| Home
DAAWO SAWIRADII MAXBUUS ALLAHA U NAXARIISTEE JAAMAC ISMAACIIL DUCAALE OO MALEESHIYADA FAROLE DILEEN [DIGNIIN- SAWIRADU WAA KUWA NAXDIN LEH]
|
Sida ku cad xeerarka caalamiga ah ee jimciyada qaramada midoobey, heshiiskii Geneve , xeerarka maxaabiista dagaalka, xeerka dawlada soomaaliyeed, maamulka Puntland iyo shareecada islaamkaba, Dhamaantood waxay qeexayaan xeerarka maxaabiista wakhtiyada dagaaladu socdaan lagu qabto.
Tixraac hadalkii madaxweynaha Puntland ka sii daayey warbaahinta gudaha iyo dibadaba sida Laamaha af soomaaliga ee BBCda iyo VOA iyo kuwa kaleba . Laguna qorey website-yada gudaha iyo kuwa caalamka Madaxweynahu waxuu cadeeyey In ay maamulka putland ay gacanta ku qabteen Jaamac Cismaan ducaale dagaal ka dhacey tuulada Karin oo qiyaastii 40Km u jirta Magaalada Boosaaso 26/7/2010 oo ku beegneyd subax isniin ah waxuuna madaxweynuhu ku sheegey argagaxiso siduu hadalka u dhigey. Madaxweynuhu waxuu cadeeyey in ninkaas isaga oo nool gacanta lagu dhigey.
![]() Nasiib daro, Jaamac Cismaan Ducaale , waxaa nolol ku kaxeystey Ciidamada Hey’ada “PIS” ama “ashahaada la dirirka” oo dadka reer Puntland u yaqaaniin. Ciidaankaas oo aan ka mid aheyn ciidamada maamulka Puntland sida daraawiishta , Police-ka iyo Birmadka. Lana aqoon cida ay ka amar qaataan jiritaankoodana uuna ansaxin baarlamaanka Puntland oo ah hey’ada sharci dejinta, dastuurka puntlandna ku qorneyn.
Meydka jaamac Cismaan ducaale oo sida aad sawirka laga soo qaadey ka arki doontaan loo geystey jirdil bini’aadanimada, muslinimada iyo soomaalinimadaba ka baxsan kuna yaaliin Rasaas wejiga ah iyo ceejin cunaha ah. Waxaa ashahaada la diriku ku soo tureen banaanka xarunta ay ka degan yihiin xaafada laanta hawada ee boosaaso, ka dib markii 8 saacadood uu yaaley qolka meydka ee cisbitaalka guud ee boosaaso waxaa aasey Dawlada hoose ee degmada boosaaso.
![]() Arintan oo ah mid ugub ku ah shicibka Puntland , kiciseyna shucuurta dhamaan umada soomaaliyeed. Waxaa wax laga xumaado ah in ilaa hadda aanu wax jawaab ah ka bixin maamulka goboleedka Puntland. Iyagoo magaalada boosaaso ay ku sugan yihiin madaxdii ugu sareysay Puntland qaarkood sida madaxweyne ku xigeenka Puntland, wasiiro, xildhibaano, maamulkii goboka bari, taliyayaashii ciidamada, maxkamada iyo xeer ilaalinta gobolka bariba.
Arintan waxey keeni kartaa cawaaqib xumo daran iyo kacdoon shacab sidoo kale waxaa lumi doontaa kalsoonidii iyo wada shaqeyntii shicibka iyo maamulka Puntland cawaaqib xumada ka dhalatana waxaa masuuliyadeeda yeelan doona madaxweynaha Puntland oo shicibka iyo caalamkaba u cadeeyey in marxuunka nolol lagu qabtey.
Sidaa darteed waxaan u soo jeedineynaa madaxweyne faroole inuu sida ugu dhakhsaha badan gacanta ugu soo geliyo gacan ku dhiiglayaashii dembigaa ka dambeeyey.
Qore:- samaka talis
|
|
|


Wersheda Kaluunka ee Laasqoray ayaa soo bandhigtey Wax soorkeeda Caalamiga ah[Warbixin iyo Sawiro]
[WARBIXIN] Xagee marayaa Machadka Iqra Institute for higher Education, kana qeyb qaado dhameystirkiisa
FADLAN- KA QEYB QAADO DHISIDA WADADA XIDID
Xagee marayaa Dhismaha Machadka Badhan ee Culuumta Sare [Iqra Institute for Higher Education]+SAWIRO
Damala Xagare ee Gobolka Sanaag ayaa la Amaanay Waxbarashadeeda[Daawo Sawiro]
Warshada Kaluunka ee Laasqoray ayaa Gaadhay Hormar Xawli ah[Daawo Sawiro Qurxoon]