUDANE OO KATIRTSANAA MUDANAYAASHA BAARLAMAANKA DAWLADDA PUNTLAND.
Xildhibaanada Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa kulankoodii caadiga ahaa oo uga socda xarunta Puntland ee Garoowe waxay maanta xilka kaga qaadeen saddex mudane oo katirsanaa Baarlamaanka Puntland kadib markii lagu soo eedeeyey falal ka dhan ah jiritaanka Dawladda Puntland.
Fadhiga Baarlamaanka oo maanta ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole waxaana fadhiyey dhanka mudanayaasha 52-xildhibaan.
Magacyada Mudanayaasha xilka laga qaaday maanta.
1-Saleebaan Cumar Jaamac
2-Abshir Cabdi Sheikh
3-Ibraahim Cabdi Guure
Xildhibaanu gaaraaya 26-mudane ayaa isku raacay in xilka laga qaado mudanayaashan iyadoo ay kasoo horjeesteen 22-mudane halka ay isaga aamuseen afar xildhibaan, mudanayaasha ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland ee maanta xilkii laga xayuubiyey ayaa waxaa lagu soo eedeeyey in ay xiriirro dhow la lahaayeen Ururka SSC oo ah mid ka dagaalama Gobolada Sool iyo Cayn kana soo horjeeda Puntland iyo Somaliland.
Kadib codaynta ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka C/rashiid Maxamed Xirsi waxa uu ku dhawaacay in cod aqlabiyad ah xilka looga qaaday saddexda xildhibaan ee lagu soo eedeeyey xiriir la lahaanshaha dadka kasoo horjeeda jiritaanka Puntland.
Markii uu soo dhamaaday fadhiga Baarlamaanka ayaa waxaa shir jaraa'id qabtay xeer ilaaliyaha guud ee Dawladda Puntland Maxamed Cismaan waxaana uu sheegay in ay dhowr maalmood ka hor Baarlamaanka u soo gudbiyeen danbiga lagu qaaday xildhibaanadan oo uu sheegay in ay muddo soo baareen kuna heleen dabiyada ugu dambayntii maanta xilka looga qaaday.
Qaar kamid ah xildhibaanada xilka laga qaaday oo aan khadka Taleefanka kula xiriirnay ayaa waxa iska fogeeyeen eedaha loo soo jeediyey waxayna ku tilmaamay xilka qaadista lagu sameeyey mid sharci darro oo aan laga fiirsan.
Waa markii ugu horaysay oo xilka laga qaado mudanayaal katirsan Baarlamaanka Puntland ilaa wakhtigii la aas aasay sanadkii 1998-dii.
Jaamac Joofane
Joofane11@hotmail.com
Bossaso Puntland Somalia
Laasqoray.net
|
|
|
Wersheda Kaluunka ee Laasqoray ayaa soo bandhigtey Wax soorkeeda Caalamiga ah[Warbixin iyo Sawiro]
[WARBIXIN] Xagee marayaa Machadka Iqra Institute for higher Education, kana qeyb qaado dhameystirkiisa
FADLAN- KA QEYB QAADO DHISIDA WADADA XIDID
Xagee marayaa Dhismaha Machadka Badhan ee Culuumta Sare [Iqra Institute for Higher Education]+SAWIRO
Damala Xagare ee Gobolka Sanaag ayaa la Amaanay Waxbarashadeeda[Daawo Sawiro]
Warshada Kaluunka ee Laasqoray ayaa Gaadhay Hormar Xawli ah[Daawo Sawiro Qurxoon]