MAGAALADDA DHAHAR EE CAASIMADA GOBOLKA HAYLAAN OO LAGA SOO SAARAY BAAQ NABADEED.
BAAQHadaanu nahay Issimada, Cuqaasha iyo waxgaradka beesha Warsangeli ee deegaamada Haylaan iyo Galbeedka Bari waxaa kasoo baxay shirkayagii maanta oo taariikhdu tahay July 29, 2010 ka dhacay magaalada Dhahar qodobada soo socda: Waxaanu kasoo horjeednaa wax allaale iyo wixii nabada iyo xasiloonida Puntland wax u dhimaya meeshay doonaan haka yimaadeen, ciday doonaana ha ahaadeene; Waxaanu si deg deg ah goobta uu dagaalku ka dhacay ugu diraynaa guddi isugu jira issimo iyo waxgarad kale oo soo baadha xaqiiqada meesha ka jirta; Maadaama uu dagaalkani ka dhacay deegaankayaga waa in ay dawlada Puntland naga war sugtaa inta aanu xal nabad ah ama mid colaad ah ka keenayno ciidanka buuraha Galgala ku jira; Waxaanu ugu baaqaynaa maamulka Puntland in ay go’doominta ka qaadaan shacabka degan deegaanka Galgala iyo tuulooyinka ku dhow magaalada Boosaaso; Waxaanu diidanahay hadalkii kasoo yeedhay madaxweeynaha ee uu ku baaqay in beelaha Puntland ay hubka qaataan, waxaanuna u aragnaa hadalkaa mid khal khal gelinaya nabada Puntland. Anagoo aaminsan in wax walba marka hore nabad lagu dayo, xalka ugu danbeeyana noqdo dagaal hadii nabad wax lagu qaban waayo. Shirkan waxaa kasoo qayb galay: Nabadoon Warsame Adan Geesood Nabadoon Cabdilaahi Maxamed Xassan Muuse Nabadoon Axmed Siciid Madaxay Nabadoon Siciid Xasan Xaaji Yuusuf Nabadoon Saxaradiid Ali Dhawaaq Nabadoon Abdi Ali Farah Nabadoon Cabdi Ibrahim Jarjoor Nabadoon Abdi Salaad Farah Nabadoon Maxamuud Cumar Muuse Nabadoon Faarax Cali Ilsar Nabadoon Bashiir Faarax Taalaherdi Nabadoon Boqole Cabdi Qacle Nabadoon Yuusuf Boobe Nabadoon Cabdi Halac Nabadoon Maxamuud Cismaan Yuusuf Nabadoon Ahmed Maxamed Xasan (Mucaarad) Nabadoon Axmad Saalax Caynab Nabadoon Cabdi Kilwe Cismaan Nabadoon Maxamed Yousuf Shire Nabadoon Muuse Gabayre Axmed Nabadoon Salaad Siciid Jibe Wixii faahfaahin ah, lasoo xiriir gudigaodayaasha@gmail.com |
|
|
Wersheda Kaluunka ee Laasqoray ayaa soo bandhigtey Wax soorkeeda Caalamiga ah[Warbixin iyo Sawiro]
[WARBIXIN] Xagee marayaa Machadka Iqra Institute for higher Education, kana qeyb qaado dhameystirkiisa
FADLAN- KA QEYB QAADO DHISIDA WADADA XIDID
Xagee marayaa Dhismaha Machadka Badhan ee Culuumta Sare [Iqra Institute for Higher Education]+SAWIRO
Damala Xagare ee Gobolka Sanaag ayaa la Amaanay Waxbarashadeeda[Daawo Sawiro]
Warshada Kaluunka ee Laasqoray ayaa Gaadhay Hormar Xawli ah[Daawo Sawiro Qurxoon]