| Home
MADARISADA XIFDINTA QURAANKA IYO TAFSIIRKIISA EE DAARUL QURAAN EE DEGMADA BALIBUSLE EE GOBOLKA HAYLAAN.+SAWIRRO
Madaarisada diiniga ah ee ah ee Daarul Quraan oo ku taala Magaalada Balibusle ee Gobolka Hayland ayaa waxaa iminka ka socda Casharo iyo tafsiir inbadan ardayda dugsigaasi logu talagalay inay waqtigooda uga faaidaystaan Bisha barkaysan ee Ramadaan oo aan yar ay ka dhimantahay. Dugsigan oo ka mida Madaarisooyinka diiniga ah ayaa waxaa wax ka barta Arday ay dedoodu u dhexays 17Sano iyo Wixii ka hoosaya ,Waxaana ka qalinjibeyey ama dhamaystay Tafiirka quraanka iyo Xifdintiisa ilaa 140 Arday sida uu shiikha Malcamadaasi wax ka dhigaa u xaqiijiyey Team Warfidiyeeno ahaa Booqasho ku tagay Malcamadaasi.
Mid ka mida Ardayda Malcamdaasi ayaa waxaan waydiinay Habka uu uga faaidaysto barashaa Quraanka kariimka oo ah Wax ugu qaalinsan ee Aduunka labarto Madaama aan nahay dad islaam ah .
Ardaygan oo magiicsa ku koobay C/fataax ayaa Yidhi anigu waxaan Quraanka tafsiirkiisa ka gaadhey Juska 3aad welina waan sii wadayaa mana doonayo inaan barashada maadiga ah u gudbo ee iskulaadka ilamaa aan geba gebeeyo tafsiirka quraanka kariimka oo iminka aan ku barano madaarisada Daarul Quraan ee Magaalada Balibusle.\
Isku soo duboo Madaarisadani ayaa ah mida ugu balaadhan degaankaasi iyadoo ay magaalada Balibusle leedahay ilaa 3Malcamadood iyo Hal iskuul ,Waxaana la odhan karaa Degaanka Balibusle ee Gobolka HAYLAND Waxa uu horumar ka gaadhey barashada diinta islaamiga ah ee dhalaanka soo kacaya inakstoo ay siwayn uga litaan oo aysan ka muuqan kaalintii maadiga oo iskuul keliya oo 2qol ka kooban uu ku yaalo degaankaasi.
Masjid ku dhow Malcamada Daarul Quraan ee Magaalada Balibusle.
Ardayda Barata Quraanka qaar ka mida oo U diyaar garoobaya ka soo bixida Quranka Najax jaamac Nuur oo ka mida Ardayda iminka bilaabaysa Quraanka kariimka Dhismaha guud ee Madaarisada Quraanka kariimka ee Balibusle Wadaadka oo Qaybta hablaha Yaryar ka dhegaysanay Quraanka iyo Macnaha ayaadaha ay aqrinayaan |
|
|
Wersheda Kaluunka ee Laasqoray ayaa soo bandhigtey Wax soorkeeda Caalamiga ah[Warbixin iyo Sawiro]
[WARBIXIN] Xagee marayaa Machadka Iqra Institute for higher Education, kana qeyb qaado dhameystirkiisa
FADLAN- KA QEYB QAADO DHISIDA WADADA XIDID
Xagee marayaa Dhismaha Machadka Badhan ee Culuumta Sare [Iqra Institute for Higher Education]+SAWIRO
Damala Xagare ee Gobolka Sanaag ayaa la Amaanay Waxbarashadeeda[Daawo Sawiro]
Warshada Kaluunka ee Laasqoray ayaa Gaadhay Hormar Xawli ah[Daawo Sawiro Qurxoon]